





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Cusmaan Binu Cafaan Allah ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka wayso qaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu way ka baxayaan jirkiisa ilaa ay cidiyihiisa hoostooda ka baxaan".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka wayso qaata isagoo ilaalinaaya Sunadii iyo aadaabtii weysada arinkaasi wuxuu sabab u noqonayaa in loo Dambi dhaafo, ilaa uu dambigu ka baxayo cidiyaha Gacmihiisa iyo Lugihiisa.
Abii Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Markuu ninku masruufo Reerkiisa isagoo Ilaahay ajar kaga dalbaaya, Sadaqo ayey u noqonaysaa".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in markuu ninku siiyo Reerkiisa biilo kaasoo ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida Xaaskiisa, labadiisa waalid, Caruurtiisa iyo qayrkoodba, isagoo Ilaahay ugu dhawaanaya wax bixintaa ajarna kaga raba Ilaahay wuxuu helayaa ajarka Sadaqada oo kale.
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay qasciga oo ah in Timaha qaar la xiiro qaarna la daayo.
Xadiis la isku waafaqayWuxuu reebay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in timaha madaxa qaybna laxiiro qaybna la daayo. Reebiduna waa guud ahaan ragga yaryar iyo kuwa wawaynba, Dumarkase uma banaana inay timaha Madaxooda xiiraan.
Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Waxaa la i faray inaan ka Sujuudo todoba Lafood: Wajiga, wuxuuna Gacantiisa ku ishaaray sankiisa, Gacmihiisa, labada law, faraha lugaha, oo aanaan aruurin celcelinna dharka iyo Timaha ".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray markuu tukanaayo inuu ka Sujuudo todoba xubnood oo Jirka ka mida, waxayna yihiin: Tan 1aad: Wajiga: waana balaca Wajiga ee Sanka iyo Indhaha ka sareeya. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ishaaray Gacantiisa Sankiisa, isagoo cadaynaaya Wajiga iyo Sanku inay hal xubin oo todobada ka mida yihiin, wuxuuna xoojinayaa in Qofka Sujuudsani Sankiisa Dhulka taabsiiyo. Xubinka 2aad iyo 3aad: waa labada Gacmood. Xubinka 4aad iyo 5aad: waa labada Law. Xubinka 6aad iyo 7aad: waa Faraha labada Lugood. Rasuulku wuxuuna amray in aynaan xirin Timaheena, ama aanaan aruurin Dharkeena markaan Dhulka ku Sujuudayno anagoo ilaalinayna Dharka, balse aan sii dayno ilaa ay Dhulka ku dhacdo oo Xubnaha la Sujuudno.
Ibnu Cabbaas Allah ka raali ahaado isagiyo Aabbihiyee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ducaysan jiray inta u dhaxaysa labad sujuudood ducooyinkan shanta ah ee Muslimku si weyn ugu baahan yahay iyado ay ku jirto khayrka Aduunyada iyo kan Aakhiraba, sida dambi dhaaf waydiisasho, dambi asturka iyo cafintiisa, raxmad balaaran, in laga caafimaado shubuhaatka, shahawaatka, cudurada iyo bugtada, iyo in Ilaahay la waydiisto ku hanuunida xaqa, iyo ku sug naashihiisa, iyo in Ilaahay ku arsaaqo iimaan, cilmi, camal saalixa, iyo maal xalaal ah oo wanaagsan.
Thawbaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu Salaada ka baxo seddex jeer buu istiqfaarsan jiray, wuxuuna yiri: " Allahayow adaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, yaa Dal Jalaali wal ikraam. Waliid wuxuu yiri: waxaan ku iri Aw Saaci: qaabkay ahayd istiqfaartu? wuxuu yiri: Astaqfirullaah, Astaqfirullaah.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray markuu Salaada ka baxo: Astqfirullaah, Astaqfirullaah, Astaqfirullaah. Ka dibna Rabigii ayuu waynaynaayey, wuxuuna oran jiray: Allahayow adigaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, Yaa Dal Jalaal wal Ikraam, Ilaahay waa Saalim oo sifaadkiisu waa kaamil, wuu ka nasahan yahay ceeb iyo nusqaan, isaga ayaa laga dalbaa inuu kaa nabad geliyo sharta Aduun iyo tan Aakhiro cid kale lagama dalbo, Ilaahay khayrkiisu waa badan yahay labada Daaroodba, Ilaahay waa kan u saaxibka ah waynaan iyo ixsaan.
Cimaraan Binu Xusayn -Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan qabay Baabasiir, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan waydiiyey sideen Salaada u tukadaa, wuxuuna yiri: "Ku tuko taagni, hadaadan awoodina fadhi ku tuko, hadaadan awoodin adigoo dhinac u jiifa tuko".
