





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Saciid al Khudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxaad ku samaysaan, Aduunyada iska jira Dumarkana iska jira, fitnadii reer Bani Israa'iil lagu fitneeyey ee ugu horaysay Dumarkay ahayd".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay Aduunyadu dhadhan macaan tahay, aragana cagaar u tahay, dadkuna way ku kadsoomayaan, oo isku sii daynayaan macaankeeda, hamigiisa ugu wayna iyaduu ka dhigayaa. Ilaahayna isagaa nusqaan ka hufane wuxuu inaga yeelay in qaarkeenba qaarka kale uga danbeeyo Aduunyada, si uu Ilaahay u eego waxa aynu samaynayno, inaan isaga adeecayno iyo inaan ku caasiyeyno. Ka dib wuxuu yiri: ka digtoonaada inaad ku sirtoontaan raaxada Aduunyada iyo quruxdeeda, oo ay idin gaarsiiso inaad ka tagtaan wuxuu Ilaahay idin faray, oo aad ku dhacdaan wuxuu idinka reebay. Fitnada Aduunyada ugu weyn ee ay waajibka tahay in laga digtoonaadaa waa fitnada Dumarka, iyadayna ahayd fitnadii ugu horaysey ee reer Bani Israa'iil ay ku dhacaan.
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka xifdiyey toban Rakcadood: labo Duhurka ka horaysa, labo ka dambaysa, labo Maqribka ka dambaysa oo Gurigiisa uu ku tukan jiray, labo ka dambeeya Cishaha oo Gurigiisa ku tukan jiray, labo Subaxa ka horeeya, waxayna ahayd saacad aan loo soo galin Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Xafsa ayaa ii sheegtay inuu ahaa marka uu Mu'adinku adimo ee fajrigu soo boxo wuxuu tukan jiray labo Rakcadood, hadalkale oo laga wariyey ayaa ahaa: wuxuu tukan jiray Jumcada ka dib labo Rakcadood.
Waa laysku waafaqay Xadiiska Riwaayadiisa dhamaanCabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye-: wuxuu cadeeyey in sunayaasha uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka xafiday ay yihiin toban Rakcadood oo la dhoho Sunooyinka Rawaatibta ah, laboRrakcadood oo Duhurka ka horeeya, iyo labo Rakcadood oo ka dambeeya, labo Rakcadood oo Maqribka ka dambeeya, oo Gurigiisa uu ku tukan jiray. labo Rakcadood oo Cishaha ka dambeeya, oo Gurigiisa uu ku tukan jiray. labo Rakcadood oo Fajarka ka horeeya. Sidaasay ku dhan yihiin tobankii Rakcadood. Salaada Jumcadana labo Rakcadood ayuu ka daba tukan jiray.
Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Miyaanu midkiin ka baqayn-ama midkiin miyaanu ka cabsanayn haduu Madaxiisa kor u soo qaadoImaamka ka hor in Ilaahay Madaxiisa ka dhigo Madax Dameer, ama uu Ilaahay Suuradiisa ka dhigo Suurad Dameer."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey goodi adag oo ku soo arooray Qofka Madaxiisa kor u soo qaada Imaamkiisa ka hor, in Ilaahay ka dhigo Madaxiisa Madax Dameer ama Suuradiisa ka dhigo Suurada Dameer.
