





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey, inuu Rasuulka Ilaahay scw yiri: (Joogteeya akhrinta Qur'aanka, Allaha nafta Maxammad gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee wuxuu ka siibasho badan yahay Qur'aanku geela dabaran,).
Xadiis la isku waafaqayRasuulka Ilahah scw wuxuu amray in la joogteeyo akhrinta Qur'aanka iyo si xiriira loo akhriyo, si aan qofka laabta ku xifdisani u ilaawin, wuxuuna Nabigu scw ku adkeeyey inuu ku dhaartay in Qur'aanku laabta kaga baxsan og yahay si kadan geel la dabray oo xarig dhudhunka looga xiray, hadii qofku ilaaliyo uu soo qaban hadiise uu iska daayo wuu tagin oo lumin.
Cusmaan Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: (Waxaa idiinku khayr badan kan Qur'aanka bartay ee bara quraanka).
Waxa wariyay Albukhaari.Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka muslimiinta ugu fadliga badan uguna darajada sareeya Ilaahay agtiisa uu yahay qofka Qur'aanka bartay, akhrintiisa, xafiday, tartiilkiisa iyo tafsiirkiisa, oo qayrki baray wuxuu ka yaqaan culuunta quraanka kuna camal fala quraanka.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka scw ka wariyey inuu yiri: (Ha ka dhigina guryihiina qabuur oo kale, shaydaanku wuu ka cararaa guriga suuratul-baqara lagu akhriyee).
Waxa wariyay Muslim.Nabigu scw wuxuu reebay in guryaha laga qadiyo salaada oo ay noqdaan sida qabuurta aan lagu tukan. Ka dibna Nabigu scw wuxuu sheegay in shaydaanku ka cararo guriga lagu akhriyo suuradda baqara.
Abii Mascuud-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri: (Qofka akhriya labada aayadood ee suuradda Al-baqara u dambeeya habeenka way ku filan yihiin).
Xadiis la isku waafaqayNabigu scw wuxuu sheegay in qofka akhriya labada aayadood ee u dambeeya suuradda Al-baqara habeenkii Ilaahay wuuka kaafiyaa sharka iyo dhibaatada, waxaa kaloo la yiri: way ka kaafidaa salaatul-laylka, waxaa kaloo la yiri: waxay ka kaafidaa adkaarta kale, waxaa kaloo la yiri: waa waxa ugu yar ee ay kaga gudmayso akhrinta Qur'aanka ee salaatul-laylka, siyaabo kalana waa lagu fasiray, waxaa dhici kara inuu sax yahay dhamaan waxaa lagu fasiray oo dhan oo ay erayga soo wada galaan.
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Qofka akhriya xaraf ka mid ah kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed, ma oranaayo {ألم} waa xaraf, laakiin Alifku waa xaraf, oo laamku waa xaraf, oo miimku waa xaraf).
Waxaa wariyay At-tirmidiRasuulku scw wuxuu sheegay qof kastoo muslim ah oo akhriya xaraf kitaabka Ilaahay ka mid ah, inuu ka helaayo hal xasano, kaasoo ajarka loo laalaabayo toban laabkeed. Rasuulku scw wuxuu ku cadeeyey hadalkiisaa isagoo dhahay: (ma dhahayo alif laam miim) waa xaraf, laakiin alifku waa xaraf, laamku waa xaraf, miimkuna waa xaraf): waxay ahaanaysaa saddex xaraf oo soddon xasano laga helayo.
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri: Nabigu scw wuxuu ahaa mid Ilaahay xusa xaalad walba oo uu ku jiro.
Caa'isha waxay sheegtay Allaha ka raali ahaad inuu Nabigu scw ahaa mid aad ugu dadaala xuska Ilaahay, oo xusa Ilaahay goor kasta, meel kasta, xaalad walba.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Rasuulka scw isagoo dhahaya: " Ilaahay sareeye wuxuu yiri: salaada waxaan u kala qaybiyey aniga iyo adoonkayga laba nus, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, hadii adoonku dhoho: {mahadi Rabiga caalamiinta ayey u sugnaatay}, Ilaahay sareeye wuxuu oran: adoonkaygaa iimahad naqay, haduu dhoho: {Allaha naxariista guud iyo tan gaarka leh}, Ilaahay sareeye wuxuu oran: adoonkaygaa i amaanay, haduu dhoho: {Allaha iska leh amarka maalinta qiyaamaha}, Ilaahay sareeye wuxuu oran: adoonkaygaa isharfay,- marna wuxuu oran: adoonkaygaa taladiisa ii dhiibtay-, haduu dhoho: {kaligaa ayaan caabudaynaa, oo kaligaa ayaan kaalmaysanaynaa }, Ilaahay sareeye wuxuu oran: taasi Aniga iyo adoonkaygay noo dhaxaysaa, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, haduu dhoho: {nagu hanooni jidka toosan, jidka kuwii aad u nicmaysay, oo hana marin jidka kuwa aad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay}, wuxuu Ilaahay sareeye oran: taasi Aniga iyo adoonkayga ayey naga dhaxaysaa, adoon kayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay."
