





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Yaxye Binu Cumaara Almaasini wuxuu yiri: Waxaan u joogay Camru Binu Abii Xasan oo waydiinaya Cabdullaahi Binu Zayd, waysadii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u yeertay weel ay biyo ku jiraan, wuxuuna ugu wayso qaatay waysadii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, weelkii ayuu gacanta biyo uga shubtay, gacmihiisuu sadex jeer dhaqaay, ka dibna weelkii ayuu gacanta galiyey, wuuna luq-luqday oo sandaarsaday oo iska firdhiyey sadex darsasho, ka dibna gacantuu galiyey oo wejigiisuu saddex jeer dhaqay, ka dib gacmihiisuu laba jeer dhaqay ilaa suxulada, ka dibna gacantiisuu galiyey oo madaxiisuu ku masaxay, isagoo horay iyo gadaal u mariyey gacmaha madaxiisa hal mar, ka dibna wuxuu dhaqay labadiisa lugood ilaa anqawyada.
Xadiis la isku waafaqayCabdullaahi Binu Zayd-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu cadeeyey qaabkii waysadii Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisadii- qaab ficil ahaan ah, wuxuuna waydiistay in weel yar oo biyo ku jiraan loo keeno, wuxuuna ku bilaabay inuu horta faraha dhaqdo, ka dibna weelka ayuu soo qaloociyey oo biyaha ka shubtay oo gacmaha sadex jeer ku dhaqay weelka dibadiisa. Ka dibna weelkii buu gacantiisa galiyey, oo saddex jeer darsaday oo ku luq-luqday oo mar walba oo uu darsado wuu sandaarsaday oo iska firdhiyey. Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday wuuuna dhaqay wajigiisa sadex jeer, Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday oo dhaqay gacmihiisa labalaba jeer ilaa xusulada, Ka dibna gacmihiisuu weelkii galiyey, madaxiisuuna labadiisa gacmood ku masaxay, isagoo ka bilaabay foodiisa ilaa qadaadka qoorta ka sareeya, ka dibna wuu ku sooceliyey ilaa uu soo gaaray meeshuu ka bilaabay, Ka dibna lugihiisuu dhaqay ilaa anqawyada.
Abii bakrata Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Waar hooy ma idiin sheegaa dambiyada kuwa ugu waaway?" seddex jeer, waxay dheheen: haa Rasuul Ilaahayow, wuxuu yiri: "waa: Ilaahay oo loo shariig yeelo iyo waalid caasiga" wuuna soo fariistay isagoo xusulku u mudan yahay, wuxuu yiri: "waar hooy iyo markhaati Beenaalaha), wuxuu yiri: kama uuna daalin inuu ku celceliyo ereygaa, ilaa aan iri: muu iska aamuso.
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay Asaxaabtiisa dambiyada ugu waawayn, seddexdan buuna sheegay: 1aad. Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana nooc walba oo cibaadada ka mida oo loo leexiyo cidaan Ilaahay ahayn, iyo Ilaahay Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, Magacyadiisa iyo Sifaadkiisa oo cid kale lala simo. 2aad. Waalid caasiga: waana dayac iyo hagardaamo kasta oo labada waalid loogaysto, hadal iyo ficilba kuu doono ha ahaadee, iyo samafalkooda oo lala imaan waayo. 3aad. Been abuurka oo markhaati Beenaaluhuna soo galayo: waana hadal kasta oo Been abuura loogana jeedo in lagu duudsiiyo Qof, kaasoo lagu banaysanayo Maalkiisa, laguna xad gudbo Cirdigiisa iyo wixii la mida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku celceliyey ka digida hadalka Been abuurka ah, isagoo ku baraarujinaya dadka xumaantiisa iyo saamayntiisa xun ee Bulshada uu u leeyahay, ilaa ay dheheen Asaxaabtu: muu iska aamuso, iyagoo u naxariisanaya Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo nacaya wixii isaga dhibaya.
Miqdaam Binu Macdi Karib Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Hadii Qofku Ilaahey darti u jeclaado Walaalkiisa Muslimka ah ha u sheego inuu jecel yahay".
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,nasaa.i oo kawayn kuwariyey iyo AxmadNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey mid ka mida sababaha xoojinaya xiriirka Muuminiinta iyo is jacaylkooda, taasoo ah hadii Qof jeclaado Walaalki ha u sheego inuu jecel yahay.
Cabdullaahi Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Dambiyad waawayni waa: Ilaahay oo loo shariik yeelo, Waalid caasiga, Naf la dilo iyo dhaar badanaha".
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey dambiyada waawayn, waana kuwa loo balan qaaday cida samaysa ciqaab adag oo Aduunyada iyo Aakhiraba ah. Tan koowaad: Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana cibaadada noocay doontaba ha ahaate oo loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn, iyo Isaga oo lala simo wax aan Isaga ahayn wax yaabaha uu keligii xaq u leeyahay sida Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, magacyadiisa iyo tilmaamihiisa wanaagsan. Tan labaad: waa Waalid caasiga: waana wax kasta oo labada Waalid dhib ku ah, oo ah hadal ama ficil, iyo u samafalkooda oo laga tago. Tan seddexaad waa Naf la dilo: taasoo ah xaq daro, sida dilka dulmiga iyo cadaawada ah. Tan afraad, waa dhaar badanaha: waa mida lagu dhaaranayo Beenta loo bareerayo, waxaana sidaa loogu magacaabay, waxay dhaar badanaha quusinaysaa dambi ama Naar.
