





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Suheyb Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Muuminka xaalkiisu yaab ayuu leeyahay, arimihiisa oo dhan waa khayr, sidaasina Muuminka maahee cid kale uma sugnaan, haduu khayr helo wuu ku mahadin, khayr ayeyna u ahaanaysaa, hadii dhibaato ku dhacdana wuu sabrayaa, oo khayr ayeyna u noqonaysaa.
Waxa wariyay MuslimRasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu la yaabay Muuminka arinkiisa iyo axwaashiisa, isagoo-Rasuulku- jeclaysanaya arinkaa, waayo xaalkiisoo dhan baa kheyr wada ah, Muuminka maahee cid kale uma sugna arinkaasi, Hadii wax farxad leh uu helo wuu ka mahadin markaasuu mahad naqaas ka helayaa ajar. Hadii dhib ku dhacona wuu ku sabraa oo Ilaahay ayuu ajar ka helayaa, wuxuuna sabirkaa ka helayaa ajar, sidaa awgeed mar walba wuxuu helayaa ajar.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu hindhisayo Gacantiisa ama Maradiisa ayuu saari jiray Afkiisa oo ku yarayn jiray Codkiisa.
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo AxmedNabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu ahaa haduu hindhisayo: marka 1aad: Gacantiisa ama Maradiisa ayuu Afka saari jiray, si aanu uga soo bixin Afkiisa ama Sankiisa wax dadka la fadhiya dhiba. Marka 2aad: Codkiisa ayuu hoos u dhigi jiray oo kor uma qaadi. jirin.
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ma idin tusaa waxa Ilaahay dambiyada ku dhaafo oo darajaada Qofka kor loogu qaado?" waxay dheheen haa, Rasuulkii Ilaahayow, wuxuu yiri:"waa Waysada oo lagu xeel dheeraado Waqtiyada Waysada la dhibsado, Talaabada oo loo badiyo xaga Masaajida iyo Salaada ka dib oo la sugo Salaada xigta, taasi waa iyado Jihaad loo darban yahay.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye wuxuu waydiiyey Asxaabtiisa inay rabaan inuu tuso camal sabab u noqda in dambiga la dhaafo oo laga masaxo Diiwaanka Malaa`igtu ku qorto, oo laga masaxo Buugta Malaa'igtu ku qorto oo lagu helo darajo sare? Waxay dheheen Asxaabtu: haa waan doonaynaa kaas, wuxuu yiri: Kan 1aad: waa in sifiican loo Wayso qaato Waqtiyada la dhibsanyo Biyaha, sida Qabowga, Biyo yaaranta, Jirka oo xanuunsan iyo Biyaha oo kulul. Kan 2aad: waa in talaabada loo badiyo xaga Masaajidka, Talaabaduna waa masaafada u dhaxaysa labada Lugood oo loo qaado Masaajida ka fog Guriga iyo in Inbadan lagu soo celceliyo Talaabadaas. Kan 3aad: waa Waqtiga Salaada oo la sugo, iyo Qalbiga oo ku xiran Waqtiga Salaada loona diyaargaroobo Salaada iyo Masjidka oo la fariisto oo lagu sugo Jamaacada, oo haduu Salaada tukado uu fadhiyo meeshii uu ku tukaday ilaa Salaada xigta la gaaro. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in camalkaasi yahay Jihaad run ah loo darban yahay, waayo Nafta ayuu ka xirayaa dariiqa Shaydaanka hawadana wuu qasbayaa oo ka joojinayaa inay aqbasho waswaaska, markaas ayey xisbiga Ilaahay ka adkaanayaan Ciidanka Shaydaanka, kaasaana ah Jihaadka weyn, taasina waxay la mid tahay Qof Dhufays ugu jira Cadowga.
Abii Dar-daa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina oo idiinka khayr badan inaad dahab iyo lacag bixisaan, oo idiinka khayrka badan inaad la kulantaan Cadowgiina aadna Qoorta ka garaacdaan iyaguna ay Qoorta idinka garaacaan?", waxay dheheen: haa Rasuulkii Ilaahayow noo sheeg, wuxuu yiri: "waa dikriga Ilaahay ".
Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo AxmedNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Asxaabtiisa: Ma doonaysaan inaan idiin sheego oo idin baro acmaashiina kuwa ugu khayrka badan, uguna sharfta badan, uguna barako badan, oo ugu daahirnimada badan, uguna nadiifsan xaga Allaha Maaliga ah ee Casa Wajale ah. DarajaadkiinaJanadana idiin kor yeelid badan. Ee idiinka khayr badan inaad Sadaqaysaan Dahabka iyo Fidada? Ee idiinka khayr badan inaad Gaalada Jihaad la gashaan oo aad Qoorta ka garaacdaan, iyaguna Qoorta idinka garaacaan? Waxay dheheen Asaxaabtu: haa, waan doonaynaa, Rasuulkii Ilaahayow. Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waa dikriga Ilaahay, oo aad xustaan waqti kasta iyo qaab walba iyo xaalad kasta oo aad ku jirtaan.
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Sankiisu ha booroobo (haddulloobo), sankiisu ha booroobo, sankiisu ha booroobo", waxaa lagu yiri: waa kee? Rasuulkii Ilaahayow wuxuu yiri: "waa qofka soo gaara labadiisa waalid iyagoo gaboobay, midkood ama labadaba ee aan janada galin".
Waxa wariyay MuslimWuxuu ku habaaray Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -duli iyo ceeb heer uu sankiisa ciida galiyo-saddex jeer buu ku cel-celiyey- markaasaa la waydiiyey: waa kee kan aad habaartay Rasuulkii Ilaahayow? Nabigu wuxuu yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: waa qofka soo gaara labadiisa waalid oo gaboobay-midkood ama labadoodaba- ee ay sabab ugu noqon waayaan inuu janada galo, sababtoo ah uma uu ixsaan falin waana ku caasiyoobay.