Waxa wariyay Muslim.Nabigu scw wuxuu sheegay: in Ilaahay sareeye ku yiri xaddiis Alqudsiga: suurada faatixada ee salaada lagu akhriyo waxaan u kala qaybiyey aniga iyo adoonkayga labo nus, nus anigaa leh, nusna isagaa leh. Nuskeeda koobaad: waa mahadnaq, amaan iyo Ilaahay oo la sharfo, adoonkayga waxan ku abaal marin abaal marinta ugu khayr badan. Nuskeeda labaad: waa is bihin bihin iyo baryo, waan ka ajiibin wuxuu i waydiistona waan siin. Haduu dhoho qofka tukanaaya:{mahad oo shan waxay u sugnaatay Rabiga Caalamka }, Ilaahay wuxuu oran: wuu ii mahadnaqay adoonkaygu, haduu dhoho: {Allaha naxariista guud iyo tan gaarka ah leh}, Ilaahay wuxuu oran: wuu i amaanay adoonkaygu, waana i waynayey uuna ii qiray nicmooyinka aan ku galadaystay khalqigayga, haduu dhoho: {Allaha iska leh amarka maalinta qiyaamaha}, Ilaahay wuxuu oran: wuu i sharfay adoonkaygu, waana sharaf balaaran. Haduu dhoho: {Alahayow, Adaan ku caabudaynaa oo ku kaalmaysanaynaa}, Ilaahay wuxuu oran: taasi waxay u dhaxaysa aniga iyo adoonkayga. Nuska koowaad ee aayadu Ilaahay ayaa leh waana:(Adaan ku caabudaynaa), waana qirid Ilaahay loo qirayo Ilaahnimadiisa, iyo inuu ka ajiibay adoonka cibaadada, halkaasayna ku egtahay nuska Ilaahay leeyahay. Nuska labaad ee aayada, ee adoonku leeyhay: (Adiga oo kaliya ayaan ku kaalmaysanaynaa), waana Ilaahay oo gargaar la waydiisto, iyo Ilaahay oo u balan qaaday inuu kaalmaynayo. Haduu dhoho: {nagu hanooni jidka toosan *, jidka ay mareen kuwaad u nicmaysay, ee aan ahayn kuwaad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay, Ilaahay wuxuu oran: taasi waa is bihin bihin iyo baryo adoonkayga ka timid, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, waana ka ajiibay baryadiisa.
Saciid Binu Musayib wuxuu yiri isagoo Aabihii ka warinaya: Markii Abuu Daalib dhimanayey ayaa Rasuulku scw u yimid wuxuu ugu yimid Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya Binu Almuqiira oo la jooga, wuuxu ku yiri: "adeerow, dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, kalimadaas Ilaahay agtiisa inaan kaaga markhaati noqdo aan xujo ka dhigtee ", Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya ayaa yiri: ma diintii Aabahaa Cabdul-muddalib baad nici oo aad ka leexan, Nabigu scw kama daaline wuu ku cel-celiyey, iyaguna tooday ku cel-celineyeen, ilaa uu yiri Abuu Daalib hadalkii ugu dambeeyey oo ahaa: diintii Cabdul-muddalib baan ku adkaystay, wuuna diiday inuu dhoho: laa Ilaaha Ilaa Allaah, wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Ilaahay ayaan ku dhaartaye waan kuu dambi dhaaf waydiin hadii aan la ii kaa diidin, Ilaahay baa soo dajiyey: "Nabiga iyo muminiinta maaha inay Gaalada u dambi dhaaf dalbaan)) [ tawbah:113], Ilaahay xaalka Abii Daalib wuxuu ku soo dajiyey, wuxuu ku yiri Rasuulkiisa-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-:"Xaqa kuma hanoonin kartid qofkaad jeceshahay , laakiin Ilaahay ayaa ciduu doono xaqa ku hanooniya" [Alqasas: 56].
