





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Anas Binu Maalik Allaha ka raali noqdee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa kan dadka ugu akhlaaq fiican.
Xadiis la isku waafaqayRasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa dadka ugu akhlaaq badnaa, isagaana ugu horeeyey dadka dhamaan xaga Akhlaaqda wanaagsan oo dhan, sida hadal wanaaga, Gacan furnaanta, bashaash nimada, dhib la'aanta, u dul qaadashada dadka dhibkooda.
Sacad Binu Hishaam Binu Caamir-markuu u galay Caa'isha-Allaha ka raali ahaaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Hooyadii Mu'uminiintaay, ii sheeg akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee , waxay tiri: Qur'aanka miyaadan akhrin? waxaan iri: haa, waxay tiri: akhlaaqda Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa Qur'aanka.
muslim baa wariyey isagoo xadiis aad udheer ahWaxaa la waydiiyey Caa'isha-Allaha ka raali ahaade akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay ku jawaabtay hadal aad u guda wayn, waxayna u jeedisay Qofkii su'aasha waydiiyey Qur'aanka oo ah Kitaabka Sifooyinkiisa oo dhan kaamil yihiin, waxayna dhahday: wuxuu ahaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid ka akhlaaq dhigta Qur'aanka, oo ku dhaqma isaga, Qur'aanku wuxuu faro wuu fulin jirey, wuxuu ka reebana wuu ka fogaanayey, khuluqiisu wuxuu ahaa mid Qur'aanka ku camal fala, kuna ekaada xuduuddiisa, ka edeb qaata Quraanka, oo ku cibro qaata maahmaahyihiisa iyo qisooyinkiisa.
Caa.isha, Muminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Aniga iyo Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirnay anagoo janaabo qabna, wuxuu i fari jiray, inaan maro guntado, wuuna ila baashaali jiray anoo caado qaba, wuxuuna soo saari jiray madaxiisa isagoo masaajidka ku ictikaafaya, oo madaxa ayaan u dhaqi jiray anigo caado qaba.
Xadiis la isku waafaqayCaa.isha, Muminiinta Hooyadood-Allaha karaali ahaadee- waxay sheegtay arimo u qaara iyada markay Suubanaha la joogto-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxaana ka mida: inay hal weel Nabiga scw kula qubaysan jirtay, oo biyaha hal weel ka wada darsanayeen. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- marka uu damco inuu u tago iyada oo caado qabta wuxuu fari jiray inay guntato maro daboosha xudunteeda ilaa lawyaheeda, wuuna la baashaali jiray iyadoon galmo jirin. Nabigu scw isagoo masaajidku ictikaafaya ayuu madaxiisa caa`iasha u soo bixin jiray markaasay u dhaqai jirtay iyadoo caado qabta oo gurigeeda joogta.
Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiba wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw waxaa lagu soo dajiyey waxyiga isagoo afartan jir ah, wuxuu joogay Makkah sadex iyo toban sano, ka dib waxaa lafaray inuu ka hijroodo, wuxuuna u haajiray Madiina, wuxuu joogay Madiina toban sano, ka dibna Ilaahay ayaa oofsaday. scw.
Xadiis la isku waafaqayIbnu Cabbaas Allaha ka rali ahaado isaga iyo aabihiye wuxuu sheegay in waxyiga lagu soo dajiyey Nabigha scw oo la soo diray isagoo afartan jir ah, Makkana uu joogay saddex iyo toban sano waxyiga ka dib, ka dibna waxaa la amray inuu madiina u haajiro, iyadana wuxuu joogay toban sano, ka dibna uu geeriyooday scw isagoo da'adiisu tahay saddex iyo lixdan sano.
Abii Muslim Alkhawlaani waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaa ii waramay Xabiibkii Aaminka ahaa, isgu waa midaan jeclahay, oo isagu waa ka aamin xagayga, Cawf Binu Maalik Alashjaciye-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan la joognay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee anagoo sagaal ama sideed ama todoba ah, wuxuuna yiri: " miyeydaan la mubaayacoonayn Rasuulka Ilaahay?" waxaan ahayn kuwo ku cusub baycada, waxaan niri: waanu kula mubaayacoonay Rasuulka Ilaahayow, ka dib wuxuu yiri: "miyeydaan la mubaayacoonayn Rasuulka Ilaahay?" wuxuu yiri: gacmahayagaan fidinay, waxaana aan niri: waan kula mubaayacoonay Rasuul Ilaahayow, ee maxaan kugula mubaayacoonaa? wuxuu yiri: "inaad Ilaahay caabudaan, wax kalena aydaan la caabudin, iyo salaadaha shanta ah, oo aad adeecdaan-hadal yar buu hoos u dhigay-dadkana waxba ha waydiisanina" xaqiiqo ahaan waxaan arkay kuwaa qaarkood oo markuu jeedalku ka dhoco aan waydiisanayn qof u soo dhiiba.