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka u adeega Garoobka iyo Miskiinka, wuxuu la mid yahay Mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaa, ama Qof Habeenkiina cibaado u taagan Maalintiina Sooman".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka ka shaqeeya danaha Dumarka Ragoodu ka dhintay cid u miciintana haysan, iyo Miskiinka baahidu hayso, wax siiya isagoo Ilaahay uun ajar kaga raba, Qofkaasi xaga ajarka wuxuu la mid yahay Mujaahidka Ilaahay dartii u dagaalamaya, ama Qofka Salaad Tahajudka u taagan ee aan daalayn, oo Sooman oo aan afurayn
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "ka fogaada toddobada lagu halaagsamo ", waxay yiraahdeen: Rasuulkii Ilaahayow maxay yihiin? wuxuu yiri: "waa Ilaahay oo loo shariig yeelo, Sixirka, dilka Nafta Ilaahay xarimay in xaq lagu dilo mooyee, cunida Ribada, cunida Maalka Agoonta, cararida Maalinta Jihaadka iyo in la qadfo Gabdhaha Muxsinaatka ah ee Muuminiinta ah ee aan warba hayn".
Xadiis la isku waafaqayRasuulka Ilaahay wuxuu Ummaddiisa faray inay ka fogaadaan todoba dambi oo ah macaasi lagu halaagsamo, markii la waydiiyey ee la yiri waa kuwee? wuxuu ku sheegay inay yihiin: Tan koobaad: waa Ilaahay oo loo shariig yeelo, iyadoo la samaysto wax Ilaahay loo ekaysiiyo oo lalasimo nooc walba oo uu yahay, isagaa nusqaan oo dhan ka hufane, iyo cibaado cibaadooyinka ka mida oo Ilaahay qayrkii loo leexiyo, shirkiga ayuu ku bilaabay, waayo isagaa danbiyada u wayn. Tan labaad: waa Sixirka- waana guntimo wax lagu tufay iyo dawooyin iyo Qiiq-, kaasoo jirka ku saamaynaaya dhimasho ama bugto ama kala gayn labada is qabta, waana shaqo shaydaan, in badan oo Sixirka ka mida lama samayn karo ilaa Ilaahay loo shariig yeelo iyo in loogu dhawaado arwaaxda xun in loo sameeyo waxay jeceshahay maahee. Tan seddexaad: waa dilka Nafta Ilaahay reebay dilkeeda in lagu dilo wax sharci ah ee Xaakimku fuliyo maahee. Tan afraad: waa Ribada in loo isticmaalo cunid ama qaab kale oo nafac leh. Tan shanaad: waa ku xad gudubka maalka Agoonta uu Aabohood dhintay iyagoon qaan gaarin. Tan lixaad: waa in laga cararo dagaalka gaalada la gula jiro. Tan todobaad: waa in lagu tuhmo Sino Gabdhaha Xorta ah ee dhawrsan, waxaa la mida in Raga lagu tuhmo.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: "Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan".
Waxa wariyay Abuu Daa'uudNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxu reebay in guryaha lugu tukan waayo oo laga dhigo sida qabuurta aan lagu tukan oo kale. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in lagu celceliyo siyaarada Qabrigiisa oo si joogto ah loogu kulmo qabriga oo caado laga dhigto, waayo taasi waxay noqonaysaa dariiq shirki gaarsiiya qofka. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in lagu saliyo meel kastoo dhulka laga joogo, waayo saligu wuu isoo gaarayaa qofka dhaw iyo qofka fogba isku si ayuu ii soo gaarayaa, loomana baahana in lagu noqnoqdo qabrigiisa.
Sahal Binu Sacad Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa Qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa Lugood waxaan u balan qaadayaa Janada".
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay labo arimood oo hadii Qofka Muslimku ilaaliyo uu Janada ku gelayo. Tan koowaad: waa Carabka oo laga ilaaliyo inuu ku hadlo wax Ilaahay ka Caraysiinaya. Tan labaad: waa Farjiga oo laga Ilaaliyo inuu ku dhoco macsi Waayo waxaa badan in labadaa xubnood lagu sameeyo macaasi.
Jaabir Ilaahay ha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Dikri waxaa u fadli badan: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ducuna waxaa u fadli badan: Alxamdu lilaah".
Waxaa wariyay At-tirmidi, An-nisaa'i oo Sunan kubraa ah iyo Ibnu MaajahNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dikriga ugu fadli badni yahay: laa Ilaaha ilaa Allaah, oo macnaheedu yahay: ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, ducana waxaa ugu fadli badan Alxamdu lillaah, waana qirid kan nicmada bixiyaa inuu Ilaahay yahay, isagaa xaq u leh in lagu sifeeyo wanaag oo dhan.