





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Burayda Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:e "Balanta u dhaxaysa inaga iyo iyaga waa Salaada, Qofkii ka tagaana wuu Gaaloobay".
waxaa wariyey tirmidi,nasaa.i,ibn maajah,AxmadNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in balanta iyo heshiiska u dhaxaysa Muslimiinta, Gaalada iyo Munaafiqiinta uu yahay Salaada, qofkii Salaada ka tagaana uu Gaaloobay.
Cumar Binu Khaddaab- Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Ilaahay casa wajala wuxuu idinka reebay inaad ku dhaarataan aabayaashiin", Cumar baa yiri: wallaahi kuma dhaaran tan iyo markii aan reebida ka maqlay Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ha ahaato si u la kac ah ama midaan qof kale ka soo wariyaye.
Xadiis la isku waafaqayNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay- in Ilaahay reebay in lagu dhaarto Aabayaasha, Qofkii doonaya inuu dhaarto yaanu ku dhaaran cidan Ilaahay ahayn oo yaanu ku dhaaraan Ilaahay qayrki. Ka dib Cumar Binu Khadaab ayaa sheegay inuusan ku dhaaran aabihii ilaa markii uu reebida ka maqley Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, si u la kaca ama mid aan qof kale oo ilaahay qayrki ku dhaartay ka soo wariyaye.
Cabdullaahi Binu Mascuud- Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Waxa ugu horeeya ee dadka loo kala xukumaayo Maalinta Qiyaamaha waa Dhiiga".
Xadiis la isku waafaqayNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay waxa ugu horeeya ee loo kala xukumayo dadka is dulmayey Maalinta Qiyaamaha waa: Dhiiga, sida dilka iyo dhaawacyada.
Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri, wuxuuna yiri: "labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray" wuxuuna soo qaatay laan Timireed qoyan wuuna u kala dilaaciyey labo qaybood, qabri walbana qaybuu ku talaalay, waxay dheheen-Asaxaabtii-: Rasuulka Ilaahayow maxaad sidaa u samaysaa? wuxuu yiri: "waxaa laga yaaba inay ka khafiifiyaan intaysan qalalin.
Xadiis la isku waafaqayNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri wuxuuna yiri: Labada Qof ee qabriyadan ku jira waa la cadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo aragtidiina, wax weyn bayna ka tahay xaga Ilaahay. Midkood wuxuu ahaa midaan danaynayn inuu ka ilaaliyo jirkiisa iyo dharkiisa Kaadida markuu xaajo gudanaayo. Kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray, isagoo ay ka tahay iska horkeenid, dhibaatayn iyo inay isku dhacaan dadku.
Xudeyfa -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Hadhihina: hadii Ilaahay ogolaado Hebelna ogolaado, laakiin waxaad dhahdaan: hadii Ilaahay ogolaado ka dibna Hebel ogolaado."
Waa wariyay Abuu Daa'uud, An-Nasaa'i oo Sunan Kubraa ah, iyo AxmedNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu qofka muslimka ahi dhoho: hadii Ilaahay ogolaado hebelna ogolaado." Ama hadii Ilaahay doono iyo Hebel, Waayo doonista Ilaahay iyo Iraadadiisu waa mid guud oo Isaga u gaara oo aan cidna la wadaagin. Adeegsiga xarafka waaw oo loo adeegsado isku xirka (iyo) wuxuu tusayaa oo loo fahmayaa in lala wadaagayo Ilaahay wuxuu xukumayo, iyo in cid lala simayo Ilaahay-isagaa nusqaan oo dhan ka hufane-. laakiin wuxuu oran: hadii Ilaahay ogolaado, ka dibna Hebel ogolaado, oo wuxuuna ka dhigayaa rabitaanka iyo doonista Adoonku inay ku xiran tahay doonitaanka Ilaahay isagoo oranaya: xarafka (suma), oo macnihiisu yahay (ka dib), wuxuuna ka leexanayaa oo iska ilaalinayaa xarafka (waaw), waayo xarafka (suma) wuxuu faa'iidaynayaa oo loo fahmayaa ka daba geyn, iyo ka danbayn.
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- uu yiri: "Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin, qofkase ugu yeera dadka Baadil wuxuu helayaa dambiga ay yeeshaan dadka ku raacay Baadilka, iyadoo aan danbigoodii waxba laga nusqaamin."
Waxa wariyay MuslimNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu cadeeyey- in qofka dadka ku haga, tusa, oo ku booriya wanaaga iyo kheyrka hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu helayo ajar la mida ajarka dadka kheyrka ku raaca uu helayo, iyadoon waxba laga dhimayn ajarkooda. Qofkase dadka ku haga ee tusa dariiqa Baadilka iyo Shar danbigi iyo gaf ku jiraan ama arin aan banaanayn, hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, wuxuu helayaa Dambiga ay yeelanayaan dadka Xumaanta ku raacay, iyagoo aan laga nusqaamin Dambiyadooda waxba.
