





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Jaabir waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaadee-: Nin ayaa weydiiyey Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo wuxuu yiri: iiga waran hadaan tukado Salaadaha waajibka ah, oo ramadaanka soomo, oo xalaashado xalaasha, oo xaaraanta iska xarimo, waxna intaa ku darin, Janada magalayaa wuxuu ku yiri: haa ninkii wuxuu yiri: Ilaahay ayaan ku dhaartaye waxba intaa ku darimaayo.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeyey qofka tukada salaadaha waajib ka ah ee shanta ah, oo wax suna ah aan ku darin, ramadaankana sooma oo wax suna ah aan ku darin, oo rumeeya xalaasha oo xalaashada, oo rumeeya xaaraanta oo iska ka fogaada, wuxuu galaya janada.
Abii Maalik Alashcari Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka, Salaaduna waa nuur, Sadaqaduna Qofka xujo ayey u tahay, sabirkuna waa iftiin, Quraankuna xujo ayuu kuu noqdaa ama xujo ayuu kugu noqdaa dadka oo dhan way kalahaan, Qof walbana wuxuu samaynaayo ayuu Naftiisa ku iibsaday markaasaa dadku waxay noqonayaan mid Naftiisa xoreeya ama halaaga".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dahaarada muuqataa ay tahay weysada iyo qubayska waxayna shardi u tahay Salaada. Erayga Alxamdu lilaahi waxay buuxisaa miisaanka waana amaanta Ilaahay isagaa nusqaan ka hufane, iyo in lagu sifeeyo sifaadka kaamilka ah, Maalinta Qiyaame waa la miisaamin waxayna buuxin miisaanka camalka. Erayga subxaana Allaah iyo Alxamdu lillaah waa Ilaahay oo laga hufo wax kastoo naaqus ah, iyo in ilaahay lagu sifeeyo kaamilnimo oo dhan, taasoo u qalanta ilaahay waynankiisa, Isagoo la jecel yahay lana weyneynayo, taasi waxay buuxisaa inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka. Salaadu nuur ayey u tahay Adoonka Qalbigiisa, Wejigiisa, Qabrigiisa, iyo markuu Maxsharka imaanayo. Sadaqadu waxay Muminka u tahay xujo waxayna daliil u tahay Iimaankiisu run yahay kana duwan yahay munaafiqa aan rumaysnayn ajarka loo balan qaaday. Sabirku waa iftiin, waana Naftoo laga xabiso argagaxa iyo carada, waana nuur uu la socdo kulayal iyo gubasho sida iftiika Qoraxdoo kale, waayo sabirku waa dhib u baahan la dagaalanka Nafta iyo in loo diido waxay rabto, Qofka sabrayaa wuxuu ahaanayaa mid sabirka iftiinsada oo ku hanuuna oo si sax ah u toosnaada, sabirku waa in lagu sabro daadcada Ilahay, macsida oo laga sabro, musiibda oo lagu sabro iyo noocyada dhibaatooyinka Aduunka oo loo adkaysto. Qur'aanku akhriskiisa iyo ku camal falkiisa ayuu xujo kuugu noqon, hadii aad akhrin waydo ama ku camal fali waydona xujo ayuu kugu noqon. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in dadka oo dhan soconayaan oo faafiyaan oo hurdadooda ka toosayaan oo Guryahooda uga soo baxayaan shaqooyin kooda kala duwan. dadka waxaa ka mid ah Qof ku toosan daacada Ilaahay oo Naftiisa Naarta ka xoreynaya, waxaa kaloo ka mida mid xaqa ka leexaday oo macaasida ku dhacaya oo Naftiisa Naar ku halaagaya.
Mucaad Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan la fuushanaa Dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yiri: Mucaadoow, ma og tahay xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomadiisa iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa og, wuxuu yiri: xaqa Ilaahay Adoomada ku leeyahay waa inay caabudaan oo ayna cidna ugu Shariig yeelin, xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiina waa inuuna cadaabin Qofkii aan u shariig yeelin waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow ma ugu bishaareeyaa dadka wuxuu yiri: maya ha ugu bishaareyn, yey is dhigane
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomada, iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomada waa inay caabudaan kaligi oo aanay cidna la wadaajin cibaadadiisa. Xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waa inuusan cadaabin kuwa Muwaxidiinta ah ee aan cibaadadiisa cidna la wadaajin Mucaad ka dib wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow, ma ugu bishaareeyaa dadka si ay ugu farxaan oo ay ugu bishaaraystaan fadligaas? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Mucaad wuu u diiday isago ka baqaya in dadku isku haleeyaan warkaas.
Jaabir Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, maxay yihiin labad waajibiya wuxuu yiri: Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin.
