





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abuu hurayra-Allaha karraalli ahaadee-waxuu nabiga kawariyey-naxariis iyo nabadi korkiiye-inuu dhahay: ((qofku waa kolba diinta(dhaqanka) saaxiibkii uu kusugan yahay uun,ee ha eego midkiin qofka uu lasaaxiibayo)).
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmedwaxuu caddeeyey nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye- inuu qofku ka.shabbaho saaxiibkii xagga hab dhaqankiisa iyo caadooyinkiisa, oo waliba ay saamayso saaxiib nimadu akhlaaqda,hab dhaqanka, sidaa tarteed ayuu ku boorriyey ummaddiisa xulashada saaxiibka fiican,waayo waxuu tusaa saaxiibkii iimaanka iyo hanoonka, hiil xagga khayrka ahna wuu u.ahaadaa saaxiibkii.
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "U deg-dega camalka saalixa ah inta aanay idinku imaan fitnooyinka la moodo qayb Habeen ah oo Mugdi ah, oo ninku Waabariisanaayo isagoo Muumin ah oo Galabaysanaayo isagoo Gaal ah ama uu Galabaysanaayo isagoo Muumin ah oo uu Waabariisanaayo isagoo Gaal ah, oo uu Diintiisa ku iibsanaayo xoogaa Aduunyo ah.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku boorinayaa Qofka Muuminka ah inuu u deg-degooo uu badsado camalka saalixa ah, inta aan la waayin ama aan lagu mashquulin, fitnooyin iyo shubuhaat imaandoona oo u diidaya oo ka hor istaagaya camalka saalixa ah, fitnooyinkaasi waxay la mid yihiin qayb Habeen Mugdi ah, oo ay isku darsamayaan xaqa iyo baadilku, oo dadka ay ku adkaanayso inay kala saaraan, oo sida ay u daran tahay ay dadku isku dhex yaacayaan, ilaa Qofku uu Waabariisto isagoo Muumin ah, oo Galabaysto isagoo Gaal ah, oo uu galabaysto isagoo Muumina oo uu Waabariisto isagoo Gaala, oo Diintiisa uga tago xoolo Aduunyo oo dhamaanaya.
Abii Saciid Alkhudr Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun u raacaysaan dariiqii ay jideeyeen kuwii idinka horeeyey, xataa haday galaan god abeeso lugaley waad raacaysaan" waxaan ku niri: Rasuulka Ilaahayow ma yuhuud iyo nasaaraad u jeedaa? wuxuu yiri: " yaa kale?".
Xadiis la isku waafaqayRasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay sida uu noqondoono xaalaka ummaddisa qaar ka mida waqtiga uu joogo ka dib, taaso ah inay ku raacidoonaan Yuhuuda iyo Nasaarada caqiidadooda, camalkooda, caadadooda iyo dhaqankooda raacid aad u daran oo taako taako iyo dhudhun dhudhun ah, xataa hadii ay galaan god abeeso lugaley ay ka daba galayaan.
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Majiro cudur iskii u kala gudba, majirto in la baasaysto shimbiraha ama guumeysta iyo in la baasaysto bisha safar, ugana carar qofka qaba juudaanka sidaad uga cararto libaaxa."
Xadiis la isku waafaqayNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey falalkii jaahiliyada qaar ka mid ah isagoo ka digaya, wuxuu kaloo cadeeyey in wax walba gacanta Ilaahay ku jiraan, oo wax walba Ilaahay amarkiisa iyo qadarkiisa ku ahaanayaan, waana: Mida 1aad: waxay aamin sanaayeen inuu cudurku iskii u gudbo, Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuu ka reebay dadku inay rumeeyaan in jiradu qofka jiran iskeed uga gudubto oo qof kale aado, balse Ilaahay ayaa maamula aduunkaan, isaga ayaana soo dajiya cudurka isaga ayaana qaada, arinkaasi ma dhici karo inuu Ilaahay iraadadiisa iyo amarkiisa ku ahaado mooyee. mida 2aad: dadkii jaahiligu waxay ahaayeen hadii ay safar ama ganacsi u baxayaan, waxay duulin jireen shimbir, haduu midigta u duulo way bishaaraysan jireen, haduuse xaga bidix u duulo way baasaysan jireen oo ka laaban jireen, Nabigu scw wuu ka reebay baasaysigaa shimbiraha, wuxuuna u cadeeyey inay caqiido baadila tahay. Mida 3aad: dadkii jaahiligu waxay oran jireen: hadii shimbirka guumaystu soo fuusho guri musiibo ayaa ku dhacaysa reerka guriga leh, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu ka reebay baaseysigaas. Mida 4aad: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay in la baasaysto bisha Safar, waana bisha labaad ee bilaha qamariga ah, waxaa kaloo la yiri: safar waa abeeso gasha caloosha, oo ku dhacda xoolaha iyo dadkaba, waxay sheegi jireen inay ka faafi og tahay cudurka cadhada, Nabiguna-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuu ka reebay caqiidadaas. Mida 5aad: Nabigu scw wuxu amray in laga fogaado qofka qaba cudurka Juudaanka sida looga fogaado libaaxa, taasina waa in nafta loo dadaalo oo la dalbo bad qabkeeda oo la sameeyo ficilka Ilaahay amray, juudaanku waa cudur xubnaha dadku ay is cunaan.
