





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Hureyra -Allah ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: " Nin mu'umin ahi gabar mu'uminad ah yaanu dhaqan ku nicin, haduu dhaqan xumo ku dhibsado wuxuu ka helaayaa dhaqan kale oo uu ku jeclaado" ama waxaa yiri: " qayrki".
Waxa wariyay MuslimNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu ninku xaaskiisa u caroodo caro gaarsiin karta inuu dulmiyo oo uu ka tago oo dhabarka u jeediyo: waayo dadka waxaa lagu abuuray nuqsaan, haduu dhaqan xun ku arko wuxuu ka helayaa dhaqan kaloo fiican, wuxuu kaga raali ahaanayaa dhaqanka fiican ee kuu ku waafaqsan yahay, wuuna ku sabrayaa wixii dhaqan xun ah ee uusan kaga raali ahayn, taasina waxay ka dhigaysaa inuu ku sabro oo uusan ku nicin nicitaan ku kalifa inuu isaga tago.
Abii Ayuub Alansaari -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: " Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta" wuxuu yiri Abuu Ayuub: waxaan tagnay shaam waxaan ka helnay musqulo loo jeediyey xaga qiblada waanan ka leexanaynay, Ilaahayna waan danbi dhaaf waydiisanayney
Xadiis la isku waafaqayNabigu-naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka reebay qofkii xaaraya ama kaadinaaya inuu qiblada ama xaga kacbada u jeesto ama uu u daba jeediyo qiblada oo uu dhabarkiisa ka dhigo qiblada, laakiin qofku uu u jeesto xaga bari ama xaga galbeed hadii qibladiisu tahay sida qiblada reer madiina oo kale. Ka dib Abuu Ayuub-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay markii ay tageen Shaam inay ugu tageen musqulo loo diyaariyey in lagu xaajaysto oo loo jeediyey xaga Kacbada, waxayna jirkooda ka jeedin jireen qiblada, sidaas oo ay tahay ayey Ilaahay dambi dhaaf waydiisan jireen.
Abii Qataada-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: "Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo.
Xadiis la isku waafaqayNabigu -naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey qaar ka mida aadaabta, isagoo reebay in ninku midigtiisa ku qabto guskiisa markuu kaadinaayo wuxuu kaloo reebay inuu gacantiisa midig uu kaga tiro najaasada guska ama dabada, waayo midigtu waxay u diyaarsan tahay waxyaabaha fiican. Sidaasoo kale wuxuu reebay inuu qofku ku neefsado weelka uu wax ku cabaayo.
Cabdulaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye- Waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu kor u qaadi jiray gacmihiisa ilaa meel ku aadan garbihiisa markuu salaada xiranaayo, iyo haduu rukuuca u takbiirsado, iyo haduu madaxiisa kor uga soo qaadayo rukuuca, sidaas oo kale ayuu gacmihiisa kor ugu qaadi jirey, wuxuuna dhahaayey: "Ilaahay wuu maqlaa qofkii ku xamdiya, Rabiyow aday mahadi kuu sugnaatay", sidaana kuma samayn jirin sujuuda.
Xadiis la isku waafaqayNabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaa inuu saddex meelood oo salaada ka mida gacmihiisa kor u qaado ilaa meel la siman garabka garabkuna waa meesha ay isugu yimaadaan lafta garabka iyo cududu. meesha 1aad: waa markuu salaada xiranaayo. meesha 2aad: markuu rukuucda u takbiirsanaayo. meesha 3aad: waa markuu rukuucda ka tooso, ee uu dhahayo: Ilaahay wuu maqlaa qofka ku xamdiya, Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay. Mana ahayn mid gacmihiisa kor u qaada markuu sujuuda bilaabayo, iyo markuu ka soo kacayo.
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto in yar ayuu aamusi jiray, intaanu akhrinta bilaabin, waxaan ku iri Rasuulkii Ilaahayow, aabahay iyo hooyadayba lagugu furaye iiga waran aamuskaaga u dhexeeya xirashada salaada iyo akhrinta, maxaad tiraahdaa? wuxuu yiri: "waxaan dhahaa: Allahayow kala fogee aniga iyo dambiyadayda sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow dambiyadayda iga daahiri sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda baraf, biyo iyo biyo qabow".