Waxa wariyay MuslimNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- isagoo la jooga qaar asxaabtiisa ka mida ayuu waydiiyey sadex jeer inay la mubaayacoodaan oo balan kula galaan inay dhawr arimood ku dhaganaadaan. mida 1aad: inay Ilaahay kaligi ay caabudaan, iyagoo u hogaan samaya amaradiisa, kana fogaanaya wixii uu ka reebay, cid kalena cibaadadiisa aanay la wadaajin. mida 2aad: inay oogaan salaadaha shanta ah, ee Ilaahay faral yeelay maalinta iyo habeenka. mida 3aad: In la maqlo oo wanaaga lagu adeeco qofka loo dhiibo talada Muslimiinta. mida 4aad: baahidooda oo ay Ilaahay keligi u sheegtaan, oo aanay dadka waxba waydiisan, Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-codkiisa hoos ayuu u dhigay. wayna ku camal faleen asaxaabtu wixii ay Nabiga kula mubaayacoodeen, ilaa uu raawiga xadiisku yiri: waxaan arkay asaxaabtii uu Nabigu scw la mubaayacooday oo haduu midkood jeedalku ka dhoco aan cidna waydiisanayn inay u soo qaadaan, ee isagu soo dagayo oo qaadanayo jeedalkiisa.
Abii Waaqid Alleysi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Wuxuu Rasuulka ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markii uu u baxay Xuneyn inuu sii maray geed gaaladu lahaayeen oo la oran jirey daatu anwaad oo ay hubkooda suran jireen, markaasay waxay dheheen Rasuulkii Ilaahayow anagana noo samee geed daatu anwaad ah sida ay u samaysteen daatu anwaad, Nabigu scw wuxuu ku yiri: " Subxaana Allaah! waa sidii qoladii Muuse yiraahden { Ilaah noo same sida iyaguba ay u samaystee Ilaah} [ Alacraaf: 138] waxaan ku dhaartay Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtee waxaad qaadaysaan jidii kuwii idinka horeeyey".
Waxaa wariyay At-tirmidi iyo AxmedRasuulka Ilaahay ayaa u baxay xaga Xuneyn: waana tog u dhexeeya daa'if iyo makah, waxaana la socday asaxaabta qaarkood, oo diinta islaamka ku cusbaa waqtigaa, waxay siimareen geed la oran jiray: '' daatu Anwaad '' oo maceheedu ahaa geedkii meelaha wax la surto lahaa, kaasoo gaaladu ay weyneyn jireen oo ay hubkooda iyo wax kaleba suran jireen iyagoo barakaysanaya. Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxay waydiisteen inuu u sameeyo geed kaasoo kale ah oo ay hubkooda surtaan oo ay barakaystaan waxayna u maleeyeen in arinkaasi banaan yahay. Wuu ka subxaanallaystay Nabigu csw hadalka ka soo yeeray asaxaabta, isagoo aad u diiday hadalkaas Ilaahayna weyneynaya, wuxuuna u sheegay in hadalkaasi la mid yahay hadalkii qaladii Nabi Muuse loodiray ay ku dheheen muuse: {Noo samee Ilaah sida kuwaasba ay u samaysteen Ilaah }, markay arkeen kuwo sanamyo caabudaya, ayey dalbadeen in iyagana sanamyo loo sameeyo, sidaasina waa raacitaan la raacayo wadada Mushrikiinta. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu sheegay inay ummaddani raaci doonto wadadii Yuhuuda iyo Nasaaradu mareen oo ay samayn doonto ficilkoodii isagoo ka digaya arinkaas.
