





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Ilaahay baa yiri: qofka la colooba waligayga, waxaan ogaysiiyey dagaal, adoonkaygu iiguma soo dhawaado waxaan ka jeclahay waxaan ku waajibyey, adoonkayguna ka suulimaayo inuu iigu soo dhawaado sunanta ilaa aan jeclaado, hadaan jeclaadona: waxaan noqdaa maqalkiisii uu wax ku maqlaayey, iyo aragiisii uu wax ku arkaayey, iyo gacantiisii uu wax ku qabanaayey, iyo lugtiisii uu ku soconaayey, haduu wax i waydiistona waan siin, haduu i magan galana waan magan gelin, ma jiro shay aan sameeyo oo aan ka laba labeeyo isadaan uga laba labeeyo muminka naftiisa, wuxuu neceb yahay geerida ana waxaan nibcahay xumayntiisa
Waxa wariyay AlbukhaariRasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku sheegay xadiiskaan qudsiga ah in Ilaahay weyne yiri: Qofka dhiba wali ka mida awliyadeyda, oo ka caraysiiya waxaan ogaysiiyey colaad. Waligu waa: Mu'uminka Taqiga ah, qofka kolba inta iimaankiisa iyo Ilaah ka cabsiqiisu dhan yahay ayuu noqonayaa nasiibkiisa uu ka helaayo walinimada Ilaahay. Muslimku uguma soo dhawaado Rabigi shay uu ka jecel yahay wixii uu ku faral yeelay oo uu ku waajibyey oo ah samaynta daacada iyo ka tagida muxaramaatka, Muslimkuna ka suulimaayo inuu Rabigi ugu soo dhawaado sunanta iyo faralka, ilaa uu gaaro jeclaanta Ilaahay. Markuu Ilaahay jeclaadana Ilaahay wuxuu u toosiyaa xubnahan afarta ah: Ilaahay wuxuu u toosiyaa maqalka oo ma maqlo wax aan Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa aragiisa, oo ma eego wax aan Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa gacantiisa, oo kuma qabto wax aanu Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa lugtiisa oo kuma aado meel aan Ilaahay raali ka ahayn, oo uguma socdo wax aan khayr ahayn. Intaa waxaa u dheer haduu Ilaahay wax waydiisto Ilaahay wuu siinayaa, oo wuxuu noqonayaa mid ducadiisa la aqbalo, haduu Ilaahay wax ka magan galo oo soo hoos galo isagoo doonaaya inuu ilaaliyona, Ilaahay wuu magan galin wuuna ka ilaalin waxaa uu ka baqaayo. Ka dib Ilaahay wuxuu yiri: kamaan laba-labeeyo waxaan sameynayo sidaan uga laba-labeeyo qaadida nafta mu'uminka anigoo u naxariisanaya darteed, waayo wuxuu neceb yahay geerida xanuunka ay leedahay darteed, Ilaahayna waa neceb yahay wixii mu'uminka xanuujiya.
Cuqba'a Binu Caamir Aljuhani-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey: "In Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ay u yimaadeen koox rag ah, wuxuuna la mubaayacooday sagaal nin (islaamnimaduu kula balamay), nin ragaa ka mid ahaana wuu ka joogsaday oo lama mubaayacoon, waxayna ku dheheen: Rasuulka Ilaahayow sagaalna waad la mubaayacootay ninkana waad ka tagtaye maxaa jira? wuxuu yiri: "isagu xirsi ayuu xiran yahay", gacantuu geliyey ninkii oo wuu iska jaray, markaasuu suubanuhu la mubaayacooday, wuxuuna Nabigu yiri: "qofka xirta xirsi Ilaahay ayuu u shariig yeelay."
Waxa wariyay AxmedRag koox ah ayaa Nabiga u yimid-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- tiradoodu waxay ahayd toban, sagaal iyaga ka mid ah ayuu Nabigu islaamnimada iyo inay isaga raacaan kula mubaayacooday, ninkii tobnaadna wuu ka istaagay, markii la waydiiyey sababta uu uga tegay wuxuu yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: Ninkani wuxuu xiran yahay xirsi, waana wax la xirto ama la gashado sida kuusha iyo wixii la mida si ay u celiso isha iyo wixii dhib ah. Ninkii wuxuu gacantiisa geliyey halkuu kaga xirnaa xirsigu, wuuna gooyey oo iska tuuray, Nabiguna-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markaasuu la balamay, wuxuuna yiri isagoo ka digaya xirsiyada xugunkoodana cadaynaya wuxuu yiri: (Qofkaii xirsi xirta shirki ayuu sameeyey ).
Abii Hureyra -Allaha karraalli ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Malaa'igtu ma raacdo safar wata Ey iyo gambaleel."
Waxa wariyay MuslimNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inayna malaa'igtu raacayn safar wata Ey iyo ganbaleelka xoolaha lagu xiro ee codeeya marka neefku dhaqaaqo.