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Salaada asalkeeda lagu tukado taagni, xaaladaha uu Qofku kariwaayo maahee, markaasoo loo ogol yahay Qofku inuu fadhiga ku tukado, haduu fadhigana awoodi waayo wuxuu ku tukanayaa isagoo dhiniciisa u jiifa.
Abii Hurayra _Allaha ka raali noqde waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa u yimid nin indhoole ah, wuxuuna ku yidhi Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rasuulka Ilaahayow, mahaysto qof Masaajidka ii kaxeeya oo Gacanta i qabta, wuxuuna weydiistay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u ogolaado inuu Gurigiisa Salaada ku tukado, waanu u ogolaaday Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, laakiin makuu ka dhaqaaqay ayuu u yeeray, wuxuuna ku yiri:" Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib ).
Waxa wariyay MuslimNin indhoole ah ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimi wuxuuna yiri: Rasuul Ilaahayow, ma halayo Qof i caawiya oo Gacanta i qabta oo ii kaxeeya masaajidka, Salaadaha Shanta ah, wuxuu rabay in Rasuulka u fasaxo inuusan jamacada imaan, wuuna u fasaxay, markuu ka dhaqaaqey ayuu u yeeray wuxuuna ku yiri: Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu ku yiri: Aadaanka Salaada ajiib.
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu nabaray khudbatul-xaajada,: mahad Ilaahay ayaa iskaleh, Isagaanan kaalmaysanaynaa oo dambi dhaaf waydiisanaynaa, Isagaanan ka magan gelaynaa sharka naftayada, Qofkuu Ilaahay hanuuniyo cid baadiyeyn kartaa ma jirto, Qofkuu Ilaahay baadiyeeyona cid hanuunin kartaa ma jirto, waxaan qirayaa in uusan jirin mid xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, Maxamedna Adoonkiisa iyo Rasuulka uu soo diray yahay, {dadoow Rabigiinii naf kaliya idinka abuuray ka baqa, ee lamaanaheedana isla naftaa ka abuuray, ee ka abuuray labadaa nafood raga iyo dumar badan, ka baqa Allaha isaga dartii aad wax isku waydiisataan iyo qaraabada Ilaahay wuxuu ahaaday mid idin arka oo og waxaad laabihiina ku qarinaysaan} [Annisaa:1], {kuwa 'Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyow Ilaahay uga cabsada sida ugu wanaagsan ee xaqa uu u leeyahay in looga cabsado, hana soo dhimanina inaad Muslimiin tihiin mooye} [Aala cimran:102], {kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyow Ilaahay ka cabsada oo hadal toosana dhaha (70) wuu idiin hagaajin camalkiina dambigiinana idiin dhaafi Qofka Ilaahay iyo Rasuulkiisa addeeca ee u hogaansanaada dhab ahaan guul wayn buu ku guulaystay} [ Al axsaab:70-71].
رواه أبو داود والترمذي والنسائي وابن ماجه وأحمدCabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee baray khudbatul-xaajada, waana khudbada lagu furo hadalka khudbadaha, iyo ka hor khudbad walba oo ay dan leeyihiin, iyo khud badaha kalaba sida nikaaxa, khudbada jumcada, iyo kuwa kaleba. khudbadani waxay koobaysaa umuuro waawayn, oo ay ka mid tahay in Ilaahay xaq u leeyahay noocyada xamdiga oo dhan, iyo gargaarka oo Isaga keligii la waydiisto loona shariig yeelin, iyo Isagoo la waydiisto asturka dambiyada iyo dhaafi taankoodaba, iyo Isagoo sharka laga hoos galo, sharka nafta iyo shar oo dhan. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay inuu hanuunku Ilaahay Gacantiisa ku jiro , qofkuu hanuuniyana cid lumin kartaa aanay jirin, midka uu lumiyana cid hanuun siin kartaa aanu helayn. Ka dib wuxuu sheegay ashahaadada tawxiidka oo ah inaanu jirin mid xaq lagu caabudo oo aan Allaha ahayn, iyo qiritaanka Nabinimada Nabi Maxamed iyo inuu yahay Adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa. wuxuuna ku khatimay khudba aayadahan seddexda ah, kuwaasoo ka kooban Ilaah ka cabsi, iyo fulinta amarada Ilaahay, iyo kafogaanshaha wuxuu reebay, iyadoo Ilaahay wajigiisa lagu doonayo, cida wanaagaa samaysana waxaa abaal marin looga dhigayaa camalkiisa, hadalkiisa, oo wanaagsanaada, iyo dambigiisa oo loo dhaafo, nolol wanaagsan oo Aduunka ah iyo inuu helo liibaan weyn oo jano ah Maalinta Qiyaamaha.