





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Anas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan idiin sheegin Xadiis aan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Xadiis kaas Qof aan aniga ahayn idiin sheegi maayo: waxaan ka maqlay Rasuulka isagoo dhahaya: Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso.
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in calaamadaha Qiyaamaha dhawaadkeeda ay ka mida tahay in la qaado Cilmiga Shareecada, waayo Culumadaa dhamaanaysa. Taas waxaa ka imaanaaya in Jahligu faafo siina badato Sinada iyo Faaxishadu, khamri cabiduna badato, tirada Ragguna yaraato, tirada Dumarkuna badato, ilaa kontonkii Dumar ahba uu ku soo aado hal nin, kaasoo danahooda iyo maslaxadooda ka shaqaynaya.
Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey Nabiga- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro.
Xadiis la isku waafaqayNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka sheegay in saacada qiyaame aysan dhacayn, ilaa uu ninku soo maro qabri oo uu jeclaado inuu isagu noqdo midka qabriga ku jira, sababtuna waa cabsida uu ka qabo inuu diintiisa seego, oo baadilka iyo dadkiisu ka tan badiyaan, waayo waxaa muuqday oo xoog leh fitanta, macaasida iyo munkarka.
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Qiyaamuhu dhicimaayo ilaa aad Yahuuda la dirirtaan oo uu yiraahdo Dhagaxa Yahuudigu ka danbeeyaa: Muslimow Yahuudi ayaa iga danbeeya ee dil".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qiyaamuhu uusan dhacayn ilaa ay diriraan Mslimiinta iyo Yahuudu. Ilaa yuhuudigu ku cararo dhagaxa gadaashiisa si uu muslimiinta uga dhuunto, Ilaahay wuxuu ka hadlin dhagaxii wuxuuna u dhawaaqin muslimka wuxuuna u sheegin in yuhuudiga ka danbeeya uu dilo.
Abii hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa yiri: "Saacada qiyaame dhicimayso ilaa waqtigu isku soo dhawaado, oo sanadku bil le'ekaado, bishuna jimce le`ekaato, jimcaduna maalin le'ekaato, maalintu saacad le'ekaato, saacaduna inta laan timireed gubanayso le'ekaato."
Waxa wariyay AxmedNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inay calaamadaha saacada qiyaamaha ka mid tahay waqtiga oo isku soo dhawaada. Sanadka ku dhaafin inta Bishu kugu dhaafto oo kale. Bishuna ku dhaafto inta Usbuucu kugu dhaafo oo kale, jumcaduna ku dhaafin inta maalintu ku dhaafto kale, maalintuna ku dhaafin inta saacadu ku dhaafto, Saacaduna waxay kuu dhaafin si deg-dega, oo lamida inta laan timireed ay ku guban karto oo kale.
Cabdullahi Binu Camar Allaha ka rali ahaado isagiyo ِAabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Xawdkaygu wuxuu le`eg yahay intii Bil socodkeeda, biyihiisu way ka cad yihiin caanaha, caraftiisuna way ka udug badan tahay Miskiga, weelashiisuna waa sida xidigaha samada, Qofka ku caba waligi ma haraadayo.
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Maalinta Qiyaame leeyahay Xawd, dhererkiisu dhan yahay in loo socdo Bil, balaciisuna intaasoo kale. Biyihiisuna ka cadaan badan yihiin Canaha. Caraftiisuna ka udgoon kana caraf badan Carafta Miskiga. Weelashiisuna waa sida Xidigaha Cirka oo kale badnaantooda. Qofka kaga caba weelashaas Xowdka waligii ma haraadayo.
Asma Bintu Abii bakar Allaha ka raali ahaado iyada iyo Aabeheede waxaa laga wariyey inay tiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo Ummadayda ka mid yihiin, waxaa la igu oran: ma og tahay waxay sameeyeen gadaashaa, walaahi kama ay raagin inay dib ugu noqdeen gadaashooda oo Diintii ka tageen.
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Maalinta Qiyaamaha uu joogidoono Xawdkiisa isagoo eegaya cida Ummaddiisa ah ee ku soo arooraysa Xawdka. Dad ayaa laga kaxaysan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee agtiisa wuxuuna orandoonaa Nabigu: Rabiyow, anigay iga mid yihiin oo Ummaddayday ka mid yihiin. Waxaa lagu dhihin: ma og tahay waxay sameeyeen markaad ka tagtay, walaahi kama ay suulin inay dib ugu laabteen gadaashooda oo ay ka noqdaan Diintoodii, kaa mid maaha, Ummaddaadana ka mid maaha.