Waxa wariyay MuslimNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin ayaa weydiiyey labada sifo ee midi waajibinayso galida Janada, midna waajibinayso galida Naarta? Nabigu nabad iyo naxariis Allah siiyee wuxuu ugu jawaabay: in sifada waajibinaysa galida janada ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay kaligi caabudaya oo aan u shariig yeelin. Sifada waajibinaysa galida naartana ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay u shariig yeelaya, oo u yeela Ilaahay wax la mida ama u dhigma xaga Ilaahnimadiisa, rabinimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.
Sufyaan Binu Cabdullaahi Asaqafi -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga sheeg Diinta Islaamka hadal aana waydiin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnow."
Waxaa wariyay Muslim iyo AxmedSaxaabigii Sufyaan Binu Cabdullaahi -Allaha ka raali ahaadee- ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu baro hadal soo koobaya macnaha Islaamka oo uu qabsado, cid kalana aanu waydiin? Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuxuu ku yiri: dheh: Ilaahay ayaa kaligi ah, waana rumeeyey inuu Rabigay yahay, Ilaahayna yahay oo isagu i abuuray, uuna yahay kan aan caabudo ee xaqa ah ee aan lahayn cid shirko la ah. ka dibna uu u hogaansamo adeecida Ilaahay isagoo gudanaaya wixii Ilaahay ku waajibiyey, kana tagaya wixii Ilaahay ka xarimay sidaasna joogteeya.
Cabdillaahi Binu Camar Binu caas-Allaha ka raali noqdo isaga iyo ِAabihiye ee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Nin Ummaddayda ka mida ayaa ilaahay ka soo dhex saarin khalqiga oo dhan maalinta qiyaame, waxaana loo furin sagaal iyo sagaashan diiwaan oo mid walba le'eg yahay halka aragu gaaro, ka dib wuxuu dhihin ma wax aad inkirsan tahay oo malaa'igtayda wax qora ee xafadada ahi kugu dulmiyeen ayaa jira wuxuu dhihin: Rabiyow maya, waxaa lagu dhihin: cudur daar aad ku badbaaddo mahelin, wuxuu dhihin: Rabiyow maya, wuxuu Alle ku dhihin: bale waxaan kuu haynaa xasano, Maanta lagu dulminmaayo, waxaa loo soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an llaa Ilaaha illallaahu wa Ashhadu ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluhu, wuxuu dhihin Ilaahay: keen miisaankaaga: ninkii wuxuu dhihin: Rabiyow muxuu ka tarin miisaanka kaarkani waxa ku qoran diiwaanadaan illahay ayaa ku dhihin: lagu dulminmaayo, wuxuu yidhi: kafad ayaa la saarin diiwanadii, kaarkiina kafada kale, waxaa bidaya diiwaanadii, kaarkiina culays ayuu noqonayaa, shayna magaca Ilaahay kama cuslaado.
waxaa wariyey tirmidi iyo ibn maajahNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in nin Ummaddiisa ka mida Ilaahey ka dooran doono khalqiga oo dhan Maalinta Qiyaamaha, waa loo yeerin si loo xisaabiyo, waxaa la soo hor dhigin sagaal iyo sagaashan diiwaan kuwaas lagu qoray camalkiisi xumaa ee uu ku sameeyey Aduunka, mid walbna dhererkiisu yahay inta araggu gaaro. Ilaahay casa wajala ninkaa wuxuu ku oran: waxa diiwaanadaas ku qoran miyaad wax ka diidan tahay? Miyey ku dulmiyeen malaa'igtayda xafadada ah ee wax qora? Ninkii wuxuu oran: maya Rabiyow. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: camalkii aad aduunka ku samaysay ma u helaysaa wax cudur daar ah oo laguugu garaabi karo in ficilku kaaga dhacay si sahwi ah ama si gaf ah ama aqoon dari. Ninkii wuxuu oran: maya Rabiyow, ma haysto wax cudur daar ah. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: bale, waxaan kuu haynaa xasano, maanta lagu dulminmaayo. wuxuu yiri: waxaa la soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an laa Ilaaha Ilaa Allaah, wa ashhadu ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluhu. Ilaahay wuxuu ku dhihin ninkii: imow miisaankaaga. Ninku wuxuu oran isagoo yaaban: Rabiyow!, kaarkani muxuu ka tarayaa miisaanka diiwaanadaan?! Ilaahay casa wajala wuxu ku oran ninkii: lagu dulminaayo. wuxuu yiri: waxaa kafad la saarin diiwaanadii kafada kalena waxaa la saarin kaarka, kafadii diiwaanada la saaray ayaa fudayd noqon, waxaana cuslaanaya kafadii kaarku saarnaa, markaasaa Ilaahay u danbi dhaafay.