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa marayey dariiqa makka, wuxuu maray buur la dhoho Jumdaan, wuxuu yiri: "socda kani waa jumdaane, sabaqal mufariduun way hor mareen kuwa Ilaahay xusa" waxay dheheen: mufaridiintu waa maxay Rasuulka Ilaahayow? wuxuu yiri: "waa raga iyo dumarka xuska Ilaahay badiya".
Waxa wariyay MuslimNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey mansilada ay joogaan kuwa Ilaahay xuskiisa badiya, taasoo ah inay kaligood noqdeen oo qayrkood kaga hormareen darajooyin sare oo janada ah, wuxuuna ku shabahay buurta jumdaan ee ka duwan buuraha kale.
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Ilaahay wuxuu fidiyaa GacantiisaHhabeenka si uu u tawbo keeno midka Maalinta dambaabay, Maalintana wuu fidiyaa Gacantiisa si uu u towbo keeno midka Habeenka dambaabay, ilaa Qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo."
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay ka tawbo aqbalaayo Adoomadiisa, Hadii adoonku Maalintii dambaabo oo Habeenkii u towbo keeno Ilaahay waa ka aqbalayaa, hadii Habeenkii uu dambaabo oo Maalintii towbo keeno Ilaahay wuu ka aqbalayaa towbadiisa, Ilaahay wuu fidiyaa Gacantiisa Isago ku faraxaaya towbada, oo aqblaaya towbada, albaabka towbaduna wuxuu ahaanayaa mid furan ilaa Qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo taaso tusaysa in Aduunkii dhamadaay, hadii Qorax ka soo baxdo galbeedka albaabkii towbadu waa xirmay.
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Labo qolo oo dadka Ehlu naarka ah ma arkaayo, qolo sidata jeedal lo'oda saynteeda oo kale ah oo dadka ku garaacaya iyo dumar labisan oo qaawan, oo qaloocsan oo is qaloocinaaya, madaxoodana la moodo sida kurus geel oo jan-jeera, kuwaasi jano galimaayaan, carafteedana helimaayaan, carafta janadana waxaa laga dareemaa intii loo socdo intaa iyo intaa."
Waxa wariyay MuslimNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa labo nooc oo dadka ka mida oo Ehlu Naar ah ee Nabigu uusan arag ee aan waqtigiisii jirin, balse Nabiga gadaashiisa imaan doona: Qolada 1aad: waa qolo wadata jeedal sida saynta dheer ee lo'oda u eg, kaasoo ay ku garaacayaan dadka, waana booloska iyo kuwa la shaqeeya daalimiinta ee dadka xaqdaro ku garaaca. Qolada 2aadna: waa haween iska bixiyey dharkii dhawrsanaanta iyo xishoodka kaasoo loo abuuray dumarka. wuxuuna ku tilmaamay: kuwo xaqiiqo ahaan dhar xiran, laakiin macna ahaan ka qaawan, waayo waxay xiran yihiin dhar khafiif ah oo jirka laga dhex arkayo, oo jirka qayb ayey qarinayaan qaybna way muujinayaan, iyagoo muujinaya quruxda. waa kuwo labiskooda ku soo jiidanaya quluubta raga iyagoo ku laafyoonaya socodka, oo garbahooda leex-leexiya, dadka kalena ku soo jiida dhaqan xumada iyo qalooca ay ku jiraan. waxaa ka loo ka mid ah tilmaamahooda : madaxooda oo ay ka dhigayaan sida kuruska geela oo dhinac u leexsan, iyagoo waynaynaya xajmiga madaxooda kuna waynaynaya duubid iyo wax la mida. Madaxooda oo lagu shabahay kuriska geela waa timahooda iyo guudkooda oo ay ku kor xirxireen madaxooda dushiisa, iyo jajabinteeda timaha ay dabtay ilaa ay u liicaan dhinac ka mida dhinacyada madaxa sida uu u liico kuriska awrku. Dumarka tilmaamahaan laga helo goodigaas adag ayaa ku socda kaasoo ah inayna janada galayn carafteedana helayn, una dhawaanayn, iyado carafta janada laga soo uriyo masaafo aad u fog.
Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay uu yiri: "Yaanu eegin ninku cawrada nin kale, Haweenayduna yaanay eegin cawrada naag kale, ninna yaanu la huwan nin kale hal maro, Haweenayna yaanay Haweenay kale la huwan hal maro."
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in ninku eego cawrada nin kale, iyo inay Haweenaydu eegto cawrada Haweenay kale. cawraduna: waa wax kastoo laga xishoodo hadii ay muuqato, cawrada ninkuna waa inta u dhaxaysa xuduntiisa iyo lawgiisa, Haweenayduna dhamaanteed cawro ayey ka tahay Ragga ajaanibta ah, Dumarka iyo Ragga Maxaarimteeda ahna waxay u muujinaysaa inta ay muujiso marka ay guriga ka shaqaynayso. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay inuu ninku ninkale hal maro ama wax kalaba kula keliyoobo iyagoo qaawan, wuxuu kaloo reebay in Haweenay ay Haweenay kale hal maro ama wax kale kula keli noqoto iyagoo wada qaawan, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa in Qofba Qofka kale cawradiisa taabto, taabashadeeduna waa xaaraan sida eegmadeeda loo xaaraan tinimeeyey, oo waliba way kasii daran tahay, waxayna keenaysaa fasahaad kasii wayn.