





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka Samada ku sugane.
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo AxmedNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in kuwa u naxariista dadka kale iyagana Raxmaanku u naxariisto, naxariistaas oo cid walba gaartay, iyadoo lagu abaal marinaayo ficilkoodii. Ka dibna wuxuu amray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in loo naxariisto dhamaan noolayaasha ku nool dhulka, Dad, Xayawaan, Shimbiro, iyo nuucyada kale ee Ilaahay abuuray, kuwaasna abaalkoodu waa in Ilaahay uga soo naxariisto xaga Samada.
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: Dad ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee faalalowga, wuxuu ugu jawaabey: (waxba maaha kuwaasi) waxay dheheen: Rasuul alloow, waxbay sheegaan waqtiyada qaar wuuna rumoobaa, wuxuu dhahay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: " taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood".
Xadiis la isku waafaqayNabigaa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la waydiiyey kuwa qaybka soo socda wax ka sheega, wuxuuna ku jawaabey: dan ha u galina kuwaa, hadalkoodana ha qaadanina, warkoodana ahmiyad ha siinina. Waxay dheheen: hadalkoodu waqtiyada qaar runtuu waafaqaa oo waxbaa laga arkaa, sida hadday sheegaan arin qayb ah inuu dhacayo bisha heblaayo maalin hebel, siday u sheegeen buu u dhacaa waqtiyada qaar. Wuxuu dhahay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee jinka ayaa soo dafa waxa uu ka maqlo warka samada, waxayna u sheegaan madaxdooda faalalowga ah wixii ay maqleen, faaliya-yaashuna waxay kusii darayaan warkaa samada laga soo maqlay boqol beenood.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis allaha siiyee Mucaad oo la fangashan ayuu ku yiri: "Mucaad Binu Jabalow" isna wuxuu ku yiri: waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaatee, wuxuu ku yiri: "Mucaadow", wuxuu yiri: waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaatee, seddeax jeer, wuxuu yiri: "majiro Qof qiraya inuusan jirin Ilaah xaqa lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta", wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow: ma u sheegaa dadka ha bishaaraystaane?, wuxuu yiri: "way is dhiganayaan", Mucaad wuxuu sheegay xadiiskan geeridii Nabiga ka dib, cabsi uu ka qabey inuu ku dambaabo qarinta Cilmiga.
Xadiis la isku waafaqayMucaad Binu Jabal-Allaha ka raali ahaadee wuxuu ahaa mid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee gadaashiisa la fangashan Neefkiisii uu fuushanaa, wuu u yeeray: Mucaadow? wuuna ku cel-celiyey dhawaqaa seddex jeer, isago ku adkaynaaya ahmiyada wuxuu ku oron doono. Intaasoo dhana wuu u jawaabayey Mucaad oo kama aamuseyn Rasuulka, isagoo dhahayey: (waa ku ajiibay hadan waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow, farxad ayey ii tahay ajiibidaaduye). Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay Qofkii qira inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, Maxamadna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, beenna ka ahayn, hadduu sidaa ku dhinto Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta. Mucaad ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxarii Allaha siiyee inuu dadka u sheego, si ay ugu farxaan oo khayr ugu bishaaraystaan. Rasuulku nabdgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka baqay inay is dhigtaan oo camalkoodu yaraado. Intuusan dhiman ka hor Mucaad warkaa qofna uma sheegin, ilaa uu Nabigu geeriyooday ka dib, isagoo ka baqay dambi inay ku noqoto qarinta cilmigu.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo degaa Samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa, Isagoo dhahaya: "yaa i baryaaya oo aan u ka ajiibaa? yaa wax i waydiisanaya oo siiyaa? yaa dambi dhaaf i waydiisanaya oo aan u dambi dhaafaa?".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay wayne u soo dego samada dhow habeen walba, marka ay ka hadho habeenka seddex meelood meesha u dambaysa, wuxuuna jeclaysiiyaa Adoomadiisa inay baryaan, wuuna ka ajiiba cidii barida, wuxuu ku booriyey inay waydiistaan waxay rabaan, isaguna wuu siiyaa cidii waydiisata, wuxuuna ugu yeedhaa inay Ilaahay dambi dhaaf way diistaan, Isagaa u dambi dhaafa Adoomadiisa Mu'uminiinta ah.
