Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Salaadaha Shanta ah ee la isku farad yeelay Maalinta iyo Habeenka, iyo Salaada Jumcaha ee Usbuucii mar ah, iyo Soonka oo Bisha Ramadaan oo Sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa weyn. Dambiyada waaweyn sida Sinada iyo Khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: In Qofka buuxiyey xiriirinta Qaraabada oo wanaajiyaa maahan Qofka ixsaanka ku bixiya ixsaan. Balse kan dhab ahaan u xiriiriya ee si buuxda Qaraabada u xiriiriya waa kan hadii Qaraabadu goyso xiriiriya, hadii ay xumeeyaana u ixsaan fala.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka sooma Bisha Ramadaan isagoo Ilaahay qirsan oo rumaysan waajibnimada Ramadaanka iyo ajarka iyo abaalka wayn ee Ilaahay u diyaariyey dadka sooman, Ilaahay dartina ula jeeda oo aysan ka ahayn is tustus iyo ha lagu maqlo, waa loo dhaafaa dambiyadiisii hore.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay fadliga Habeenka Laylatul Qadrigu leeyahay, Habeen kaasoo ku jira tobanka u dambeeya Ramadaanka, Qofka Habeenkaa ku dadaala Salaada, ducada, akhrinta Qur'aanka, xuska Ilaahay, isagoo rumaysan Habeenkaa iyo fadligiisa, oo ka rajaynaya camalkiisaa in Ilaahay ajar ka siinaayo, ee aan ula jeedin is tustus iyo ha lugu maqlo, waxaa loo dhaafaa dambigiisii hore.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey qaacido guud oo shay walba soo galayo, taasoo u qaybsamaysa seddex qaybood: qayb xalaal ah oo cad, qayb xaaraan ah oo cad, iyo arimo mushtabihaat ah oo aan xugunkoodu xalaal iyo xaaraan kii uu yahay aysan cadayn, kuwaasoo dad badani aanay ogaan karin. Qofka ka taga mushtabihaatka wuu ilaaliyey Diintiisa wuxuuna ka fogaaday xaaraanta, waxaana cirdigiisu ka badbaaday hadalka dadka oo ah waxay ku ceebayn lahaayeen haduu ku dhici laha mushtabihaatka. Qofkase aan ka fogaan shubuhaatka dhab ahaan naftiisu waxay halis u tahay inay xaaraan ku dhacdo ama in dadku cirdigiisa wax ka sheegaan. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu tusaale u soo qaatay, si uu u cadeeyo arinka qofka shubuhaatka ku dhaca, inuu yahay sida qof xoolaha ku ag raaca dhul ninkii lahaa dayr ku wareejiyey, waxaa laga yaabaa in xoolahaasi daaqaan dhulkaa xiran waayo way u dhaw yihiin, taas waxaa la mida qofka ku dhaca shubuhaadka, waayo wuxuu u dhawaanayaa xaaraantii waxaa dhici karta inuu ku dhaco. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in jirka ay ku jirto xubin " waa qalbiga ", uu wanaageeda jirkoo dhan ku hagaago, xumaanteedana jirkoo dhan ku xumaanayo.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in Qofku ka joojiyo Naftiisa iyo dadka kaleba dhibka nooca uu yahayba iyo qaab uu yahayba Qofna uma banaana inuu dhibo Naftiisa ama cid kale midna. Qofna uma banaana inuu dhib ka hor geeyo dhib kale waayo dhib laguma joojiyo dhib kale, inay Qisaas aan lagu xadgudbayn tahay mooyee. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in loogu goodiyey Qofka dadka dhiba in la dhibidoono, oo Qofka dadka ku adkeeya lagu adkayndoono.
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Malakul Jibriil uusan ka tagin inuu ku celceliyo oo uu amrayo Jaarka ilaalintiisa, kaasoo ah Guriga u dhaw, xataa haduu yahay Muslim, Gaal, Qaraabo, ama Shisheeye waa in la ilaaliyo xaqiisa oo aan la dhibin, waa in loo ixsaan falo oo lagu sabro dhibkiisa, ilaa uu u maleeyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu arkay sida uu u weyn yahay xaqa Jaarku oo uu ugu celcelinaayo Jibriil ayuu u maleeyey in waxyi ku soo dagi doono in la siiyo Xoolaha uu ka tagidoono markuu dhinto.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey waxyaabo samayntoodu tahay shirki waxaana ka mida: Tan koobaad: waa hadalkii ay isku dawayn jireen dadkii waqtigii jaahiliga, kaasoo ka koobnaa waxyaabo shirki ah. Tan labaad: qardhaasta oo ah wax taxan oo kale, taasoo loo xiro caruurta, xoolaha iyo qayrkoodba iyado laga ilaalinayo isha. Tan saddexaad: madiidaynta: waa wax loo sameeyo labada qof ee is qabta mid in la jeclaysiiyo kan kale. Arimahaasi waxay ka mid yihiin shirkiga, dad ayaa sabab ka dhigaya, mana aha sabab sharciya oo daliil ku sugnaatay, mana aha sabab xisi ah oo khibrad ku sugnaatay. Asbaabta shirciga ah sida akhrinta Qur'aanka, ama asbaabta xisiga ah sida daawada khibrada lagu ogaaday, way banaan tahay iyado la rumaysan yahay inay tahay asbaab uun, nafaca iyo dhibkuna Ilaahay gacantiisa ku jiraan.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay xaaraan tahay in dadka dhintay la caayo iyo in sharaftooda wax laga sheego, taasina waa akhlaaq xumo, waayo waxay heleen waxay hor marsadeen ee acmaal fiican ama xun ahaa, caydaasina iyaga ma gaarayso ee waxay dhibaysaa kuwa nool.