





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Hureyra raali Allaha ka ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Dad Asxaabtii Nabiga ka mida ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna waydiiyeen: waxaan Naftayada ku arkaynaa wax inaan sheegno ay aad noola wayn tahay, wuxuu ku yiri: ma sidaas baad isku aragteen? waxay dheheen: haa, wuxu yiri: kaasi waa iimaan cad.
Waxa wariyay MuslimWaxaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid qaar Asaxaabtiisa ka mida, waxay waydiiyeen waxay naftooda ku arkeen oo arimo waa weyn ah taasoo aysan ku hadli karin xumideeda iyo iyagoo ka didaya awgeed. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: waxaad isku aragteen waa iimaan cad iyo yaqiinta oo idinku riixaysa inaad diidaan waxa shaydaanku qalbiga ku tuurayo, iyo inaad diiddan ku hadalkeeda taaso naftiina ku wayn, oo shaydaanku uusan qalbigiina hanan, taas waxaa ka duwan qofka shaydaanku qalbigaiisa hantay kaaso aan helin qaab uu isaga difaaco.
Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiise waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid, wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahayow Naftayada waxaa ku soo dhacaya wax shaki ah oo inaan ku hadalo aan ka jecel nahay in nala gubo wuxuu yiri Rasuulku Allaahu Akbar Allaahu Akbar, Allaha dhagarta shaydaanka ku koobay waswaas ayaa mahad leh.
waxaa wariyey Abuu daawuud,nasaa.i oo kawayn kuwariyeyNin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahayow, qof walba oo naga mida naftiisa waxaa ku soo dhaca arin, in lagu hadlo ay wayn tahay, ilaa xad ku hadalkiisa aan ka jecel nahay inaan danbas noqono. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu takbiirsaday laba jeer wuxuuna Ilaahay kaga xamdi naqay in dhagarta shaydaanka Ilaahay ku koobay waswaas kaliya.
Abii Hureyra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa?, haduu halkaa soo gaaro Ilaahay ha ka magan galo hana ka joogsado.
Xadiis la isku waafaqayRasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay daawada ugu fiican ee su`aalaha uu ku waswaasiyo sheydaanku Muuminka. Sheydaanku wuxuu oran: yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? yaa abuuray Samada? yaa abuuray Dhulka? Muuminku wuxuu ugu jawaabayaa Diin ahaan, Fidro ahaan iyo Caqli ahaan isagoo dhahaya: Allaah. laakiin Sheydaanku ku joogsanmaayo xadkaas waswaasinta ah balse wuxuu u gudbayaa inuu dhoho: yaa abuuray Rabigaa? Markaas Muuminku wuxuu waswaaskaas isaga joojin karaa seddex arimood: Ilaahay oo uu rumeeyo. Iyo inuu Ilaahay Shaydaanka ka magan galo. Iyo inuu ka joogsado inuu waswaaska sii wado.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Ilaahay kama Dulmiyo muuminka Xasano Aduunka wuu ku siiyaa Aakhirona wuu ku abaal mariyaa, Gaalkase xasanaadkii uu Aduunka Ilaahay darti ugu sameeyey ayaa lagu quudin intuu joogo Aduunka, markuu Aakhiro yimaadna mahelaayo Xasano lagu abaal mariyo.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey waynida fadliga Ilaahay siiyey muuminka, iyo cadaalada uu u sameeyey Gaalada. Muuminka laga nusqaamiyo ajar Xasano uu sameeyey, balse Aduunka waxaa lagu siin ajarka daacadiisa, iyado Ilaahay u kaydinaayo ajarka lagu abaal marindoon aakhiro, waxaana dhici karta in aakhiro loogu keydiyo ajarka oo dhan . Gaalkase Ilaahay wuxuu Aduunka ku siinayaa ajarka Xasanaadkii uu Aduunka ku sameeyey, markuu Aakhiro yimaadana ma helaayo ajar lagu abaal mariyo, waayo Camalka wanaagsan ee Qofka anfacaya labada daarood waa inuu Qofku Muumin yahay.
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- isago dhahaya: "Ilaahay ayaa dhulka qabanaaya, samooyinkana midigtiisuu ku laa-laabayaa, ka dibna wuxuu dhahayaa: Anaa boqora ee aaway boqorradii dhulku."
Xadiis la isku waafaqayNabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay Maalinta Qiyaamah dhulka qaban doono iskuna ururin doono, samadana Midigtiisa ayuu ku laa-laabi doono, Samo walbana tan kale ayuu ku laabi doono, oo wuu baabi'in doono, wuxuuna dhihidoonaa: Anaa Boqora ee aawey Boqoradii Dhulku?!
Qataada Allaha u naxariiste waxaa laga wariyey inuu yiri: Anas Binu Maalik Allaha ka raalli ahaade wuxuu noosheegay in Nin yiri: Nabiga Ilaahayow, sidee Gaalka loo keenin Maxsharka isagoo wajigiisa ku socda? wuxu yiri: ( miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey lugaha aduunka mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaame?) Qataada wuxuu yiri: haa, Cisada Rabigay ayaan ku dhaartaye.
Xadiis la isku waafaqayNabiga scw waxaa la waydiiyey: sida Gaalka loo keenin maxsharka maalinta qiyaamaha isagoo wejiga ku socda?! wuxuu yiri Nabigu scw miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey labo lugood aduunka mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaamaha?! Ilaahay wax walba waa awoodaa.
