





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: qiyaamuhu dhicimaayo ilaa Qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko way rumaynayaan dhamaantood: (waqtigaasina waa waqtiga qofka aan horay u rumayn Ilaahay ama aan iimaankiisii horay xasanaad ugu kasban uusan waxba u tarayn) [Alancaam:158], qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo labo nin dhexdooda ku kala bixiyeen maradooda mana kala gadan karana mana isku laabi karaan, qiyaamuhu wuu dhicin iyado ninku soo qaatay caanaha hashiisa mana cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo ninku hagaajinayo darkiisa mana laga cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyado qofkiin luqmada afkiisa u qaatay mana cunaayo.
Xadiis la isku waafaqayRasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay inay calaamadaha waaweyn ee qiyaamaha ay ka mid tahay in qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo halkii ay bari ka soo bixilahayd, markay dadku arkaana Ilaahay wada rumaynayaan. Markaasna gaalka wax ku tarimaayo iimaankiisu, camalka suubana wax ku tarimaayo, towbaduna wax ku tarimayso. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay qiyaamuhu inuu ku dhacaayo si kadis ah, iyadoo dadku noloshoodii iyo hawlohoodii caadiga ahaa ku jiraan. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo kii gadaayey iyo kii iibsanaayey ay marada kala bixiyeen iibsanamaayaan iskuna laabimaayaan. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyado ninku uu soo qaatay caanihii uu hashiisa ka lisay mana dhamaayo. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo ninku darka xoolihiisa u hagaajinaayo mana ka waraabinaayo. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo ninku luqmad cunto ah afkiisa u soo qaaday si uu u cuno, mana cunaayo.
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Waxaa la keenidoonaa dhimashadii oo u eg Wan Galaalan, mid dhawaaqa ayaa ku dhawaaqin: dadka Janadow, kor ayey u soo istaagin oo soo fiirin wuxuu oran: ma garanaysaan kan? waxay oran: haa, waa dhimashadii, wayna soo wada arkeen, hadana wuu dhawaaqin, kuwa Naarta ku suganow, kor ayey u soo istaagin waana soo eegayaan, wuxuu ku oran: ma garanaysaan kan? waxay oran: haa, waa dhimashadii, wayna soo wada arkeen, markaasaa la gawricin, ka dib wuxuu oran: kuwiina Janada ku suganow waa waarid oo dhimasho ma jirto, kuwiina Naarta ku suganow waa waarid oo dhimasho ma jirto, mar kaasuu akhriyin Ayada: {Nabiyow uga dig Maalinta shalaytada iyadoo la go'aamiyey arinkooda iyagoo qaflad ku sugan} [surada maryam:39], kuwaas qaflada ku sugani waa kuwa Aduunka jooga { iyagu Ilaahay ma ay rumayn} [maryam:39].
Xadiis la isku waafaqayNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in dhimashada la keenidoono Maalinta Qiyaamaha isagoo u eg Idaha labkooda oo leh Midab Cadaan iyo Mdaw ah . Waa loo dhawaaqin: kuwiina Janada ku suganow! waxay soo taagayaan luqunta iyo madaxa waana soo fiirinayaan. wuxuu iyaga ku oran: ma garanaysaan kan? Waxay oran: haa, kani waa dhimashadii, waana soo wada arkeen oo garteen. Ka dib waxaa dhawaaqin kii dhawaaqayey: kuwiina Naarta ku suganow, xagiisa ayey luquntooda u soo taagin iyagoo madaxyadooda kor u qaadaya soona fiirinaya, Wuxuu ku oran: ma taqaanaan kan? Waxay oran: haa, kani dhimashadii wayna wada arkeen. Waa la gowracin, ka dib kii dhawaqaayey wuxuu oran: kuwiina Janada ku suganow waligiin iyo abidkiin waad ku jireysaan oo dhimasho ma jirto, kuwiina Naarta ku suganow waligiin iyo abidkiin waad ku jireysaan oo dhimasho ma jirto. Taasina waa nicmo u siyaaday Muuminiinta, iyo Ciqaab u siyaaday Gaalada. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu akhriyey: {Nabiga Ilaahayow uga dig aaMlinta shalaytada, xili la go'aamiyey arinkooda iyagoo qaflad ku jira oo aan rumasnayn}. Maalinta Qiyaamaha waa la kala saarin dadka Janada gelaya iyo kuwa Naarta gelaya, mid kastana wuxuu gelayaa mida uu helay isagoo ku waaraayo. Wuxuu ka shalaynayaa oo ka qoomamaynayaa kii xumaanta falay inuusan wanaag samayn, kii ka gaabiyey khayrkana wuxuu ka shalaayin inuusan khayrka badsan.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Ahlu kitaabku kitaabka Tawraat waxay ku akhrin jireen luuqada cibraaniyada, waxana ugu fasiri jireen muslimiinta luqada carabiga, Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: ( ha rumaynina Ahlu kitaabka hana beeninina, waxaadna tiraahdaan: ((waa rumaynay Ilaahay iyo wixii naloo soo dejiyey} [ Al baqara:136] ayada)).
