





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Macqal Binu Yasaar AlMusani Allaha ka raali ahaadee waxaa la wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Adoonkii Ilaahay madax uga dhigo Shacab, oo Maalinta uu dhimanaayo dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa Janada".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qof kasta oo Ilaahay Masuul uga dhigay dad, ha noqoto masuuliyad guud sida Madaxweyne, ama masuuliyad gaara sida tan ninka ka saaran gurigiisa, ama Gabadha ka saaran Gurigeeda, hadii ay dayacaan wixii masuulka looga dhigay, ama ay khiyaaanan oo aanay u naseexayn, oo dayacaan xuquuqdooda Diineed iyo tan Aduunyo, waxay mutaysanayaan ciqaabtaas adag.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: Qofka ka hor yimaada Madaxdiisa, Bulshada Muslimiintana ka dhex baxa ee sidaa ku dhinta, wuxuu ku dhintay dhimasho Jaahili, Qofka u dagaalama Calan Indho la`aan ah oo Baadil ah, oo uu u caroonayo qabyaalad ama ugu yeeraya qabyaalad, ama u gargaaraya qabyaalad oo ku dhinta dhimashadiisu waa Jaahili, Qofka la dirira ummaddayda, ee garaaca kan Baariga ah iyo kan Faajirka ahba, ee aan ka leexan kan Muuminka ah, ee aan kii balanta lahaa aan u oofin balantiisii, kaasi igama mid aha aniguna ka mid ma ihi".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye wuxuu cadeeyey in Qofka Madaxda adeeci waaya oo ka baxa Muslimiinta ku midaysan baycada Imaamka, ee sidaa ku dhinta isagoo Jamaacada Musliiinta ka baxay Madaxdiina khilaafay, wuxuu ku dhintay dhimasho Jaahili ah, kuwaasoo Madaxna aan maqlayn, Bulshodana aan ku xirnayn, balse ahaa Firqooyin iyo Kooxo qolaba qolo la dagaasho. Rasuulku nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka u dagaalama calan aysan u cadayn inuu xaq yahay iyo inuu baadil yahay, oo uu u caroonayo hadii qoladiisu ama qabiilkiisu caroodo, oo uusan u caroon isagoo diinta u gargaaraya ama xaqa u gargaaraya, oo ku dagaalamo qabyaalad indho la`aan iyo cilmi la`aan ah, hadii xaaladaas lagu dilo waxay la mid tahay dhimasho jaahili ah. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu sheegay qofkii la dirira ummaddisa ee garaaca qofka fiican iyo kan xunba, ee wuxuu samaynaayo aan dan ka gelin, ee aan ka baqin ciqaabta dilka mu'uminiinta, ee aan ilaalinay balanta dadka lagula jiro sida gaalada balanta ku jooga iyo madaxda balanta lala galay, balse burinaaya balamada, arinkaasi wuxuu ka mid yahay dunuubta waaweyn, Qofkii sameeyana wuxuu xaq u yeelan goodigaas adag.
Carfaja Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee waxaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Qofka idiin yimaada idinkoo ku midaysan nin kaliya, qofkaasoo doonaya inuu idin kala geeyo, ama midnimadiina dhaawaco, dila".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey muslimiinta oo ku midaysan hal nin oo xukuma, iyo aragti kaliya, ka dibna uu u yimaado mid doonaya inuu xukunka kula diriro, ama raba inuu muslimiinta u kala jabiyo kooxo badan, waxaa waajib ku ah muslimiintu inay u diidaan oo la diriraan , iyadoo laga hortagaayo sharkiisa iyo musliniinta dhiigooda oo la ilaalinayo.
Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaa imaan doona Naf jeclaysi iyo arimo aad diidi doontaan" waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, maxaad nafariysaa? wuxuu yiri: "iska bixiya xaqa la idinku leeyahay, xaqiinana Ilaahay waydiista."
Xadiis la isku waafaqayNabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay inay Muslimiinta talada u qaban doonaan Madax qaadan doona maalka Muslimiinta iyo Aduunyada kaleba, oo waxay doonaan ku sameynaaya Muslimiintana u diidaya xaqa ay ku leeyihiin. Madaxdaas waxaa laga arki doonaa arimo aad Diinta waafaqsanayn oo la diido. Asaxaabtu waxay waydiiyeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: waxa ay sameynayaan xaaladaas?. Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Xoolaha ay qaateen aysan keenayn inaad diidaan xaqii ay waajibka idinku lahaayeen oo ah inaad maqashaan oo adeecdaan, balse ku sabra oo maqala oo adeeca oo ha ku qabsanina Xukunka, oo Ilaahay waydiista xaqiina, oo ka barya inuu idiin hagaajiyo oo idinka celiyo Sharkooda iyo Dulmigooda.