Anas Binu Maalik -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Majirto is qaadsiini, majiro baaseysi, waxaanan jeclahay in wanaag la fisho", wuxuu yiri-Anas- waxaa lagu yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: waa maxay wanaag la fisho?, wuxuu yiri: "waa hadalka wanaagsan."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay faafitaanka cudurada ay aaminsanaayeen dadkii jaahiliyadu in cudurku iskiis ugu gudbo qof kale oo qadar Ilaahay aanu jirin inay taasi baadil tahay. Baasaysiguna uu baadil yahay, waana in qofku wax uun sharaysto yacni shay uu maqlay ha ahaado ama shay uu arkaye, sida shinbirta ama xayawaan ama dad naafo ah ama lambaro ama maalmo iyo wixii la mida Wuxuu shimbiraha u xusay waxay ahaayeen shimbiruhu waxa ugu caansan ee la baasaysto waqtigii jaahiliyada, asal ahaana waa in shimbiraha la duuliyo marka hawl loo kacayo, sida safarka, ganacsiga iyo wixii la mida, hadii shimbirku u duulo xaga midigta wanaag ayuu filanayaa wuuna ku dhaqaaqayaa wuxuu rabay, haduuse u duulo xaga bidix wuu shareysan wuuna ka joogin wuxuu rabay. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu jecel yahay filashada wanaaga, oo ah warka qofka farxada iyo rayrayn geliya taaso ka timid kalimad fiican oo uu maqlay, oo ka dhigaysa in qofku rabigi male fiican ka fisho.
Dalxa Binu Cubaydu Allaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin reer Najdi ah ayaa u yimid oo Madax basaasan, oo aan maqlaynay Codkiisa weyn, oo aanan fahmayn wuxuu sheegaayo ilaa uu u soo dhawaaday Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waaba isagoo Islaamka wax ka waydiinaya, wuxuu yiri Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "Salaado Shan ah Maalintii iyo Habeenkii" wuxuu yiri: waxaan iyaga ahayn miyaa igu waajiba? wuxuu ku yiri: "maya, adigoo Suno tukada maahee, iyo Soonka Bisha Ramadaan", wuxuu yiri: Soon kale ma la igu leeyahay? wuxuu ku yiri: "maya, adigo Suno Sooma maahee, wuxuuna u sheegay Rasuulku Sakada, wuxuu yiri wax kale-oo Sako ah- ma la igu leeyahay? wuxuu ugu Jawaabay: "maya, adigo Sadaqada badsada maahee", wuxuu yiri -Dalxa-: ninkii waa islaabay oo dhaqaaqay, isagoo dhahaya: Ilaahay ayaan ku dhaartee intaa waxna ku darimaayo waxna ka dhimi maayo, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa yiri: "wuu liibaanay haduu ka run sheego".
Xadiis la isku waafaqayNin reer Najdi ah ayaa u yimid Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ninkaasoo Timo basaasan lahaa, Codkiisuna aad u dheeraa, wuxuu sheegayana aan la fahmayn ilaa uu Rasuulka u soo dhawaaday, wuxuuna wax ka waydiiyey arkaanta Islaamka?. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku bilaabay Salaada, wuxuuna u sheegay in Ilaahay ku farad yeelay Habeenkii iyo Maalintii Shan Salaadood. Wuxuu yiri: ma igu waajibaa Salaado kale oo aanSshantaa ahayn? Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: maya inaad Salaadaha Sunada ah tukato maahee. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu ku yiri: waxaa Ilaahay kugu waajibiyey Soonka Bisha Ramadaan. Ninkii wuxuu yiri: soon kale oo aan intaa ahayn miyaa igu waajiba? wuxuu yiri: maya, inaad Soon Suno ah Soontid maahee. Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu sheegay Sakada. Ninkii wuxuu yiri: ma sadaqo kale ayaa igu waajib ah oo aan Sakada faradka ah ahayn? wuxuu yiri: maya, inaad Sadaqaysato maahee. Ninkii markuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabahaas faradka ah wuu jeensaday wuuna dhaqaaqay, wuxuuna Ilaahay ugu dhaartay inuu intaa laasimi doono isagoon wax ku darin waxna ka dhimin, Rasuulka ayaa yiri intaa ka dib: haduu ka run sheego wuxuu ku dhaartay wuxuu ka mid ahaanayaa kuwa liibaanay.