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: "Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan Maalmood iyo afartan Habeen, ka dib wuxuu noqon Xinjir intaas in le'eg, ka dib wuxuu noqon cad hiliba intaas in le`eg, markaas ayaa loo soo diraa Malag, waxaana la faraa afar kalmadood, wuxuu qoraa: Risiqiisa, Cimrigiisa, Camalkiisa iyo inuu yahay mid liibaanay ama hoogay, ka dib naftuu ku afuufaa, midkiin wuxuu camal fali camalka Ahlu Janaha ilaa marka uu u jiro Janada dhudhun wax le'eg ayaa qadarkii u qornaa soo hormarin wuxuuna camal falin camalka Ahlu Naarka markaasuu Naarta gelin, midkiin ayaa camal falin camalka Ahlu Naarka ilaa uu u jirsado Naarta dhudhun wax le'eg waxaa soo hormarin qadarkii u qornaa wuxuuna camal falin camalka Ahlu Janaha markaasuu Janada gelayaa".
Xadiis la isku waafaqayWuxuu yiri Ibnu Mascuud: wuxuu noo sheegay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isago runlow ah oo la rumaysto, isagoo Ilaahay rumaystay. wuxuu yiri: midkiin waa la jamciyaa abuuritaankiisa, taasina waa hadii ninku xaaskiisa u galmoodo manidiisu waa baahsan tahay waxaa lagu aruurin uurka Gabadha mudo afartan beri ah isagoo candhuuf u eg. Ka dib wuxuu noqon Xinjir taaso ah dhiig adag, waana afartanka labaad. Ka dib wuxuu noqon cad hiliba waana cad yar oo la calalin karo, waana afartanka seddexaad, Ka dib Ilaahay wuxuu u soo diraa Malag, naftuuna ku afuufaa afartanka seddexaad markay dhamaato, Waxaa la faraa Malaga inuu qoro afar kalimadood oo ah: Risiqiisa, oo ah inta ay dhan tahay nicmada uu helaayo inta uu nool yahay, Ajashiisa, waana intuu aduunka joogi doono, Iyo Camalkiiisa, muxuu noqon, ma mid hoogay baa mise mid liibaanay. ka dib wuxuu Nabigu ku dhaartay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- qofku inuu camalka Ahlu Janaha camal falin, kaasoo ah camal saalixa, sida dadka u muuqata, sidaas ayuu ahaanayaa ilaa markay Janadu u jiro dhudhun, waxaa yacni markay Janada uga dhiman tahay inta qofka dhulka maraya ay uga dhiman tahay wax dhudhun le`eg waxaa ka qaalib noqda qadarkii u qornaa wuxuuna camal falin camalka Ahlu Naarka oo loogu khatimin Naartuuna gelin, waayo Shardiga lagu aqbalayo camalkiisa waa inuu Qofku ku sugnaado camalkiisa saalixa ah oo uusan xumaana ku badalin, mid kale oo dadka ka mida ayaa camal falin camalka Ahlu Naarka ilaa uu ku dhawaado inuu galo, waa sida isago Naarta u jirsaday wax le'eg dhudhun dhulka ah, waxaa ka kormarin qadarkii Ilaahay u qoray wuxuuna camal falin camalka Ahlu Janaha wuuna gelin Janada.
Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u yimid oo ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, shaydaan ayaa Salaadii iyo akhrintii iga dhex galay oo iga qasay, Rasuulku wuxuu ku yiri: "kaasi waa Shaydaan la dhoho: Khinsab, markaad dareento ka cuwdu billayso, xaga bidixna seddex jeer candhuuf u tuf", wuxuu yiri: sidaasaan sameeyey Ilaahay ayaana iga kaxeeyey.
Waxa wariyay MuslimCusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahyow, Shaydaan ayaa salaadayda iga dhex galay, wuxuuna ii diiday inaan ku khushuuco, akhriskaygana wuu iga khal-khaliyey, shakina wuu iga galiyey. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: kaasi waa Shaydaan la dhoho: khinsab, haduu kuu yimaado eed dareentid Ilaahay ka hoos gal, oo ka cuwdu bilayso, xaga bidixdaadna seddex jeer candhuuf yar u tuf, Cusmaan ayaa yiri: waxaan sameeyey sidaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii sheegay, Ilaahayna wuu iga kexeeyey.
Abii Barsata Alaslami Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Maalinta Qiyaame Qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo Cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, Maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo Jirkiisii wuxuu ku dhameeyey".
Waxaa wariyay At-tirmidiNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofna uusan dhaafayn meesha la isku xisaabinaayo Maalinta Qiyaame oo uusan aadayn Jano ama Naar ilaa la weydiiyo arimo: Mida 1aad: noloshiisii wuxuu ku dhameeyey? Mida 2aad: cilmigii uu bartay dar Ilaahay ma ka ahaa? mase ku camal falay? oo ma gaarsiiyey cilmiga cidii xaqa u lahayd? Mida 3aad: maalkiisii halka ayuu ka keeney, ma xalaal mise xaaraan buu ku soo galay?, muxuuse ku bixiyey, ma wax Ilaahay raalli geliya mise wax ka caraysiiya. Mida 4aad: jirkiisii, Xooggiisii, Caafimaadkiisii, Dhallin yaranimadiisii wuxuu ku dhameeyey oo u adeegsaday?