Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka tukada Salaada Subxa inuu ku jiro Ilaahay xifdigiisa, ilaalintiisa, waardiyihiisa, difaacidiisa iyo u gargaaridiisa. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in la jabiyo oo laga boxo balankaa, taasoo ah in Qofku ka tago Salaada Subaxa, ama Qof tukaday Salaadii Subax uu dhib u gaysto, Qofkii sidaa sameeya wuxuu buriyey balantii, wuxuuna mutaystay goodiga adag, iyado Ilaahay ku ciqaabidoono danbiga uu ku dhacay, Qofkii Ilaahay ka dalbo magantiisa wuu qabanayaa ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa Naarta.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in sadaqdu aysan Maalka yarayn, balse ay ka difaacado Aafada, Ilaahayna wuxuu ugu badalaa kan Sadaqada bixiya khayr wayn, waxayna noqotaa mid badisa ee aan yarayn. Qofka dadka iska cafiya isagoo awooda inuu ka aarsado ama uu u qabsado Qofkii, Ilaahay wuxuu ugu bedelaa awood iyo cisi. Qofka Ilaahay darti u tawaaduca oo isu bihinbihiya, isagoon Qofna ka cabsanayn ama iska jeedinayn ama aan nafac kaga doonayn, llaahay wuxuu abaal uga dhigaa inuu sarayn iyo sharaf siiyo.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka dadka ugu iimaan badan uu yahay kan akhlaaqdiisu fiican tahay, taasoo ah waji furnaanta, wanaag samaynta, hadal wanaaga, iyo dhibka oo uu iska daayo. Muuminiinta waxaa ugu khayr badan kuwa Dumarkooda u khayr roon, sida Gaaskiisa, gabdhihiisa, Walaalihiis iyo Dumarka Qaraabadiisa ah, waayo kuwaasaa u xaq leh akhlaaq wanaagiisa.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Aduunyada iyo waxa dhex yaalaba ay yihiin wax waqti kooban lagu raaxaysto, ka dibna tagaya, raaxada Aduun waxaa ugu fiican xaas saalixad ah, taasoo markuu ninkeedu eego farxad gelisa, markuu wax farana adeecda, markuu ka maqnaadana nafteeda iyo maalkiisaba ilaalisa.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay isagaa koreeyee uu yiri: Ibni Aadanow bixi Sadaqada waajibka ah iyo tan Sunada ahba, waan idiin waasicin oo badal idinsiine idiina barakayne.-
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in shuruuda ugu mudan in la fuliyo ay tahay shardiga lagu xalaashaday ku raaxaysiga Dumarka, waana shuruud mubaax ah oo ay dalban karto xaasku marka la nikaaxayo.
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu ka boxo Salaad kasta oo waajib ah inuu akhriyo dikraan wayn macnihiisuna waa: "Laa Ilaaha ilaa Allaah": majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. "Waxdahuu laa shariika lahu" ma jiro cid la wadaagta Ilaah Nimcadiisa, Rabi nimadiisa, magacyadiisa iyo Sifooyinkiisa. "Lahul-mulku" Ilaahay kaligi ayaa iska leh mulkiga guud ee caamka ah ee shaamilka ah ee waasica ah waa mulkiga Samooyinka iyo Dhulka iyo inta dhuxaysa. "Walahul-xamdu" Ilaahay isagaa ku sifoobay kaamilnimo guud oo lagu mahadiyo maxabo kaamila iyo xaalad walba oo la wayneeyo, hadii dhib jiro iyo hadii dheefi jirtoba. "Wa huwa calaa kulli shay'in qadiir" awoodiisu waa kaamil oo dhinac walba taamka ah wax uusan awoodin ma jiro arin ku adkaanayana ma jiro. "Laa xawla walaa quwata ilaa Billaah" ma jirto cid xaalad uga wareegi karta xaalad kale ama xaalad macsi ah uga wareegi karta xaalad cibaado ah, cid awood leh ma jirto in Ilaahay u kaalmeeyo mooyee oo isaga la talo saarto. "Laa ilaaha Ilaa Allaah,walaa nacbudu ilaa Iyaahu" waa hadal xoojinaya macnaha Ilaahnimada, oo diidaya Shirkiga, mana jiro cid cibaadada xaq u leh oo aan Ilaahay ahayn. "Lahu nicmatu walahul-fadlu" Ilaahay Isagaa abuuray nicmooyinka isagaana leh, wuxuuna siiyaa ciduu doono ee Adoomadiisa ah. "Walahu thanaa ul-xusan" amaanta fiican waxaa iska leh Ilaahay Daatadiisa, Afcaashiisa, Nicmooyinkiisa iyo xaalad walba. "Laa ilaaha ilaa Allaah, mukhlisiina lahu Diin" Ilaahay ayaan kali yeelaynaa cidna istusimayno cidna maqashiin mayno Ilaahay cibaadadiisa. "Walow kariha AlKaafiruun waxaan ku sugnaanaynaa towxiidka Ilaahay iyo cibaadadiisa haba dhibsadaan gaaladuye.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in tobanka Maalmood ee Bisha Dil-xija ugu horeeya camalka saalixa ah ee la qabto uu ka fadli badan yahay camalka Maalmaha Sanadka intiisa kale. Asxaabtu Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay waydiiyeen Jihaadka aan ahayn Maalmahan tobanka ah ma isagaa fadli badan mise camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka Bisha Dil-xija laqabto? waxa ay ogaayeen inuu Jihaadku camalka u fadliga badan yahay. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ugu jawaabay in camalka saalixa ee Maalmaha tobanka Dil-xija laqabto ka fadli badan yahay Jihaadka oo la Jihaado waqti aan tobankan dhexdeeda ahayn, ilaa nin u baxay Jihaad oo u huray Naftiisa iyo Maalkiisa waqti Jihaad jiray, sidaana ku waayey Naftiisiii iyo Maalkiisiiba. Waa kaas kan ka fadliga badan camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka ah.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in Salaada Casar waqtigeeda dib looga dhigo, si bareer ah Qofka sidaa sameeyana camalkiisu wuu buraayo oo wax kasoo qaad ma leh.