Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu ku dhaartay qofka maqla Nabiga scw oo dacwada islaamku gaadho, yahuudi iyo kiristaan iyo wuxuu doonaba ha ahaadee, ee dhinta isagoon islaamin, inuu ahaanayo mid naarta gala oo ku waaraya waligiiba.
Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka raali ahaade waxay ka sheegan in markii Rasuulka Ilahahay uu ku dhacey sakaraadku, uu bilaabey inuu wajiga iska saaro maro, marka neeftu ku dhagto sakaraadka awgii uu iska qaadayey, wuxuuna dhahayey isagoo xaaladdaa adag ku jira: Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro oo ha ka fogeeyo naxariistiisa, sababtoo ah waxay ka dul dhiseen qubuuraha nabiyadooda masaajid, haduuna arinkaasi khatar wayn ahayn Nabiga oo xaalad sakaraad taagan muuna sooqaadeen, sidaa darteed wuxuu ka reebay Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiiye- ummaddiisa inay sidasoo kale la yimaadaan oo ay u ekaadaan Yuhuuda iyo Nasaarada, waayo waa ficil yuhuud iyo nasaaro ay ku tilmaaman yihiin, waana wax u jiidi kara qofka inuu Ilaahay u shariig yeelo.
Nabigu scw wuxuu ka baryey Rabigii inuusan ka dhigin qabrigiisa sida sanamka ay dadku caabudaan, iyagoo waynaynaaya, oo sujuuda ay ula jeensadaan, ka dib Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay uu cariyey oo ka fogeeyey naxariistiisa qofka qabuurta Nabiyada ka dhigta masaajid, waayo qabriga in masjid laga dhigto waxay sabab u noqon in la caabudo oo la aamino.
Nabigu wuxuu sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-in uu Ilaahay Qiiroodo oo caroodo oo karaahsado, sida mu'uminkuba u qiiroodo oo u caroodo oo u karaahsado, sababta Ilaahay u caroodana, waa in mu'uminku la yimaaddo waxa Ilaahay ka xarimay ee xumaan ah, sida sinada, liwaadka, tuugonimada, khamri cabida iyo xumaanta kale.
Nabigu scw wuxuu sheegay qofkii ku dhaarta cidaan Ilaahay ahayn iyo magacyadiisa iyo sifaadkiisa inuu Ilaahay ku kufriyey ama uu shirki la yimid, waayo dhaartu waxay keenaysaa waynaynta cida lagu dhaaranayo, waynayntana Ilaahay kaligi ayey u sugnaatay, laguma dhaarto Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa cidaan ahayn. Dhaartaasina waxay ka mid tahay shirkiga yar, laakiin hadii qofka dhaartay uu u wayneeyo waxa uu ku dhaartay sida waynaynta Ilaahay oo kale ama ka siidaran, markaa wuxuu noqonayaa shirkiga wayn.
Nabigu scw wuxuu sheegay in munaafiqiinta iyo ka caga jiidkooda iyo karahsigooda salaaddaha, gaar ahaanna labada salaadood ee cishaha iyo subaxa, haday ogaan lahaayeen ajarka iyo fadliga ku jira salaadahaa oo jamac lagu tukado way iman lahaayeen xataa sida caruurta gur-guurad ay gacmaha iyo jilbaha ha ku yimaadeene. Nabigu wuxuu go'aan saday inuu amro in salaadda la aqiimo, oo nin dadka ka mida imaam noqdo oo dadka tujiyo, isaguna intuu kaxaysto kuwo xaabo sida oo ay aadaan raga aan salaada jamaca imaanayn oo uu guryahooda dab ku soo gubo, waayo waxay sameeyeen ee dambi ah awgeed laakiin muuna samayn, dadka guryaha jooga ee dumar, caruur aan dambi lahayn, iyo dad ka loo cudur-daarle dambina aan lahayn dartood ayuuna sidaa u samayn.
Nabigu wuxuu sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- dadka ugu sharka badan, oo ah kuwa ay saacaddu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid, kuna tukada qabuuraha xageedana u tukada.
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa-ha ahaatee waxa ugu badanaa ee uu uga cabsi qabay ummaddiisa wuxuu ahaa: shirkiga yar oo ah: is tustuska, kaasoo ah inuu qofku wax u sameeyo istustuska dadka darti. Nabigu wuxuu kaloo sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ciqaabta ku dhicidoonta dadka istustuska wax u sameeya, in lagu oran doono maalinta qiyaame: socda oo u taga kuwaad iyaga dartood camalka u samayn jirteen, bal soo eega inay idiin awoodaan inay ajar idinka siiyaan camalkii aad u samayseen?!
Nabigu scw markuu u diray Mucaad Binu Jabal Allaha ka raali ahaade dhulka Yaman isagoo daaci iyo macalin ah wuxuu u cadeeyey inuu u tagi doono Qolo Nasaaro ah, si uu isugu diyaariyo, ka dibna uu dacwada uu ugu yeerayo ka bilaabo siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu ugu yeerayaa hagaajinta caqiidada marka koowaad, taaso ah inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaahay kale oo xaq lagu caabudo jirin, Nabi Maxamedna yahay Rasuulkii Ilaahay. Waayo iyaday Islaamka ku soo galayaan, hadii ay taas u hogaansamaan wuxuu amrayaa inay salaada oogaan, waayo waa tan ugu wayn waajibka towxiidka ka dib. Hadii ay oogaan salaada wuxuu amrayaa kuwooda xoolaha leh inay bixiyaan sakada xoolahooda siiyaana ku wooda saboolka ah, wuxuuna uga digay inuu ka qaado xoolaha kuwa ugu fiican, waayo waajibku waa dhex dhexaadka. Ka dibna wuxuu u dardaarmay inuu ka fogaado dulmiga, si aanu kan la dulmiyey u habaarin, waayo baryadiisa Ilaahay waa aqbalayaa.