Cabdullaahi Binu Cabaas-Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye: Wuxuu yiri: nin ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo Nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna kala hadlay Arimo, wuxuuna yiri: waxa Ilaahay doono adiguna doonto, wuxuu yiri Nabigu-naxariis iyo Nabadi korkiisa ha ahaatee-: "ma Ilaahay ayaad ila sintay? waxaad dhahdaa: waxa Ilaahay doono."
waxaa wariyey ibn maajah,nisaa.i oo kawayn kuwariyeyNin ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna kala hadlay arin uu rabay, ka dibna wuxuu yiri: ''waxa Ilaahay doono adna aad doontid'', Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, wuu ku diiday wuxuuna u sheegay in doonista Ilaahay oo lagu xiriiriyo doonista makhluuqa oo loo dhaxaysiiyo xarafka waaw ay tahay shirkiga yar, oo aysan u banaanayn qof muslim ah inuu ku hadlo. Nabigu scw ka dib wuuu u sheegay hadalka xaqa ah kaasoo ah: ''maashaa Allaah waxdahu'', oo doonista Ilaahay waa kali yeelayaa oo doonis cid kalae lagu xiririn maayo nooc ay tahayba.
Caa'isha, Muminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Nabiga ayaa ii soo galay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- anigo sanduuqayga ku daboolay maro sawiro leh, Nabigu scw markuu arkay maradii wajigiisu waa isbedelay wuxuuna yiri: caa`ishoy Ilaahay xagiisa waxaa dadka ugu cadaab kulul maalinta qiyaame kuwa Ilaahay khalqigiisa wax u ekaysiiya, caa`isha waxay tiri: maradii waan kala jeexnay oo waxaan ka dhignay barkin ama laba barkimood.
Xadiis la isku waafaqayNabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa u soo galay Caa'isha, wuxuu arkay iyadoo sanduuq alaabta lagu rido ku dabooshay maro sawiro wax naflay ahi ku sawiran yihiin, markaasaa Nabiga scw wejigiisu isbedelay isagoo Ilaahay darti u carooday, wuuna ka tuuray maradii, wuxuuna yiri: Dadka ugu cadaabta daran maalinta qiyaamaha waa kuwa u ekeysiinaaya sawiradooda makhluuqaadka Ilaahay. Caa'isha waxay tiri: waxaan ka dhignay barkimo ama labo barkimood.
Sayd Binu Khaalid Aljuhani Ilaahay ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nagu tujiyey Salaadii Subaxa Xudeybiya iyado Rabeenkaas roob da'ay markuu Salaadii ka baxay ayuu dadka ku soo jeestey, wuxuuna yiri: "ma og tihiin wuxuu Rabigiin yiri, waxay dheheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yiri: Adoomadayda waxaa waagu u baryey iyago midna i rumeeyey midna kufriyey, Qofkii yiraahda:Ilaahay fadligiisa iyo raxmadiisa ayaa roobku noogu da'ay, waa mid I rumeeyey kuna kufriyey xidiga, Qofkase yiraahda xidig hebel iyo hebel, kaasi wuu igu kufriyey wuxuuna rumeeyey xidiga".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaada Subax ayuu ku tukaday xudeybiya -waa tuulo u dhow Makkah- Roob Habeenimadii da`ay ka dib. Markuu salaama naqsaday Salaadiina ka baxay ayuu wajigiisa u soo jeediyey xaga dadka, wuxuuna yiri: ma og tihiin waxa Rabigiin casa wajala yiri? Waxay ku jawaabeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. Wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu cadeeyey in dadku labo qaybood noqonayaan marka Roobku da'aayo: qayb Ilaahey rumaysan, iyo qayb Ilaahay ku kufrida. Qofka dhaha: fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa ayaa Roobku noogu da'ay, oo Roobka di'idiisa Ilaahay kor ahaaye u tiiriya, kaasi waa Mumin rumeeyey Ilaaha khaaliqa ah ee kownka maamula, kuna kufriyey xidiga. Qofka yiraahda: xidig hebel iyo hebel buu Roobku noogu da'ay, kaasi Ilaahay ayuu ku kurfiyey, wuxuuna rumeeyey xidiga, taasina waa gaalnimo yar, waayo wuxuu u tiiriyey di'ida roobka xidiga, taasna Ilaahay uma yeelin sabab sharci ah iyo mid qadar ah toona. Qofkiise Roobka di`idiisa iyo dhacdooyinka kale ee dhulka ka dhaca u tiiriya dhaq-dhaqaaqa xiddigaha iyo soo bixitaankooda iyo dhicitaankooda, isagoo rumaysan in xidiguhu yihiin kuwa xaqiiqo ahaan ficilka wada, taasi waa kufrigii kufrinimada u weynaa.