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyadoo calacashaydu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey Suurada Qur'aanka ah, "Ataxiyaatu "salaamo", lilaahi "Ilaahay ayey u sugnaadeen", wa salawaatu "Salaado", Adayibaatu "wanaagyo", Asalaamu calayka "nabadi korkaaga ha ahaato", Ayuha Nabiyu, "Nabiyahaw", wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh, "iyo naxariista Ilaahay iyo Barakooyinkiisu", Asalaamu calaynaa, wa calaa Cibaadi Allaahi Saalixiina "nabadi korkayaga ha ahaato anaga iyo Adoomada Ilaahay ee Saalixiinta ah", Ashhadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah, "waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah aan Allaah wayne ahayn, wa Ashhadu ana Maxamed Rasuulu Allaah, "waxaan qirayaa inuu Maxamedna yahay Adoonkiisa iyo Rasuulkii Ilaahay soo diray". Ruwaayad kale oo labadoodu wariyeen waxay ahayd: "Ilaahay isagaa Salaam ah, hadii midkiin u fariisto Salaada ha dhoho: "Ataxiyaatu lilaah, wa salawaatu wa dayibaatu Asalaamu calayka ayuha Nabiyo wa Eaxmatu Allaah wa barakaatuh, Asalaamu calaynaa wa calaa Cibaadi Allaahi Saalixiina, marka uu dhoho intaa way gaaraysaa ducadaasi Adoon kasta oo Saalix ah oo ku sugan samada iyo dhulkaba, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu cibaado oo aan Ilaahay ahayn, waxa kale oo aan qirayaa inuu Maxamedna yahay Adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa, intaa ka dib ducada waxa uu doonuu ku ducaysanayaa."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu baray Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali noqdee- Ataxiyaadka Salaada la akhriyo, isagoo Gacanta ganta u saaray, si uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ibnu Mascuud u soo jeediyo sida marka uu suurad Qur'aanka ah barayo oo kala, arinkaasina wuxuu ina tusayaa dadaalka uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku bixinayey Ataxiyaadka Eray ahaan iyo macno ahaanba. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: " Ataxiyaatu lilaah'': waana hadal iyo ficil kasta oo tusaya wayni iyo qadarin, dhamaantoodna Ilaahay Casa Wajala ayaa xaq u leh. " Asalawaatu'': waana Salaada la yaqaan, faralakeeda iyo Sunaheeduba Ilaahay ayey u sugnaatay. " Adayibaatu" Waa hadalada iyo ficilada iyo Sifooyinka wanaagsan ee tusaya kaamilnimada dhamaantoodna Ilaahay ayey u sugnaadeen. " Asalaamu calayka ayuha Nabiyu wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh '': Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa loogu ducaynayaa in Ilaahay ka nabadgeliyo aafo iyo wax xun oo dhan uuna u siyaadiyo una badiyo khayr oo dhan. " Asalaamu calaynaa wa calaa cibaadi Allaahi Saalixiin": Waa duco nabad loogu ducaynayo Qofka tukanaya iyo Adoon kasta oo saalix ah oo ku sugan Samada ama Dhulka. "Ash hadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah": Waxaan qirayaa qiritaan ga'aana inaanu jirin Macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. " Wa ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluh': Nabi Maxamed waxaan u qirayaa Aadoonimo iyo Risaalada khaatimada ah. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu ku booriyey Qofka tukanaaya inuu ducaduu doono ku ducaysto.
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid ku ducaysta oo dhaha: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Cadaabta Qabriga, iyo Cadaabta Naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada Masiixu Dajaal." hadal kale oo Muslim leeyahay wuxuu ahaa: "markuu midkiin dhamaysto Ataxiyaadka u dambeeya, Ilaahay ha ka magan galo afar: cadaabta jahanama, cadaabta qabriga, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo sharka Masiixu Dajaal."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid Ilaahay ka magan gala afar, Ataxiyaadka u dambeeya ka dib, iyo salaama naqsiga ka hor, wuxuuna nafaray inaan Ilaahay ka magan galno afartaa, Tan 1aad: Cadaabta Qabriga. Tan 2aad: Cadaabta Naarta ee Maalinta Qiyaamaha. Tan 3aad: fitnada nolosha, ee ah Shahawaatka Aduunyada ee xaaraanta ah iyo shubuhaadka lagu lumo iyo fitnada dhimashada, waa marka sakaraadku jiro, oo Islaamnimada ama Sunada uu ka leexdo, fitnada Qabriga sida su'aasha labada Malag. Tan 4aad: fitnada Masiixu Dajaal ka soo bixidoona Aakhiru Samaanka, Ilaahayna Adoomadiisa ku imtixaamayo, wuxuuna sigaar ah ugu xusay fitmadiisa oo aad u wayn iyo dadka oo uu baadiyeynaayo.