Abuu Hureyra Allaha ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: Markuu Ilaahay Abuuray Janada iyo Naarta wuxuu u direy Janada Malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee, wuxuuna ku yiri: soo eeg Janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda, wuu soo eegay oo soo noqday wuxuuna yiri cisadaada ayaan ku dhaartee qofkii maqlaa wuu galin, Ilaahay wuxuu amray in lagu wareejiyo waxa naftu neceb tahay, wuxuuna ku yiri aad oo soo eeg Janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu soo eegay, wuxuuna arkay iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu neceb tahay, wuu soo noqday wuxuuna yiri: cisadaadaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa inaan qofna galin, Ilaahay wuxuu ku yiri aad Naarta oo soo eeg iyada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu aaday wuxuuna arkay iyadoo is kor saaran, wuu soo laabtay wuxuuna yiri: cisadaadaan ku dhaartee cidina gelimayso,Ilaahay wuxuu faray in lagu wareejiyo waxa naftu jeceshahay, wuxuuna yiri ku noqo oo soo eeg, wuuna ku laabtay oo soo eegay mise waaba iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu jeceshahay, wuuna soo laabtay oo yiri: cisadaadaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa in qofna ka bad baadi waayo.
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.iNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay markuu abuuray Janada iyo Naarta, uu ku yiri: Malakul Jibriil nabad gelyo Allah siiye: Janada aad oo soo eeg, wuuna aaday oo soo arkay kanasoo laabtay. Jibriil wuxuu yiri: Rabiyow, cisadaadaan ku dhaartaye Qofkii maqla Janada iyo waxa dhexyaal oo nicmo iyo karam iyo khayr ah wuxuu jeclaanayaa inuu galo oo iyada u shaqaysto. Ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey Janada wax yaabaha naftu neceb tahay iyo waxyaabo ay adag tahay in la sameeyo oo ah wax la is faray iyo wax la iska reebay, qofkii raba inuu Janada galo waa inuu ka gudbo wax yaabahaas naftu neceb tahay. ka dib Ilaahay casa wajala wuxuu yiri: Jibriilow Janada aad oo soo eeg, waa markii uu ku wareejiyey Janada waxa naftu neceb tahay ka dib. Jibriil wuu aaday Janada oo soo eegay, ka dib wuu yimid wuxuuna yiri: Rabiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka cabsan in qofna geliwaayo waxa ka sokeeya ee adayga iyo dhib ah darteed. Ilaahay markuu abuuray Naarta wuxuu yiri: Jibriilow: soco oo soo eeg Naarta, markaasuu aaday oo soo eegay Naarta. Jibriil wuxuu yiri: Rabiyow, cisadaadaan ku dhaartaye Qofkii maqla waxa dhex yaala Naarta ee cadaab, kurbo iyo dhibaato ah, wuu nacaya inuu galo wuuna isaga fogaanayaa asbaabta lagu galo Naarta. ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey naarta oo jidkeeda dhigay waxa naftu jeceshahay iyo macmacaan, ka dibna Ilaahay Jibriila wuxuu ku yiri: Jibriiloow, soco oo soo eeg-naarta. Jibriil wuu aaday naarta oo soo eegay, ka dib wuu ka yimid wuxuuna yiri: Rabiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka baqay inuu qofba ka bad-baadi waayo waxa lagu gadaamay ee macmacaana awgeed.
Cabullaahi Binu Camar Binu caas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa la wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: «Ilaahay wuxuu qoray maqaadiirta khalqiga inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka Kontan kun oo Sano ka hor wuxuu yiri: Carshigiisuna Biyaha ayuu ka sareeyey».
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahey ku qoray Looxul Maxfuudka wixii dhici doona ee khalqiga qadarkooda ah iyadoo faah-faah taaso inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka konton kun oo sano ka hor, waxayna u dhicidoontaa sida uu Ilaahay casa wajala ugu talo galay. Wax kasta oo dhaca waxay ku dhacaan Ilaahay qadarkiisa iyo qadihiisa. Wixii Adoonka ku dhaca ma ay gafeen, wixii aan ku dhicina kuma ay dheceen.
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Ninka iyo Shirkiga iyo Gaalnimada waxaa u dhexeeya Salaada oo uu ka tago".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in laga tago Salaada faralka ah, wuxuuna sheegay in ninku ku dhoco Sharki iyo Kufri ay ka xigto inuu Salaada ka tago, Salaadu waa tiirka labaad ee tiirarka Islaamka, maqaamkeeduna wuu ku weyn yahay Islaamka, Qofka iskaga taga isagoo inkirsan waajib ahaanteeda Muslimiintu way isku raacsan yihiin inuu Gaaloobay, Qofka uga taga Salaada wahsi iyo fudaydsi wuu Gaaloobay, inay Asaxaabtu sidaa isku raacday baana la soo wariyey, haduu waqtiyada qaarna tukanaayo qaarna iska daynaayo wuxuu khatar ugu jiraa goodigaas adag.