Xadiis la isku waafaqayNabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa u soo galay adeerkii Abii Daalib isagoo sakaraadkii ku jira, wuxuuna ku yiri: adeerow, dheh: ..laa Ilaaha Ilaa Allaah.., kalimadaas aan Ilaahay agtiisa kaaga markhaati furee, Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya oo la joogay baa yiri: Abuu Daalibow ma diintii Aabahaa Cabdul-mudalib baad ka bixi?! taasoo ahayd sanam la caabudo, kama ay dultagin siday ugu cel-celineyeen ilaa uu yiri hadalkii ugu dambeeyey ee uu kula hadlo iyaga, isagoo yiri: diintii Cabdul-mudalib ayaan haystaa, waa diintii shirkiga iyo sanam caabudka ahayd. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waxaan kuugu ducayn dambi dhaaf hadaanu Rabigay iga diidin arinkaa, waxaa soo dagay hadalkii Ilaahay yiri: "Maaha Nabiga iyo muminiintu inay u dambi dhaaf waydiiyaan mushrikiinta, haba ahaadaan kuwo qaraabo ahee, ka dib markay u cadaatay inay yihiin dad ahlu naar ah} [tawbah:113], Waxaan ku soo dagay Abii Daalib xaalkiisa hadalka Ilaahay yiri: "Nabiyow- adigu xaqa kuma hanuunin kartid qofkaad jeceshahay, laakiin Ilaahay ayaa hanuunka haya oo hanuunka siiya mid kuu doono, Isagaana og kuwa hanuunsan} [Alqasas: 56], Adigu ma hanuunin kartid qofkaad hanuunka la doonto, waxaase ku saaran gaarsiin, Ilaahay ayaana hanuuniya ciduu doono.
Abii Muuse Al-ashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: " Mu'uminka Qur'aanka akhriya wuxuu la mid yahay miraha ''Utrujada'', carafteedu waa udgoon dhadhankeeduna waa fiican yahay, Mu'uminka aan Qur'aanka akhriyeyna wuxuu la mid yahay timirta, caraf malaha dhadhankeeduna waa macaan, munaafiqa Qur'aanka akhrinayana wuxuu la mid yahay geedka reexaanta, caraftiisu waa udgoon dhadhankiisuna waa qaraar, munaafiqa aan Qur'aanka akhriyeyna wuxuu la mid yahay geedka xandalada, caraf maleh dhadhankiisuna waa qaraar."
Xadiis la isku waafaqayNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey nuucyada dadku ugu kala qaybsamaan akhrinta Qur'aanka iyo siday ugu intifaacayaan: qaybta 1aad: waa mu'umin Qur'aanka akhriya oo ku intifaacaya wuxuu la mid yahay miraha Utrujada la dhoho, waa geed dhadhan fiican oo udgoon oo midab qurxoon, wax tarkiisuna badan yahay, oo qofkaasi wuu ku camal falaa wuxuu akhrinaayo, adoomada Ilaahayna wax buu taraa. Qaybta 2aad: waa mu'umin aan qur'aanka akhrin, wuxuu la mid yahay timirta dhadhankeedu waa macaan urna maleh, qalbigiisa waxaa ku sugan iimaan sida timirta dhadhankeeda iyo gudaheedaba ugu sugan yahay macaanku, ee aanay u lahayn wax ur ah oo kasoo baxaya oo dadku soo uriyo; waayo malaha qofkaasi wax akhris ah oo dadku ku raaxaystaan dhagaysigiisa. Qaybta 3aad: waa munaafiq Qur'aanka akhriya, waa sida geedka reexaanta, caraf udgoon buu leeyahay dhadhankiisuna waa qaraar, waayo qalbigiisu uma suuban iimaanka, Qur'aankana kuma uusan camal falin, dadka hortiisana wuxuu isku ekaysiiyey mu'umin, carafta geedkaasi wuxuu uga eg yahay akhrintiisa Qur'aanka, dhadhankiisa qaraarna wuxuu shabahaa gaalnimadiisa. qaybta 4aad: waa munaafiqa aan Qur'aanka akhrin, isna waa sida geedka xandalada, malaha caraf, dhadhankiisuna waa qaraar, caraf la'aanta wuxuu ka shabahaa akhris la'aantiisa, qaraarkana wuxuu ka shabahaa qaraarka gaalnimadiisa, waayo uurkiisa iimaanku waa ka maran yahay, oogadiisana nafac u malaha, balse wuu dhibayaa.