





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Sacad Binu Abii Waqaas -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: {Qofka dhaha markuu maqlo mu'adinka: Waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee oo uu kali yahay oo cid wax la wadaagta aysan jirin, Maxamedna uu yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii, waxaan raali ka ahayn inaan Ilaahay Rabi ka dhigto oo Maxamed aan ka dhigto Rasuul oo aan Islaamkana ka dhigto diin, danbigiisa waa la dhaafaa}
Waxa wariyay MuslimNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay in qofka dhaha marka uu maqlo mu'adinka: ( waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee oo uu kaligi yahay oo aan cidna wax la wadaagin) yacni: waxaan qirayaa oo ictiraafayaa oo sheegayaa in uusan jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, Ilaah walba oo aan Ilaahayna waa baadil. (Maxamedna uu yahay Adoonkii iyo Rasuulkii Ilaahay) yacni: inuu yahay Adoon aan la caabudin iyo Rasuul aan been sheegin. " Raali ayaan ka ahay inaan Ilaahay Rabi ka dhigto'' yacni: Raali ayaan ka ahay Ilaahay Rabi nimadiisa, Ilaahnimadiisa, magacdiisa iyo sifooyinkiisa, ( Maxamedna aan ka dhigto Rasuul) yacni: waxaan rumaynayaa dhamaan wixii lala soo diray iyo inuu na soo gaarsiiyey, ( iyo Islaamka) yacni: waxaan rumaynayaa dhamaan axkaamta Islaamka oo ay ka mid tahay wixii la is faray iyo wixii la iska reebay. (Diinan) yacni: waan rumaynayaa waana u hogaansamayaa. ( Waa loo dhaafaa danbiigsa) yacni: waxaa laga dhaafayaa dambiyadiisa yar-yar.
Jaabir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Cumar Binu Khadaab ayaa ii sheegay: Nin ayaa weyso qaatay oo ka tagay meel cidi le`eg oo ciribtiisa ah, Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu arkay, wuxuuna ku yiri: "noqo oo weysadaada hagaaji", wuu laabtay-ninkii- wuuna wanaajiyey weysadii ka dib wuu tukaday.
Waxa wariyay MuslimWuu laabtay ninkii, oo wuu soo dhamaystiray weysadiisa, wuuna tukaday.
Umu Cadiya -Allaha ka raali ahaadee- waxay la mubaayacootay Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxayna tiri: Kuma anaan tirin jirin boora-boorowga iyo jaalaha waxba markaan daahirsano ka dib.
رواه أبو داود بهذا اللفظ ورواه البخاري بدون زيادة (بعد الطهر)Saxaabiyada Umu Cadiya -Allaha ka raali ahaadee-, waxay sheegtay in haweenku waqtigii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- aanay waxba ka soo qaadi jirin biyaha ka yimaada farjiga, kaasoo midabkiisu u eg yahay madow, ama jaale, marka xaydka laga daahir noqodo: looma arki jirin xayd, ugamana tagi jirin isaga salaada iyo soonka.
Caa'isha oo mu'uminiinta hooyadood ahayd Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Umu xabiiba Bintu Jaxash oo ahayd xaaskii Cabdiraxmaan Binu Cowf ayaa Rasuulka Ilaahay scw - uga soo cabatay dhiig-ku batay, wuxuuna ku yiri: "sug mudadii aad qabi jirtay dhiiga caadada, ka dibna ka mayro". waxayna ahayd mid qubaysata salaad walba.
Waxa wariyay MuslimDumarkii saxaabiyada ahaa mid ka mida ayaa uga cabatay Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dhiig si joogto ah uga socda, wuxuu ku amray inay salaada joojiso mudadii uu hayn jiray xaydkeedu intaanu ku iman arinkan cusub ee dheeriga ahi, ka dibna ay ka qubaysato oo tukato, waxay suno ahaan u qubaysan jirtay salaad walba.
Camar Binu Sulaym Alansaari -Allaha karaali ahaadee- wuxuu yiri: waxaan markhaati ka ahay Abii Saciid inuu yiri: waxaan markhaati ka ahay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Qabayska maalinta jumcaha waa ku waajib nin kastoo qaan gaar ah, waana inuu cadaydo cadarna marsado haduu helo".
Xadiis la isku waafaqayNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahatee- wuxuu cadeeyey in qubayska maalinta jumcada loo adkeeyey sida waajibka waxaana laga rabaa nin walba oo qaan gaar ah oo muslim ah oo ka mida kuwa jumcadu ku waajibtay. waana inuu ilkihiisa ku nadiifiyo caday iyo wax la mida. Waana inuu isku carfiyo wax kasta oo caraf udgoon leh.
Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu la duulay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee laba iyo toban duulaan -wuxuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka maqlay afar aan jeclaaday, wuxuu yiri: "Haweenaydu uma safari karto meel loo socdo habeen iyo maalin hadii aanu la socon ninkeedu ama nin Maxramkeeda, mana soomayso labada Maalmood ee Ciidul Fidriga iyo Ciidul Adxa, Salaada Subaxa ka dibna Salaad lama ogola ilaa Qoraxdu soo baxdo, Salaada Casarna ka dibna lama ogola Salaad ilaa ay Qoraxdu dhacdo, seddex Masaajid waxan ahayna looma safri karo: Masjidka Xaramka, Masjidka Alaqsaa, Masjidkayga kan ah."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay afar arimood: Mida 1aad: Haweenayda oo looma ogola inay safarto meel labo Maalin loo socdo iyadoo aanay la socon ninkeeda ama nin Maxaarimteeda ka mida ee ka mida Qaraabadeda aanay waligood is guursan karin, sida Wiilkeeda, Aabeheed, Wiilka walaalkeed dhalay, Wiilka Walaasheed dhashay, Adeerkeed, Abtigeed, iyo inta la midka ah. mida 2aad: waxaa la reebay soonka Malinta Ciidul Fidriga iyo Ciidul Adxa, waa isku mid haduu Muslimku u soomo nidar ama Suno ama kafaara gud. mida 3aad: la ma tukan karo Salaado Suno ah Salaada Casar ka dib ilaa ay Qoraxdu dhacdo, marka Fajarku soo boxo ka dibna la ma tukan karo ilaa ay soo baxdo Qoraxdu. Mida 4aad: looma safri karo meel dhulka ka mida oo la aaminsan yahay inay fadli gaara dheer tahay meelaha kale oo ajarkeeda la laalaabayo, oo aan ahayn sedexda masaajid, oo meel aan iyaga ahayn Salaad looguma safri karo: Masjidka Xaramka, Masjidka Nabiga, Masjidka Alaqsaa.
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda."
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka dhaha Salaada faralka ah gadaasheeda: 33jeer: (Subxaana Allaah) waana Ilaahay oo laga nasahayo ama laga hufayo wax kastoo nusqaan ah. Iyo 33 jeer: (Alxmdu lillaah), waana amaan Ilaahay lagu amaanayo Sifooyinkiisa kaamilka ah, Isagoo la jecel yahay lana wayneynaayo. Iyo 33 jeer: (Allaahu akbar), waana Ilaahay inuu ka wayn yahay oo ka mudan yahay shay walba. Waxaa lagu dhamaystirayaa tirada 100 hadka ah: (laa ilaaha illaa Allaah, waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku, walahul-xamdu, wahuwa calaa kulli shay'in qadiir) oo macneheedu yahay: majiro macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn isagoo kaligi ah ee shariig lahayn, Isagaana nusqaan oo dhan ka hufan, oo gaar uleh boqornimada taamka ah, Isagaana xaq leh amaanta buuxda iyo in la jeclaado oo la wayneeyo, Isagaana awood badan oo wax is hortaagi karana jirin. Qofka dhaha intaa waxaa laga tiraa dambiyadiisa, waana loo dambi dhaafaa haba u badnaato sida xoorka cad ee badda korkeeda saaran marka mawjada baddu kacdo.
Abii Umaama Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto".
رواه النسائي في الكبرىNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka Salaadaha faralka ah gadaashooda akhriya aayatul kursiga ay janada galitaankeeda geeridu uuni ka xigto, waxayna ku jirtaa suurada Albaqara, waana Aayadaan: " Macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn majiro, waana Allaha nool, ِAllaha qayuumka ah, ma qabato lulmo iyo hurdo midna wuxuu iska leeyahay oo u sugnaaday Samooyinka iyo Dhulka waxa ku sugan oo dhan, yuu yahay midka shafeeco qaadi kara idan la'aantiisa, wuxuu og yahay waxa ka horeeya-dadka- iyo waxa ka dambeeyaba, makoobikaraan oo wax badan kama ogaan karaan cilmiga Ilaahay ee balaaran wax yar oo uu doono maahee, wuu ka balaaran yahay kursigiisu Samooyinka iyo dhulkaba, kumana adka Ilaahay ilaalinta Samooyinka iyo Dhulka, waana Allaha saraynta iyo waynida badan". [Al baqara:255]
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii midkiin ka shakiyo Salaadiisa, ee uu garan waayo seddex miyuu tukaday mise afar, hatuuro shakiga, oo ha ku dhiso-hakabilaabo- inta uu hubo, hana sujuudo labo sujuudood oo sahwi ah inta aanu salaama naqsan ka hor, haduu shan tukaday Salaadiisay buuxinayaan-sujuudu sahwigu- oo witirka ka bi'inaysaa, haduu afar buuxiyeyna shaydaankay dulaynaysaa."
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka tukanaya haduu ka shakiyo Salaadiisa oo uu garan waayo inta uu tukaday ma seddex baa mise afar? ha tuuro tirada dheeriga ah ee inuu ka shakiyey oo yaanu qaadan, seddexda ayuu hubaa, ee hatukado rakcad afaraad, ka dibna ha sujuudo labo sujuudood inta aanu salaama naqsan. Hadii inta uu tukaday xaqiiqo ahaan afar tahay, rakcada lagu daray shan ayey ku noqon, labada sujuudoodna baddal bay ka ahaanayaan rakcada, sidaasayna tiradu ku buuxsamaysaa oo noqon mayso tiro is dheer, hadii rakcada dheeriga ah ee uu tukaday afar tahayna, wuxuu noqonayaa mid gutay wixii laga rabey oo aan siyaado iyo nuqsaan lahayn. Labada sujuudood ee sahwiguna shaydaankay dulayn iyo jabin ku tahay, wuxuuna noqonayaa mid ku hungoobay oo ku guul daraystay ujeedadiisii, waayo Salaadii ayuu shaki ka galiyey, oo inuu ka kharibo damcay, wayse dhamaystirantay salaada Qofku markuu gutay amarka Ilaahay ee ahaa sujuudii ibliis Ilaahay ku caasiyey markuu diiday inuu Ilaahay ku adeeco sujuudii Aadam.