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu uga digay ummaddiisa inaysan ku kadsoomaan waxa Elhu kitaabku ka wariyaan kutubtooda, Yuhuuddu waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay ku akhrin jireen kitaabka Tawraat luqada cibriga, oo ah luqada Yuhuuda waxayna ku fasiri jireen luuqada carabiga, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: ha rumaynina Ehlu kitaabka hana beeninina, waana waxa aan la kala garanayn runtooda iyo beentooda. Waayo Ilaahey wuxuu nafaray inaan Rumayno waxa uu noo soo dajiyey oo Qur'aanka ah, iyo kitaabka uu ku soo dajiyey Ehlu kitaabka, laakiin ma ogaan karno wixii saxda iyo wixii khalada ee ay kutubtooda ka sheegayaan, hadii ayna diinteenu kala cadyn runtooda iyo beentooda, Waanu ka joogsan, oo rumaynayno, si aynaan ula wadaagin wixii ay diintooda ka bedeleen, mana beeninayno, waxaa dhici karta waxay sheegayaan inay sax tahay, oo aynu beenino wax nala amray rumayntooda. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu nafaray inaan niraaho: {Waxaan rumaynay wixii Ilaahay noo soo dajiyey iyo wixii lagu soo dajiyey Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Alasbaad iyo wixii la siiyey Muuse, Ciise iyo wixii Ambiyada Ilaahood siiyey, kala saarimayno nabiyada, anaguna Ilaahay baanu u hogaansan nahay} [Al baqara:136].
Ibnu Cabbas Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu scw ma uu aqoon sida loo kala jaro suuradaha ilaa ay ku soo dagtay aayada bisinku {بسم الله الرحمن الرحيم }.
Waxa wariyay Abuu Daa'uudibnu Cabbaas wuxuu cadeeyey in Qur'aanku ku soo dagaayey Rasuulka naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate isaguna aanu aqoon sida loo kala jaro iyo dhamaadka suurada, ilaa uu ku soo dagay bisinku oo uu ogaado in suuradii hore dhamaatay, oo ay suurad cusub bilaabatay.
Cabdullaahi Binu Camar Binu caas Allaha ka raali ahaado isagiyo ِAabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku Luuqee sidaad ugu Luuqayn jirtey Aduunka, Gurigaagu waa halka Aayada ugu dambaysa aad ku akhrido).
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,nasaa.i oo kawayn kuwariyey iyo AxmadNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in lagu oran doono Qofka Qur'aanka akhriya, kuna camal fala, ee laasima akhrintiisa iyo xifdintiisa markuu Janada gelayo: Qur'aanka akhri oo kor ugu soco darajooyinka Janada, kuna Luuqee sidaad ugu Luuqayn Jirtay akhrintiisa Aduunka, u akhri si dagan oo xasilooni leh, Gurigaagu waa halka ay kaaga dhamaato Aayada ugu dambaysa akhriskeedu.
Abii Cabdiraxmaan Asulami Allaha u naxariistee waxaa laga wariyey inuu yiri: Wuxuu noo sheegay mid noo akhrin jiray oo asxaabta Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka mid ahaa, asxaabtu waxay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka akhrisan jireen toban aayadood, mana ay qaadan jirin tabanka kale ilaa ay bartaan waxa ku jira ee cilmi iyo camalba ah, waxay yiraahdeen: waan baranay cilmigii iyo camalkiiba.
Waxa wariyay AxmedAsxaabtu Allaha ka raali ahaadee waxay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka qaadan jireen toban Aayadood oo Quraanka ah, wax kale ma ay qaadan jirin ilaa ay bartaan waxa ku jira tobankaa ee cilmi ah kuna camal falaan, markaasay cilmigii iyo camalkiiba isla heleen.`
Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayda ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. wuxuu yiri: (Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey).
Waxa wariyay MuslimNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Ubaya Binu Kacab Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay, jawaabtii wuu ka laalaabtay ka dibna wuxuu yiri: waa Aayatul-kursiga: {الله لا إله إلا هو الحيّ القيّوم }, Nabiguna wuu ku ayiday, wuxuuna Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku dhuftay Laabtiisa isago u ishaaraya inay ka buuxdo cilmi iyo xikmad, wuxuuna ugu duceeyey inuu ku liibaano cilmigaan Ilaahayna u fududeeyo.
Caa'isha Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu tago Gogoshiisa Habeen walba wuu isku qaban jirey labadiisa Sacab, wuxuu ku akhrin jiray kuna tufi jiray: { قل هو الله أحد}, iyo {قل أعوذ بربّ الفلق}, iyo { قل أعوذ بربّ النّاس}, ka dibna ku masixi jiray inta uu ka gaaro Jirkiisa, isagoo ka bilaabaya Madaxa iyo Wajigiisa iyo inta soo qaabisha Jirkiisa, seddex jeer buu samayn jiray.
Waxa wariyay AlbukhaariNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dhaqankiisa waxaa ka mid ahaa markuu tago Gogoshiisa si uu u seexdo wuxuu isku qaban jiray labadiisa Sacab isago kor u qaadaya sida Qofka ducaysanaya si khafiifa ayuu ugu tufi jiray Afkiisa Candhuufo yar, wuxuuna ku akhriyi jiray seddexda suuradood ee:{ قل هو الله أحد } iyo { قل أعوذ بربّ الفلق } iyo قل أعوذ برب النّاس }, ka dibna wuxuu ku masixi jiray labadiisa Sacab inta uu gaaro ee Jirkiisa ah, isagoo ku bilaabaya Madaxa iyo Wajigiisa iyo soo jeedkiisa, wuuna ku celcelin jiray ficilkaa seddex jeer.
Cadiyi Binu Xaatim -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: "Yuhuuda waa loo carooday, Nasaaraduna waa baadiyoobeen ."
Waxaa wariyay At-tirmidiNabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Yuhuudu yihiin duul Ilaahay u carooday, waayo intay xaqa garteen ayey ku camal fali waayeen. Kiristaankuna waa duul baadiyoobay, waayo waxay ku camal faleen aqoon la`aan.