





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Muusa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "Ma jiro Nikaax weli la'aanti dhacaya".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedNabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay Gabadha Nikaaxeedu aanu ansaxayn weli nikaaxiya la`aanti.
Cabdullahi Binu Camar Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka dila Gaal Mucaahida ma urin doono Carafta Janada, Carafteedana waxaa laga uriyaa meel loo socdo afartan Sano".
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey goodiga adag ee ku soo arooray qofka dila Mucaahad waana Gaalka ku soogala Dhulka Muslimiinta heshiis iyo amaan, Qofkaasi ma urindoono Carafta Janada, Carafteedana waxaa laga uriyaa meel loo socdo afartan Sano.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu lacnaday laaluush bixiyaha iyo laaluush qaataha waana siman yihiin xaga xukunka.
Waxaa wariyay At-tirmidi iyo AxmedNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku habaaray in Ilaahay naxariistiisa ka dheereeyo kan laaluushka bixiya, kan qaata, iyo kan u kala qaada. Ariinkaa waxaa la mid ah waxa la siiyo gar-soorayaasha si ay cadaalada uga leexdaan xukunka ay faraha ku hayaan, taasoo kan dhiibaya laaluushku uu ku helayo muraadkiisa si aan xaq ahayn.
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri Rasuuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Markuu dhoho Mu'addinku: Allaahu akbar Allaahu akbar, ee midkiin dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, haddana dhoho: Ashhadu Allaa Ilaaha Ilaa Allaah, uu ka daba dhoho: Ashhadu Allaa Ilaaha ilaa Allaah, haddana dhaho: Ashhadu Ana Maxamedan Rasuul Allaah, ee ka daba dhoho: Ashhadu ana Maxamedan Rasuul Allaah, haddana dhoho: xaya cala Salaah, isna dhoho: laa xawla walaa Quwata illaa Billaah, hadana dhoho: xaya calal falaax, isna dhoho: laa xawla walaa Quwata ilaa Billaah, haddana dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, isna ka daba dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, haddana dhoho: laa Ilaaha ilaa Allaah, isna ka daba dhoho: laa Ilaaha Ilaa Allaah isago ay qalbiga ka tahay Janaduu gelayaa".
Waxa wariyay MuslimAadaanku waa ogaysiin dadka la ogeysiinayo soo gelida waqtiga Salaada, erayada Aadaanku waa erayo caqiidada rumaynta Ilaahay ku dhan yahay. Xadiiskan Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu ku cadeyey inay Sharci tahay Qofku markuu Aadaanka maqlo, in Qofka maqlaya uu yiraahdo sida Mu`adinku leeyahay oo kale, oo hadii Mu`adinku yiraahdo: "Allaahu akbar'' Qofka maqlaya wuxuu oran: '' Allaahu akbar '', sidaasuu u wadayaa, markuu soo gaaro Mu'adinku '' xaya cala Salaat '', xaya calal-falaax '', wuxuu oran Qofka maqlayaa Aadaanka: '' laa xawla walaa quwata ilaa Bilaah ''. Wuxuu kaloo cadeeyey Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee in qofka ka daba dhaha Mu'adinka erayada Aadaanka isago ay qalbi iyo daacad ka tahay inuu Janada gelayo. Macnaha Erayada Aadaanku waa: '' Allaahu akbar '': Ilaahay baa wax walba ka weyn oo ka mudan. '' Ashhadu alaa Ilaa Ilaaha Ilaa Allaah '':Iilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn ma jiro. ''Ashhadu ana Maxamedan Rasuulu Allaah ": waxaan markhaati ka ahay oo ka qirayaa carabkayga iyo qalbigayga inuu Maxamed yahay Rasuul Ilaahay casa wajala soo diray, in la adeecona ay waajib tahay. ''Xaya cala Salaat'', u kaalaya Salaada, hadalka Qofka maqlaya Aadaanka ee: ''laa xawla walaa quwata ilaa billaah'' waa: ma jirto xeelad gaara oo aanu kaga bixi karno wixii daacada naga hor joogsada, xoog iyo awoodna uma lihin aan shay ku samayno Ilaahay inuu nawaafajiyo mooyee. ''Xaya calal-falaax'', u kaalaya asbaabta liibaanta, taasoo ah in lagu guulaysto Janada lagana bad-baadada Naarta.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka salaad ilaawa ha tukado markuu xasuusto, kafaaro gud kale malaha oo intaa ahayn: {salaada u oog xuskayga} [suuratu Daaha:14]".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Qofka ilaawa Salaad faral ah ee waqtigeedii baxay, waxaa ku waajib ah inuu u deg-dego qalaynteeda marka uu xasuusto, dambiga ka tagida Salaada laga dhaafimaayo oo Ilaahay ma asturayo in Muslimku uu tukado markuu xasuusto maahee, Ilaahay ayaa Kitaabkiisa ku yiri: {Salaada u oog xuskayga dartii} [suuratu: daaha:14], oog oo tuko Salaada aad ilawdo markaad xasuusato.