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Maalin Qoraxi soo baxdo waxaa ugu khayr badan Maalinta Jimcaha, iyadaa Aadam la abuuray, iyadaana Janada la geliyey, iyadaana laga soo saaray, Qiyaamuhuna dhicimaayo Maalin aan Jimce ahayn".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Maalin Qoraxi soo baxdo Maalinta Jimcuhu ugu khayr badan yahay. Sifooyinkiisa waxaa ka mida: inuu Ilaahay abuuray Nabi Aadam-nabadi korkiisa ha ahaatee-, isla jimcahana janada la galiyey, jimcena laga saaray oo dhulka loo soo dajiyey, qiyaamuhuna ma dhacayo maalin aan jimce ahayn.
Barraa Binu Caasib-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka ka wariyey inuu yiri: "Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah", waana hadalka Ilaahay yiri: {Ilaahay wuxuu ku sugayaa kuwa iimaanka leh hadalka xaqa ah ee sugan nolosha aduunka iyo mida aakhiroba} [ suurada ibraahim: 27].
Xadiis la isku waafaqayMuuminka qabrigaa lagu waydiin su'aalo, labada malag oo wakiil looga dhigay ayaa weydiinaya su`aalaha waana Munkar iyo Nakiir, sida magacdoodu ugu soo arooray axaadiis dhowr ah, Wuxuu qirayaa Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa anna Maxamed Rasuulu Allaah, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- hadalka sugan ee Ilaahay sheegay waa kaas: {Ilaahay ayaa ku sugaya oo waafajinaya kuwa iimaanka leh, hadalka sugan nolosha aduunka iyo tan aakhiroba} [ suurada ibraahiim:27].
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-: wuxuu ka wariyey Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: (Ilaahay wuxuu yiri: Ibnu Aadam ayaa i beeniyey xaqna u malaha inuu i beeniyo, wuuna i caayey xaqna u malaha inuu i caayo , beeninta uu i beeniyey waa hadalkiisa: Ilaahay igumasoo celin karo sidii uu ii abuuray, Abuuritaankiisa horena ma aha mid iiga fudud soo celintiisa, caydiisa uu i caayeyna waa hadalkiisa: Ilaahay ilmuu leeyahay, anoo axad ah, oo makhluuqu baahidooda ay u sheegtaan, maanan dhalin la imana dhalin, wax ila mid ahina majiraan).
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu xadiis qudsigaan ku cadeeyey in Ilaahay sheegay in mushrikiinta iyo kufaartu Ilaahay beeniyeen oo ay ku sifeeyeen naaqusnimo iyo ceebo, inay sidaas yeelaana kuma haboonayn. Beenintooda ay Ilaahay beeniyeen waa inay sheegteen inaanu Ilaahay u abuuuri doonin markay dhintaan ka dib in mar labaad uu sidoodii hore oo uu cidla ka abuuray u abuuri karo, wuxuuna Ilaahay ugu jawaabay Ilaahii awalba iyagoon jirin abuuray uu awoodaa inuu soo celiyo oo ugasii fudud, waloow Ilaahay ay u wada siman yihiin abuurida iyo soo celintuba, Ilaahay wax walba waa awoodaa. caydooduna: waa hadalkooda: Ilaahay ilmo ayuu leeyahay, wuxuuna Ilaahay ugu jawaabay: inuu yahay Ilaah keli ah, oo la keliyoobay kaamilnimo xaga: magacyadiisa, sifooyinkiisa, afcaashiisa, oo uu ka nasahan yahay naqsi iyo ceeb oo dhan, oo uu yahay Samad aan cidna u baahnayn qof walban uu u baahan yahay, oo qofna uusan waalid u ahayn, oo qofna u ahayn ilmo, cid i la midana aysan jiri mid ila mida iyo mid ii egtoona jirin Ilaahay waa kii xumaan ka nasahan oo sareeya.