





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Cabdullaahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Hadii aad maqashaan Mu'adinka dhaha wuxuu dhahayo, anigana igu saliya, waayo Qofka igu saliya hal mar Ilaahay ayaa toban jeer ku saliya, ka dibna ii weydiiya Ilaahay wasiila, wasiiladu waa darajo Janada ku taal, oo aan ku haboonayn Adoon ka mida Adoomada Ilaahay mooyaane, waxaanan rajaynayaa inaan noqdo Adoonkaas, Qofka ii waydiiya wasiila waxaa gaaraya Shafaacadayda".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Ummaddiisa ku booriyey i Qofka maqla Mu'adinka Salaada u adimaya inuu ka daba dhoho wuxuu leeyahay Mu'adinku, marka laga reebo xay calataynka, labadaa wuxuu ka daba dhahayaa: laa xawla walaa quwata ilaa Billaah, ka dib Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayuu ku saliyayaa marka Aadaanku dhamaado, Qofka hal mar ku saliya sababteeda Ilaahay wuxuu ugu saliyaa toban Salaadood, Salaada Ilaahay ku saliyaayo Adoonkiisa macnaheedu waa in Ilaahay Adoonka ku amaanayo malaa`igta agteeda. Ka dib wuxuu faray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in Ilaahay loo weydiiyo ''wasiila'', waana darajo Janada ka mida, waana tan ugu saraysa, waana darajo aan ku haboonayn una qalmin hal Adoon oo Adoomada Ilaahay ka mida mooyee, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inaan noqdo Adoonkaa, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sidaa u yiri waa tawaaduc, waayo hadii darajadaas sare hal Qof mudan yahay, Qofkaasi isaga maahee cid kale ma noqonaayo, waayo isagaa ugu fadli badan khalqiga. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay Nabiga uga barya ''wasiilo'' inuu halayo shafaacada Nabiga scw.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri "Mu'uminka xoogga weyn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xaga Ilaahay Mu'uminka Daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay, ku dadaal waxa ku anfacaya, Ilaahayna kaasho, hana caajisin, haddii wax kugu dhacana ha dhihin haddaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa, waxaadse tiraahdaa: Ilaahay wuxuu doonuu qadaraa wuxuu doonana wuu falaa, Ereyga "LOW" camalka Shaydaanka ayuu furaa".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka Mu'uminku sidiisaba khayr badan yahay, hase ahaatee Mu'uminka xooga weyn xaga Iimaanka, go'aan qaadashada, maalka iyo waxa la midka ah ee wanaaga ah ayaa ka khayr badan Ilaahayna ka jecel yahay Mu'uminka Daciifka ka ah. Intaa ka dib wuxuu u dar-daarmay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Mu'uminka inuu qaato sababaha wax yaabaha anfacaya Aduun iyo Aakhiraba, isagoo Ilaahay tala saaranaya. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka reebay dadka Caajiska, Wahsiga iyo inuu ka Cuslaysto ficilka isaga anfacaya Ifka iyo Aakhiroba. Markuu Mu'uminku ku dadaalo camalka, sababihiisana qaato, isagoo Ilaahay kaashanaya, kheyrna ka dalbaya, Qofkaa waxaa la gudboon inuu arinkiisa Ilaahay u ban dhigo, wuxuu Ilaahay u doorana kheyr u yahay, Haddii intaa ka dib musiibo ku dhacado yaanu dhihin: "Haddaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa", ''waayo Ereyga "Low - haddan" camalka Shaydaanka ayey furtaa'' waana qadarkii oo la diidayo iyo ka qoomamayn wax tegay, laakiin waa inuu dhoho isagoo Ilaahay isku dhiibaya, kuna raali ah Qaddarkiisa'' Ilaahay ayaa qadaray wuxuu doonana ayuu falaa'', waxa dhacay waa wax Ilaahay horay u xukumay rabitaankiisana ku dhacay, Ilaahay isagaa wuxuu doono sameeya, Qaddarkiisana cidi isma hor taagi karto, loogamana dambeyn karo xugun kiisa.
Daawuus waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan soo gaaray dad ka mida Asxaabtii Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo oranaya wax waliba waa qadar, wuxuu yiri: waxaan maqlay Cabdullaahi Binu Cumar oo oranaya: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida ama firfircoonida iyo wahsiga".
Waxa wariyay MuslimNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax kastaa inay qadar ku dhacaan. xataa wahsiga: kaaso ah in qofku ka tago wixii waajibka ku ahaa inuu falo, ama uu ka caajiso, oo dib uga dhigo waqtiguu qaban lahaa waajibkaa ku saabsan arimaha aduunka ama aakhirada. Xataa firfricoonida oo ah inuu qofku fiiro gaara u leeyahay arimaha aduunka iyo aakhiro. Ilaahay casa wajala isagaa qadaray wahsiga iyo firfircoonida iyo wax walba, wax kasta oo dunida ka dhaca waa shay ilaahay horay u ogaa oo uu horay u doonay.
Madar Binu Cukaamis Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Ilaahay markuu ku xugmiyo adoon inuu ku dhinto dhul, dhulkaas ayaa Ilaahay dan ka geliyaa.
Waxaa wariyay At-tirmidiNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: in Ilaahay haduu ku xugmiyo oo ku qadaro adoon inuu ku dhinto dhul uusan markaa joogin, Ilaahay wuxuu ka geliyaa dhulkaa dan uu ku tago, markuu tagana nafta looga qaada.