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado- isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Muslimku waa Qofka ay Mslimiintu ka nabad galeen Carabkiisa iyo Gacantiisaba, Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Muslimka Islaamnimadiisu kaamilka tahay uu yahay midka Muslimiintu ka nabad galaan Carabkiisa ee aan caayin, oo nacaladin, oo xamanin, oo dadka la dhex qaadin wax dhib ah oo uu ka gaysto carabkiisa. Muslimiintuna ka nabad galaan Gacantiisa oo aan ku xad gudbin, oo aan ku qaadan xoolahooda xaq daro, iyo wixii la mida. Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada waxa uu Ilaahay ka xarimay.
Tamiim Addaari-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa Habeenka iyo Maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo Guri baadiye midna ee wuu galin Diintiisa, wuxuu ku galin sharafta mid sharaf leh ama dulinimada mid duli ah, sharaf uu Ilaahay ku sharfayo Islaamka, iyo dulayn uu Ilaahay ku dulaynayo kufriga" wuxuu dhihi jiray Tamiim addaari: aarinkaa waxaan ku ogaaday oo aan ku arkay qaraabadayda, dhab ahaan khayr iyo sharaf bay heleen kuwa Islaamay, kuwa gaalnimo ku harayna waxaa haleelay duli, quursi iyo jisyo.
Waxa wariyay AxmedRasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Islaamku ku faafidoono meel walba oo Dhuka ka mida, Diinta Islaamku waxay gaaridoontaa meelkasta oo Habeenka iyo Maalitu gaaraana, Ilaahayna ka tagi maayo Guri Magaalo, Tuulo, Baadiye iyo Saxaraha midna ee wuu galinayaa Diintaan. Qofka qaata Diinta Islaamka ee iimaanka laga helo wuxuu noqon mid lagu sharfo sharafta Islaamka, Midka iska Diida ee ku gaalooba Diinta wuxuu noqon mid duliya oo ihaanaysan. Intaa ka dib saxaabiga Tamiim addaari-Allaha ka raali ahaadee- ayaa sheegay inuu arinkaa ku arkay dadka isaga eheladiisa ah, oo inta ka islaamtay khayr iyo sharaf iyo cisi heleen, inta Gaalnimada qaadatayna duli iyo ihaano ku dhacday, iyagoo waliba jisyo bixinaya oo Muslimiinta siinaya.
Cabdullaahi bn cumar-Allaha karraalli ahaadee-waxuu dhahay: Gabadh ayaa la.arkay iyadoo ladilay duullaanadii rasuulka mid ka mid ah, wuuna diiday oo kaxumaaday rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiiye-dilka haweenka iyo caruurta.
Xadiis la isku waafaqayNabiga-naxariis iyo nabadi korkiiye-ayaa arkay haweenay lagu dilay jihaadkii nabiga mid kamid ah, wuuna diiday rasuulku dilka dumarka iyo caruurta aan qaan gaadhin.
Cabdullaahi bn cumar -Alla karraalli ahaadee- Waxuu nabiga kawariyey-naxariis iyo nabadi korkiiye-inuu nahiyey nadarka,waxuuna dhahay:((khayr makeeno, lkn bakhaylkaa wax lagaga soo saaraa)).
Xadiis la isku waafaqaywaxuu nahiyey rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiiye-nadarka, waana inuu qofku isku waajib yeelo wax aanu Alle ku waajibin, waxuuna dhahay: nadarku wax masoo dedejin karo waxna madib dhigi karo, lkn midka bakhaylka ah ee waxa kuwaajiba uun sameeya ayaa lagu soo saaraa, oo nadarku ma keeni karo shay aan xagga Alle uga qornayn qofka.
Abii Muusa Alashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- ayaa la weydiiyey ninka u dagaalama geesinimo, kan ku dagaalama qabyaalad iyo kan ku dagaalama is tustus, keebee dar Ilaahay dagaalkiisu ahaanayaa? wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "midka u dagaalama si ay kalimada Ilaahay kor u ahaato ayaa dar Ilaahay u dagaalamay."
Xadiis la isku waafaqayNabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- waxaa la weydiiyey sida ay isu khilaafsan yihiin ujeedooyinka dadka dagaalamaya, ninka u dagaalamaya geesinino ama qabyaalad, iyo kan uu ka yahay dagaalku si loo arko meesha uu bulshada ka joogo iyo wixii la mida, keebaa jidka Ilaahay ku dagaalamay? Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu u sheegay midka dar Ilaahay u dagaalamay waa kan ku dagaalamay si kalimada Ilaahay kor u ahaato.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: "Sima sufuuftiina, safka oo la simo salaada dhamaystirkeeda ayey ka mid tahay."
Xadiis la isku waafaqayNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatree- wuxuu dadka tukanaaya faray inay simaan safka, oo qaarba qaarka kale aanay ka horayn, simada safkuna waxay ka mid tahay salaada dhamaystirkeeda iyo kaamilnimadeeda, safka qaloocintiisuna waa khalad iyo nusqaan salaada lagu sameeyey.