Xadiis la isku waafaqayNabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto wuu yara aamusi jiray intaanu faatixada akhrin, wuxuuna salaadiisa ku bilaabi jiray qaar ka mida ducooyinka, waxaa ka mida ducooyinka ku soo arooray oraahdiisii: "Allahayow, nakala fogee aniga iyo dambiyadayda, sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow iiga nadiifi dambiyadayda sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda biyo, baraf iyo biyo qabow", Wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu kala dheereeyo isaga iyo dambiyadiisa, si aanu ugu dhicin, oo uu ka fogeeyo fogaan aanay wada kulmin, sida bari iyo galbeed aanay waligood u kumayn, haduu dambi ku dhocona Ilaahay uga nadiifiyo sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, oo uu dambiga ka dhaqo oo ka qaboojiyo ololkiisa iyo kulaylkiisa, oo uu uga dahiro kuwaan wax lagu dahiro ee qabow, oo ah biyo, baraf iyo biyo qabow.
Maymuuna oo ah hooyadii Muuminiinta Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaan u dhigay biyo qubays, waxaanan ku asturay maro, biyihii wuxuu ku shubtay gacmihiisa oo dhaqay, hadana biyuu ku qaatay midigtiisa oo bidixdiisa ku dhaqay farjigiisa, ka dibna gacmihiisuu dhulka ku masaxay, wuuna dhaqay, wuuna luq-luqday oo san daarsaday, wajiga iyo gacmuhuu dhaqay, ka dibna biyihiibuu madaxa iskaga shubay ilaa uu jirka oo dhan wada gaarsiiyey, markaasuu in yar ka durkay meeshii uu ku qubaysanayey, luguhuuna dhaqay markaasaan, maro u soo dhiibay igamana qaadan maradii, wuu baxay isagoo gacmihiisa biyaha ka firdhinaaya.
Xadiis la isku waafaqayHooyadii muuminiinta ee maymuuna-Allaha ka raali ahaadee-waxay ka sheegtay qaabkii Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- janaabada uga qubaysan jiray, iyadoo Nabiga scw ay u dhigtay biyo si uu ugu qubaysto, waxayna ku asturtay maro, markaas Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahatee-wuxuu sameeyey sida soo socda: mida 1aad: gacmihiisa ayuu ku shubay biyaha oo dhaqay intaanu weelka galin. mida 2aad: gacantiisa midig ayuu biyo ku shubay oo bidixda ku dhaqay farjigiisa, isagoo iska nadiifinaaya wixii kaga haray qasliga. mida 3aad: dhulkuu gacantiisa ku masaxay, ka dibna wuu dhaqay si uu uga nadiifiyo wixii dhib ah. mida 4aad: wuu luq-luqday, oo inta biyaha afka galiyey oo ku dhaqdhaqaajiyey oo ku wareejiyey ayuu soo tufay, oo san daarsaday, biyaha ayuu neeftiisa sanka ku galiyey ka dibna wuu ka soo saaraay si uu u nadiifiyo. Mida 5aad: wuxuu dhaqay wajigiisa iyo labadiisa gacmood. Mida 6aad: wuxuu ku shubay biyaha madaxiisa. Mida 7aad: biyaha wuxuu ku shubay jirkiisa oo dhan. Mida 8aad: goobtuu ku qubaysanayey ayuu ka durkay lugihiisana wuxuu ku dhaqay meel kale, waayo lugaha horay uma dhaqin. Ka dib waxay u keentay maro si uu iskugu qalajiyo, laakiin kamuusan qaadane gacantiisa ayuu biyaha isaga masaxay oo iska firdhiyey..