Abii Dar Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, waa maxay weelasha xawdku ? wuxuu yiri: ( waxaan ku dhaartay kan nafta Maxamad gacantiisa ku jirtee, weelashiisu way ka badan yihiin xidigaha cirka iyo meerayaasha, hooy habeenka mugdiga ah ee cirka wax ku daboolani aysan jirin, weelasha janada qofka ku caba waligii ma haraadayo, waana haraadkii ugu dambeeyey, waxaa ku guuxa oo ku soo hoobta biyaha xowdka soo maraan laba majaroor oo janada ka soo shubmaan, qofka ka caba ma haraado, balaciisu waa inta dhererkiisu le'eg yahay, oo ah masaafada u dhaxaysa Camaan iyo Ayla biyihiisu ka cadaan badan caanaha, kana macaan badan malabka.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dhaartay inay weelasha xawdkiisu maalinta qiyaamaha ka tiro badan yihiin xidigaha iyo meerayaasha samada. Arinkaasina wuxuu muuqanayaa habeenka gudcurka ee dayax uusan jirin; waayo habeenka dayaxu jiro xidiguhu aad uma muuqanayaan iyadoo iftiinka dayaxu qarinayo, waa habeenka aanay daruuro jirin, waayo daruuruhu waxay qarinayaan aragtida xidigaha. Weelasha janada, qofka ku caba cabitaanka ku jira ma haraadayo waligi, wuxuuna ahaanayaa haraadkaa uu u cabay haraadkii ugu dambeeyey ee uu haraado. Xawdka Nabiga waxaa ku soo shubmaya labo majaroor oo janada ka imaanaya, xawdkaas balaciisa iyo dhererkiisu waa isku mid. Xowdka way is le'eg yihiin cirifyadiisu, dhererkiisa iyo balaadhkiisu waa inta u dhexeysa Camaan oo ah tuulo ku taal Balqa'a kana tursan Shaam, ilaa Ayla oo ah magaalo caan ah oo ku taalo Shaam geesteeda. Biyaha xowdku way ka cad yihiin caanaha, wayna ka macaan yihiin dhadhanka malabka.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ah, waxaa lagu yiri Rasuulka Ilaahayow, dabkaan ayaa ku filan. wuxuu yiri: waxay ka sii badan tahay sagaal iyo lixdan qaybood oo dhamaantood kulaylkeeda oo kale wada leh.
Xadiis la isku waafaqayNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay dabka aan shidano inuu yahay qayb ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ka mid ah. Naarta Aakhiro kulaylkeedu wuxuu ka badan yahay dabka Aduunka sagaal iyo lixdan jeer, oo qayb kastana u dhiganto kulaylka dabka Aduunka. Waxaa lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow, Naarta Aduunka ayaa ugu filan cadaab cidii gelaysa. Wuxuu yiri: Naarta Jahanama waa laga siyaadiyey kulaylka dabka Aduunka sagaal iyo lixdan jeer oo dhamaantood kulaykoodu iyadoo kale yahay.
Siyaad Binu Labiid Allaha ka rali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo, waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, sidee buu cilmigu u tagayaa, anagoo akhriyeyna Qur'aanka ubadkayagana aan barayno, ubadkayaguna ubadkooda sii barayaan ilaa qiyaamaha?, wuxuu yiri-Rasuulku-:(hooyadaa ku wayday siyaad, waxaan kuu malaynaayey ninka ugu fiqiga badan Madiina, kuwani miyaanay ahayn Yahuud iyo Nasaaro oo Tawraat iyo Injiil akhriyaya, hadana aanay ku camal falayn waxa ku qoran.
Waxaa wariyay Ibnu MaajahNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhex fadhiyey asxaabtiisa, wuxuuna yiri waqtigaasi waa waqtiga dadka laga siibayo cilmiga, Siyaad Binu Labiid Alansaari Allaha ka raali ahaade wuu la yaabay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuuna waydiiyey, Wuxuuna yiri: sidee baa cilmiga loo waayin oo nooga lumin?! anagoo akhrinayna oo xifdinay, walaahi waanu akhriyeynaa, waana baraynaa haweenkayaga iyo caruurtayada, iyo caruurta caruurtayada, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: isago la yaaban Siyaad hooyadaa ku wayday waxaan kuu haystay inaad ku jirto culimada reer Madiina! Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u cadeeyey Siyaad in cilmiga waayidiisu uusan ahayn Qur'aanka oo la waayo, laakiin ay tahay ku camal falkiisa oo la waayo, Waa kuwaas Tawraat iyo Injiil oo ay haystaan Yahuud iyo Nasaaro, hadana wax kuma tarin kamana ay faa'iidaysan ujeedadii labadaa kitaab laga lahaa,! kaasoo ahaa inay ku camal falaan waxay ka barteen.