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay inuu yiri: "Hadii aad maqashaan aadaanka, dhaha waxa mu'adinku dhahayo".
Xadiis la isku waafaqayNabigu naxariis iyo nabadi korki ha ahaatee wuxuu ku boorinayaa Ummadda, inay ajiibaan mu'adinka markay aadaanka maqlaan, waana inaan ka daba dhahno wuxuu leeyahay, ereyba erey. markuu takbiirsado waan ka daba takbiirsanaynaa, markuu labada ashahaado dhahayo, waan ka daba dhahaynaa. Waxaa laga soo reebay ereyada (xaya cala salaat, xaya calal-falaax) oo macnohoodu yahay: u kaalaya salaada, u kaalaya kheyrka, labadaa waxaa la dhahayaa: laa xawla walaa quwata ilaa billaah.
Muqiirah-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan safar la galay, waxaan u foorarsaday si aan uga siibo labada khuf, wuxuu igu yiri: " iska daa, anoo weyso qaba ayaan geliyaye", uuna masaxay.
Xadiis la isku waafaqayNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo safaradiisii mid ka mida ku jira ayuu weyso qaatay. markuu soo gaaray labada Lugood, ayuu Muqiira Binu Shucba laacay si uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uga saaro khufkii cagaha ugu jiray, si uu Nabigu u dhaqo Lugaha! wuxuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: iska daa ha bixine , waxaaan gashaday labada Khuf anoo dahaara qabee, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu masaxay labadii Khuf mana dhaqin Lugihiisa.
Caa'isha, mu'uminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inay tiri: Faadumo Bintu Abii Xubaysh ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee su'aal waydiisay waxayna tiri: Anigu dhiig furan baan leehay oo daahir ma noqdo ee Salaada ma ka tagaa? wuxuu yiri: "maya, taasi waa xidid dartiiye Salaada jooji qadarkii ayaamaha xaydku kugu dhici jiray, ka dibna ka qubayso oo Salaada tuko."
Xadiis la isku waafaqayFaadumo Bintu Xubaysh Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay waydiisay oo tiri: aniga dhiigu igama joogsado oo wuxuu iga socdaa waqti dhaafsan mudadii dhiiga caadadu iga socon jiray, ee xugunkiisu ma yahay xugunka dhiiga xaydka oo Salaada ma joojiyaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: kaasi waa dhiig istaxaado ah waana dhiig jiro ah wuxuuna ka soo baxaa xidid Raximka ku jira ee ma aha dhiigii caadada. Marka aad gaadho waqtigii aad heli jirtay dhiiga caadada ee bilaha ah intaanu kugu dhicin dhiiga istixaadadu, jooji Salaada, soonka iyo wixii loo diidi jiray mida xaydka qabta. Hadii mudadaas qadarkeedu dhamaado, waxaad noqonaysaa mid xaydka daahir ka noqotay, meesha dhiiga iska dhaq, ka dibna si kaamila uga qubayso xadaska, oo tuko.
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Markuu wayso qaadanayo midkiin Biyaha Sankiisa ha geliyo hadana ha soo firdhiyo, Qofka dhagax ku istinjoodana dhagxaanta witir ha ka dhigo, markuu midkiin hurdada ka tooso ha dhaqo Gacmihiisa intaanu Biyaha waysada gelin, waayo ma oga midkiin halka ay Gacantiisu bariday", imaam Muslim ayaa isna sidan u wariyey: "markuu midkiin tooso yaanu gelin Gacantiisa weelka ilaa uu seddex jeer uu dhaqo, waayo ma oga halkay Gacantiisu bariday."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey qaar ka mida axkaanta dahaarada, waxaana ka mida: Mida 1aad: Qofki wayso qaadanaya waa inuu Biyaha Sanka geliyo, hadana neefta soo raaciyo oo soo firdhiyo. Mida 2aad: Qofkii doonaya inuu isaga nadiifiyo najaasada ka soo baxaysa isaga waxaan Biyo ahayn sida dhagxaanta iyo wixii la mida, wuxuu isku nadiifinayaa tirsi kinsi ah oo ugu yaraan ah seddex ugu badnaan wixii tirtiraya najaasada meeshana nadiifinaya. Mida 3aad: Qofka ka toosa hurdada habeenka Gacantiisa galinmaayo weelka markuu wayso qaadanayo ilaa uu Gacantiisa ku dhaqdo weelka dibadiisa, waayo ma oga halkay Gacantiisu bariday, kama aamin aha in Gacantiisu najaaso taabatay, waxaana dhici kara inuu shaydaan ku ciyaaray, oo uu saaray waxyaabo dadka dhibaya ama Biyaha xumaynaya.