Abii Marsadin Alqanawi Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Haku fadhiisanina qabuuraha, hana u tukanina xageeda".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in lagu fariisto Qabuurta. Sidaasoo kale wuxuu reebay in xaga Qabuurta loo tukado, oo aysan Qabuurtu noqdan mid ka xigta qofka tukanaya xaga Qiblada, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa Shirki.
Caa'isha oo ahayd Muuminiinta Hooyadood-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey: Umu Salama waxay u sheegtay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- Kaniisad ay ku aragtay dhulka Xabashida, taasoo la dhoho: Maariya, waxayna u sheegtay Nabiga sawiro ay ku soo aragtay, wuxuu yiri Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: " kuwaasi waa duul markuu ka dhinto Qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista Masaajid. wayna ku sawiraan sawiradaas, kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan Khalqiga Ilaahay
Xadiis la isku waafaqayMuuminiinta hooyadood ee umu Salama-Allaha ka raali ahaadee- waxay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u sheegtay inay ku aragtay dhulkii xabashida kaniisad-la dhoho : - Maariya-, oo ay ku jiraan sawiro iyo waxyaabo lagu qurxiyey! oo ay la yaabtay!. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey sababaha ay sawiradaa u samaysteen: Wuxuu yiri: kuwaa aad sheegaysid waxay ahaayeen, kuwo marka uu qof wanaagsani ka dhinto, qabrigiisa ka dul dhista masaajid ay ku tukadaan, sawiradaana way ku sawirayeen. Wuxuuna cadeeyey, Qofka waxaa sameeya inuu yahay kan ugu sharka badan khalqiga, waayo ficilkiisu wuxuu keenayaa, in Ilaahay loo shariig yeelo.
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: -Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna yahay adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii, Salaada oo la oogo, Sakada oo la bixiyo, Xajka oo la guto iyo Bisha Ramadaan oo la soomo."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku shabahay Diinta Islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee Islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee in uusan jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in Adoonku labadaas ku dhawaaqo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal fala waxay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee una hogaansan. Tiirka labaad: waa Salaada oo la oogo, waana Salaadaha shanta ah ee faralka ah Maalintii iyo Habeenkii: waa Fajarka, Duhurka, Casarka, Maqribka iyo Cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka seddexaad: waa bixinta Sakada waajibka ah, waana cibaado Maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii Shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa Xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha Xajka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka Shanaad: waa Soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo Soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku caabudo, laga bilaabo waqtiga Fajarka ilaa qoraxdu dhacdo.
Abii Saciid Al-khudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: Qofkii idinka mid ah ee arka Xumaan Gacantiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin Carabkiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin Qalbigiisa hakanoco, kaasina waa meesha Iimaanka ugu liidata.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu farayaa tir tirida Xumaha waana wax kasta oo Ilaahay iyo Rasuulkiisu reebeen kolba awooda Qofka Muslimka ahi intay qaban kareyso. Haduu arko -Muslimku-Xumaan waxaa ku waajib ah inuu gacantiisa ku baabi'iyo, haduu awoodaa leeyahay oo sameyn karo. Haduuna awoodi karin sidaas, carabkiisa ha ku tir tiro Xumaantaa oo ha ka reebo kan Xumaanta faraha kula jira, hana ku waaniyo kheyrka Sharta badalkeeda. Haduu awoodi waayo kaalintaa qalbigiisa ha ku badalo Xumaanta isagoo nacaya Xumaantaa oo go'aansanaya haduu awoodi lahaa inuu ficil ku baabi'in lahaa. Qalbiga oo laga naco Xumaanta waa derejada ugu hoosaysa derajooyinka iimaanka ee Xumaanta lagu tir-tiro.
Ibnu Mascuud Allaha raali ka noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, miyaa naloo qaban wixii aanu waqtigii Jaahiliga samaynay, wuxuu yiri: Qofkii Islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu Jaahiligii sameeyey, Qofkase Islaama oo shirki la yimaada Danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin.
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey fadliga uu leeyahay Islaamka oo la soo galo. Qofka Islaama ee ay fiicnaato Islaamnimadiisu oo ahaada Qof daacada oo runlow ah, loo raacanmaayo wixii Macsi ah ee uu sameeyey Jaahiligii. Qofkase Islaamnimadiisu xumaato sida inu Munaafiq noqdo ama Diintiisa ka Ridoobo waa lagu xisaabin Macsidii uu Gaalnimadiisii sameeyey iyo tii uu sameeyey intuu Muslimay.