Sahal Binu Sacad-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri maalintii kheybar: "Waxaan calankaan siindoonaa bari nin Ilaahay gacmihiisa ku furidoono, kaasoo Ilaahay iyo Rasuulkiisa jecel, Ilaahay iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin", wuxuu yiri -Sacad-: dadku waxay baryeen habeekii iyagoo ku murmaya kee loo dhiibidoonaa, markii waagu baryey ayey ku soo kalaheen Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyagoo qof walba uu rabo in loo dhiibo, wuxuu yiri: "aaway Cali Binu Abii Daalib?" waxay ku dhaheen: Rasuulkii Ilaahayow, indhahaa xanuunaya, wuxuu yiri: "u yeera", waana loo keenay, Rasuulka ayaa kaga tufay indhaha wuuna u duceeyey, wuuna bogsaday isagoo la moodo inuusan xanuusan, calankii ayuu u dhiibay, Cali ayaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow, ma waxaan la dagaalamaa ilaa ay anagoo kale noqdaan? wuxuu yiri: "tartiib u soco ilaa aad degtid goobtooda, ka dibna ugu yeer Islaamka, una sheeg waxa ku waajibaya ee xaqa Ilaahay ah, Ilaahay baan ku dhaartaye in Ilaahay kugu soo hanuuniyo hal nin, ayaa kaaga kheyr badan inaad yeelato geel cas-cas".
Xadiis la isku waafaqayNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- wuxuu u sheegay asaxaabta in muslimiintu ka guulaysan doonaan yuhuuda reer kheybar beri, taasina waxay ku imaan doontaa nin Nabigu scw calanka ugu dhiibi doono gacantiisa, calankuna waa midka ciidanku astaanta ka dhigtay. Ninkaana sifooyinkiisa waxaa ka mida inuu Ilaahay iyo Rasuulkiisa jecel yahay Ilaahay iyo Rasuulkiisuna ay jecel yihiin. Asaxaabtu waxay habeenkii ku baryeen iyagoo ku murmaya yaa la siin doonaa calanka?, iyagoo doonaya inay sharaftaas wayn helaan. Markii waagii baryey ayey u tageen Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyadoo mid walba rabo inuu ku guulaysto sharaftaas wayn, Nabigu scw wuxuu waydiiyey Cali Binu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee-? waxaa lagu yiri: wuu bukaa oo indhahaa xanuunaya. Nabigu scw wuu u cidiray waana loo keenay-Cali-, Nabigu candhuuftiisa sharafta leh ayuu indhaha kaga tufay, wuuna u duceeyey, wuu ka bogsaday xanuunkii sidii isagoo aan xanuunsan, markaasuu calankii u dhiibay, wuxuuna faray inuu tartiib u socdo inta uu u dhawaanayo dhufayska cadawga, oo uu Islaamka ugu yeero, haday aqbalaan, u sheeg Faralka ku waajibaya. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu u cadeeyey Cali fadliga dacwada Ilaahay leedahay, oo hadii qofka daaciga ah Ilaahay sababtiisa ku soo hanuuniyo hal qof waxay uga kheyr badan tahay geel cas-cas, kaasoo ah waxa ugu qiimo badan xoolaha Carabta isagoo dhaqanaya ama sadaqaysanaya.
Macdaan Binu Abii Dalxa Alyacmari -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Waxaan la kulmay Thowbaan oo ah mawlihii (adeegihii) Rasuulka (kii Nabigu xoreeyey), waxaan ku iri: ii sheeg camal aan falo oo Ilaahay janada igu geliyo? ama wuxuu yiri: waxaan ku iri: camalka Ilaahay ugu jecel yahay, wuu aamusay. hadana waan weydiiyey wuu aamusay. mar saddexaad baan weydiiyey wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan weydiiyey su'aashaa, wuxuuna yiri: "Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin" wuxuu yiri Macdaan: hadana waxaan la kulmay Abu dardaa waxaana weydiyey -su'aashaas- wuxuuna igu yiri: sidii Thowbaan ii sheegay oo kale.
Waxa wariyay MuslimNabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaa la weydiiyey camal sabab u noqonaya galitaanka janada, ama camalka Ilaahay ugu jecel yahay? Wuxuu ku yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ninkii su'aasha weydiiyey: joogtee inaad badsato sujuuda salaada dhexdeeda, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin, dambina wuu kaaga dhaafin.
Abuu Muusa Alashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu yiri: "Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa."
Xadiis la isku waafaqayWuxuu Nabigu ku booriyey dadku inay ku dadaalaan salaada labada qabaw ee ah salaada fajarka iyo casarka, wuxuuna ugu bishaareeyey qofka labadaa salaadood xaqooda ula yimaada ee ilaaliya waqtigooda, jamaacana ku tukada, waxay sabab ugu noqdaan janada galideeda.