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Adeerki: " dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, aan kuu marag furo Maalinta Qiyaamee", wuxuu yir: Adeerki hadayna qurayshi igu ceebayn lahayn oo aysan oranayn: waxaa ka keenay cabsi waan oron laha oo kaaga farxin lahaa, Ilaahay ayaa soo dajiyey: {Adigu ma hanuunin kartid qofkaad jeceshahay, laakiin Ilaahay ayaa hanuuniya Qofkuu doono}: [Alqasas: 56].
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka codsaday adeerki Abii Daalib isagoo sakaraadkii geerida ku jira, inuu ku dhawaaqo shahaadada, si uu ugu shafeeco Maalinta Qiyaamaha, oo uga markhaati koco inuu Islaamay, wuu diiday inuu ku dhawaaqo Shahaadada, isago ka baqaya in Qurayshi ku caydo, oo ku tiraahdo wuxuu u Islaamay ka baqid dhimasho iyo taagdaro! wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: hadayna taasi jirin qalbigaaga waa uga farxin lahaa Shahaadada, waxaanan ku tusi lahaa waxaad jeceshahay ilaa aad raali noqoto!, Ilaahaybaa soo dajiyey Aayada sheegaysa in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uusan lahayn hidaayada towfiiqda Islaamka, balse Ilaahay casa wajala kaligi ayaa waafajiya cidii uu doono. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ummadda wuxuu ku hanuuniyaa hidaayada dalaalada, Cadynta, hanuuninta iyo inuu jidka toosan dadka ugu yeero.
Cabdullaahi Binu Cumar -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaa yiri: "waxaa la i faray inaan dadka la dagaalamo ilaa ay qirayaan in Ilaahay maahee Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soo diray yahay, salaadana oogaan, sakadana bixiyaan, intaa markay sameeyaan waxay iga ilaaliyeen dhiigooda iyo maalkooda, xaqa Islaamku saaray maahee, xisaabtooda aakhirana Ilaahay ayey u taalaa."
Xadiis la isku waafaqayNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray inuu la dagaalamo mushrikiinta ilaa ay qiraan inuusan jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Allah wayn ee waaxid ka ah ahayn, wax lala wadaajiyaana aanu jirin, Nabi Maxamadna uga markhaati kacaan in Rasuul Ilaahay u soo dhiibay risaalada diinta, shahaadadaasi waxay keenaysona ku camal falaan sida ilaalinta salaadaha shanta ah ee habeenka iyo maalinta la gudanaayo, iyo inay bixiyaan sakada waajibka ah, iyadoo la siinayo kuwa xaqa u leh. Haday sameeyaan arimahaa kor ku xusan diinta Islaamku way ilaalinaysaa dhiigooda iyo maalkooda, mana banaana dilkoodu inay fal dambiyeed ama jariimo ay dil mutaystaan ku dhacaan maahee iyadoo lagu xukumaayo shareecada Islaamka, maalinta qiyaamahana Ilaahay ayaa iska leh xisaabtooda, isagaa og sirtooda iyo waxa u qarsoone.
Nucmaan Binu Bashiir-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu yiri: "Mu'uminiinta ee isjacaylkooda, isku naxariisashadoodu iyo isu dhimrintoodu, waxay la mid tahay sida jirka oo kale, oo hadii xubin xanuunsato jirka kale oo dhan uu la qabayaa soo jeedka iyo xanuunka."
Xadiis la isku waafaqayNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in muslimiinta xaalka dhexdooda ahi yahay kuwo jecel khayrka, naxariista, is caawinta iyo isu gargaarida, oo wixii dhib soo gaara uu u wada saameeyo sida jir qura, oo hadii xubin ka xanuunsato xubnaha kale ee jirku la qabayaan xanuunka iyo soo jeedkaba.
Caa'isha raali Allaha ka noqdee waxaa laga wariyey inay tiri: Waxaan iri: Rasuulkii Ilaahayow Ibnu Judcaan waqtigii jaahiliga qaraabadiisa wuu xiriirin jiray, miskiinkana wuu quudin jiray, arinkaasi ma anfacayaa? wuxuu yiri: ma anfacayo, isagu maalina muu oran: Rabiyow iga dhaaf dambigayga maalinta qiyaame.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Cabdillaahi Binu Judcaan, oo ahaa Islaamka ka hor madaxdii qurayshta Ficiladiisii wanaagsanaa waxaa ka mid ahaa: xiriirintii qaraabadiisa, quudinta masaakiinta iyo wax yaabo kale oo islaamku ku booriyey dadka, wanaagaa uu qaban jiray ninkaa Aakhiradiisa waxba u tarimayso, sababtuna waa inuu Ilaahay ku kufriyey, oo uusan maalina oran Rabiyow ii dhaaf gafkayga maalinta qiyaamaha.
Xakiim Binu Xisaam Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga waran waxyaabo aan ku cibaadeysan jirey waagii Jaahiliga, sida: Sadaqada, xoraynta Adoomada, iyo xiriirinta qaraabada ee ajar ma ka helayaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:" wixii khayr ahaa ee aad horay u samaysay ayaad ku islaamtay".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey hadii gaalku Islaamo in laga ajar siinaayo camalkiisii wanaagsanaa ee waqtigii Jaahiliga ee Islaamka ka hor uu sameeyey, sida sadaqada, xoraynta Adoomada iyo xiriirinta Qaraabada.