Anas -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa marka uu gelayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu rabo inuu xaajo guto, kaadi ama saxaro, Ilaahay ayuu magan geli jiray, Isaguuna cuskan jiray inuu ka nabad galiyo sharka Shaydaanka lab iyo midka dhadigba. Waxaa kaloo lagu fasiray khubuska iyo khabaa`iska sharka iyo najaasada.
Caa'isha, Mu'uminiinta Hooyadood -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu Janaabo ka qabaysanayo wuxuu dhiqi jiray Gacmihiisa, wuxuuna u weyso qaadan jiray sida Salaada uu ugu weyso qaato, ka dibna wuu qubaysan jiray, isagoo Faraha dhex galinayaTtimihiisa ilaa uu Jirkiisa Biyaha wada gaarsiiyo, seddex jeer ayuu Biyaha isku shubi jiray, ka dibna jirkiisa kale oo dhan ayuu dhaqi jiray, waxay tiri- Caa'isha-: aniga iyo Rasuulka weel kaliya ayaan ku wada qubaysan jirnay, oo aan labadayadu kawada darsan jirnay Biyaha.
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu rabo inuu Janaabo ka qabaysto, wuuu ku bilaabi jiray inuu Gacmaha dhaqo. Ka dibna wuu weyso qaadanayey sida weysada Salaada, ka dibna Biyaha ayuu Jirkiisa gaarsiin jiray, ka dibna Gacmaha ayuuTtimaha Madaxa dhex galin jiray, ilaa uu is dhoho Biyuhu waa gaareen Timaha salkooga, Jirkuna uu ka dhergay Biyaha, seddex jeerbuu Madaxiisa Biyaha ku shubaayey, ka dibna Jirkiisa kale ayuu dhaqi jiray. Caa'isha -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Aniga iyo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirney, oo Biyaha ka wada darsanaynay.
Cali Binu Abii Daalib -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ahaa nin Madi badan Nabigana nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waan ka xishoon jiray, waayo Gabadhiisaan qabay, waxaan faray Miqdaad Binu Aswad, wuuna su`aalay wuxuuna yiri: xubintiisa taranka ha dhaqo hana wayso qaato.Bukhaarina waxaa ka sugnaaday: wuxuu yiri: "weyso qaado oo dhaq xubintaada Taranka."
Xadiis la isku waafaqayCali Binu Abii Daalib -Allaha ka raali ahaadee- ayaa sheegay in Madi badani ka imaan jirtay - Madidu waa Biyo cad oo khafiif ah is jiidanaya, oo xubintaTaranka kasoo baxa marka dareenka Qofku jiro ama galmada ka hor-, mana garan wuxuu samaynayo marka ay kasoo baxdo Madidu, wuxuuna ka xishooday inuu waydiiyo nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waayo waa sayga Faadumo oo inanta Nabiga ah nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. wuxuu waydiistay Miqdaad Binu Aswad inuu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waydiiyo arinkaa. Wuxuuna ugu jawaabay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu dhaqo xubintiisa taranka ka dibna waysaysto.
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee, waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado'' wuxuu yiri: intaasuu ii sheegee, hadaan kordhisan lahaa wuu ii kordhin lahaa.
Xadiis la isku waafaqayNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuuna ku jawaabay: Salaada falarka ah in waqtigeeda shareecadu xadeysey lagu tukado. Waxaa ku xiga, labada waalid oo loo baari noqdo loona samafalo, xaqoodan la guto, lagana daayo caasinimada. waxaa ku xiga, Jidka Ilaahay oo lagu jihaado, si kalmada Ilaahay ay u sarayso, iyadoo la difaacaayo Islaamka iyo dadkiisa, loona muujiyo shacaa`irta Islaamka, iyadoo loo hurayo Nafta iyo Maalkaba. Cabdullaahi Binu Mascuud- Ilaahay ha ka raali ahaadee: waxaa laga wariyey inuu yiri: intaasuu ii sheegay-Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee-, hadaan ku dhihilahaa: maxaa ku xiga? wuu ii siyaadin lahaa.