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: "Baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki,-saddex jeer", qofkasta oo naga mid ah qalbigiisa wax baasaysiga ah baa ka dhacaaya laakiin Ilaahay wuxuu kaga dhaafaa tawakulka.
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay baasaysiga, waana qofku inuu sharaysto wax uun ama wax la maqlo ha ahaato ama wax la arko ee, sida Shimbiraha, Xayawaanka, dadka naafada ah, lambarada, Maalmaha, iyo wixii la mida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u soo qaatay Shimbiraha aad ayaa loo yaqaanay waqtigii jaahiliga, waana Shimbirta oo la duuliyo marka hawl la bilaabayo, sida safarka, ganacsiga iyo wixii la mida, haday u duusho xaga midig way bishaaraysan jireen, hawshoodana way ku dhaqaaqi jireen, hadayse u duusho xaga bidix way baasaysan jireen oo waxay rabeena way joojin jireen. Wuxuuna sheegay inay shirki tahay, laakiin sharaysigu wuxuu ahaa shirki, waayo kheyrka Ilaahay uun baa keeni kara, sharkana Ilaahay uun baa difaaca kaligi cid la wadaagtana ma jirto. Wuxuu sheegay Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- inuu qofka muslimka ah qalbigiisa ku dhicikaro wax sharaysi ka mid ahi, laakiin uu iskaga difaaco tawakulka Ilaahay la talo saaranayo, iyadoo la raacinayo in asbaabtii lala yimaado.
Cabdullaahi Binu Shakhiir-Allaha karaali ahaadee- wuxuu yiri: Waxaan u raacay wafdi reer bani Caamir ah Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxaan ku dhahanay: adaa sayid kayaga ah, wuxuu yiri -Rasuulku scw-: "sayidku waa Allaah", waxaan dhahnay: adaa noogu fadli badan, noogu deeqsisan, wuxuu yiri: "waar hadalkiina caadiga ah dhaha, oo yaanu shaydaanku idin duufsan."
Waxaa Wariyay Abuu Daa'uud iyo AxmedDad kooxa ayaa Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-u yimid, markay soo gaareen bay dheheen - iyaga oo Suubanaha ku amaanaya ereyo qaarkood oo uu dhibsaday-: waxayna dheheen: ..adaa sayidkayaga ah.., Nabigu scw wuxuu ku yiri: naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee: .. sayidku waa Allaah.. Isagaa sayid kaamila u ah khalqigiisa, iyaguna waa adoomadiisa. waxay dheheen: adaa ..noogu fadli badan.. nooguna sarreeya derejo, sharaf iyo martabad ahaanba. Adigaa noogu wayn, oo noogu deeqsisan oo noogu sareeya oo noogu sharaf badan. Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u sheegay- inay sidaa orane ay hadalkooda caadiga ah ay dhahaan, oo aysan isku kalifin ereyo, oo shaydaanku aanu ku riixin xad gudub iyo ku taxtaga keenaaya in lagu dhoco shirki xaaran ah iyo dariiqyada shirkiga.
Cabdullaahi Ibnu Cabaas -Allaha ka raali noqdee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu yiri: subaxdii jamratul-caqaba latuurayey, isagoo hashiisii saaran: "dhagax ii soo gur" waxaan u soo guray todoba dhagax oo yar-yar, oo kuwa far garanka ah, wuxuu bilaabay inuu gacantiisa ku ruxo oo dhaho: "kuwan oo kale uun tuura" ka dib wuxuu dhahay: "dadoow, waxaan idiinka digayaa inaad diinta ku xad gudubtaan, dadkii idinka horeeyeyba waxay ku halaagsameen diinta oo ay ku xad gudbeen."
Waxaa wariyay Ibnu Maajah, An-nasaa'i iyo AxmedCabdullahi Binu Cabbaas-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu sheegay inuu Nabiga scw la joogay maalintii xoolaha la qalayey ee ciida, ee lana tuurayey dhagaxa jamratul-caqaba, xajkii Al-wadaac ee ugu dambeeyey Suubanaha-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-. Nabigu wuxuu amray isaga inuu u soo qaado toddoba dhagax oo yar-yar, oo mirkiisu uu le.eg yahay Digirta wayn, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inta gacantiisa ku shubay ayuu yiri: Dhagxaan kuwaan oo kale le`eg uun tuura, Intaa ka dib wuxuu ka digay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-in lagu xad gudbo diinta oo la isku adkeeyo oo xadkeeda la dhaafo, waayo ummadihii hore waxaa halaagay ku xad gudubka diinta iyo iyadoo la isku adkeeyo.