Nucmaan Binu Bashiir-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Tusaalaha Qofka xuduuda Ilaahay ku taagan ee ilaalinaya Sharciga iyo midka ku dhacaya ee aan ka waabanayn,waa sida dad Doon u Qori tuurtay, oo qaar heleen xaga sare qaar xaga hoose, oo kuwa xaga hoose helay markay biyo u baahdaan ay siimarayaan kuwa kor saaran, oo ay dhahaan: hadaan halkeenanba dalooshano, oo aynaan dhibin kuwa naga sareeya, hadaba kuwa xaga sare saarani haday u ogolaadaan sidaa dhamaantood way halaagsamayaan, hadayse ka qabtaan Gacmaha oo u diidaan way bad baadin, dhamaantoodna way wada bad-baadayaan."
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu tusaale u soo qaatay kuwa xuduuda Shareecada dhowra ee amarka Ilaahay ku toosan, wanaagana fara xumahana reeba . iyo kuwa ku dhaca Xuduuda Ilaahay, ee kataga wanaaga Xumaantana u bareera, iyo saamaynta taasi ku leedahay badqabka Bulshada, waa sida dad saaran Doon, una Qori tuurtay cida xaga sare fariisan iyo kuwa xaga hoose fariisan, sidaana qaar ku heleen xaga sare, qaarna xaga hoose, kuwa hoosta fadhiya markay Biyo rabaan waxay siimarayaan kuwa sare, oo ay dheheen kuwa hoose: halkan aan joogno aan dalooshano, si aynaan u dhibin kuwa sare, haday ku eegtaan kuwa korka saarani daloolintaa, way la dagin doontu dhamaantood, hadayse ka joojiyaan oo daloolintaa u diidaan way wada bad-baadayaan dhamaantood.
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "dhamaantiin waxaad tihiin Ilaaliye, waana la waydiin wixii la raaciyey, Amiirka dadka maamula waa ilaaliye isagaana la waydiin masuuliyadii uu hayey, ninka waxaa la raaciyey Qoyskiisa waana la waydiin, Gabadha Xaaska ahna waxaa la raaciyey Guriga ninkeeda iyo Caruurtiisa waana la waydiindoonaa, Adoonka waxaa la raaciyey Xoolaha sayidkiisa waana la waydiindoonaa, war hooy dhamaantiin ilaaliyeyaal ayaad tihiin dhamaantiina waa la idin weydiindoonaa wixii la idin raaciyey."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qof walba oo Muslima ay ka saaran tahay Bulshada masuuliyad ay tahay inuu ilaaliyo oo ka soo boxo. Imaamka iyo Amiirku waxay ilaalinayaan wixii Ilaahay raaciyey, waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan Sharcga, oo ay ka difaacaan cidii dulmi wada, oo ay ku Jihaadaan Cadowgooda, oo aysan dayicin xaqooda. Ninkuna wuxuu masuul ka yahay inuu Qoyskiisa biilo, oo uu si fiican ula dhaqmo, oo uu wax baro oo uu edbiyo. Gabadhana waxaa la raaciyey Guriga ninkeeda waa inay si fiican u maamusho Gurigiisa oo ay tarbiyeyso Caruurtiisa, iyadaana masuul ka ah arinkaas. Qofka khidmeeya ee Adoonka ah iyo kan Shaqaalaha ah waxay masuul ka yihiin Xoolaha Sayidkooda waa inay ilaaliyaan wixii uu u dhiibay iyo shaqadii uu u diray, iyagaana masuul ka ah arinkaas. Qofkasta wuxuu masuul ka yahay wixii la raaciyey, qof walbana waa la waydiinayaa wixii la raaciyey.
Abii hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo."
Xadiis la isku waafaqayNabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dhaartay inay soo dhowaatay waqtigii uu Nibi Ciise soo degi lahaa, ee uu dadka cadaalad ku xukumi lahaa, isagoo raacaya shareecadii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. Oo Nabi Ciise uu jabindoono Matabka kiristaanku wayneeyaan. Nabi Ciise wuxuu dilidoonaa khinsiirka, Nabi Ciise wuxuu soo rogidoonaa Jisyada dadka oo dhana wuxuu ku amridoonaa inay Islaama soo galaan. Xooluhu waa badandoonaan Qofna qaadanayana ma jiro, waayo Xoolihii ayaa iska badanaya, Qof walbana wuxuu ku kaaftoomay wixii Gacantiisa ku jira, waxaa soo degeya Barkada waxaana is raacraacaya khayrka.
Annas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Anagoo masaajidka la fadhina Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nin riti fuushan la soo galay masjidka, wuxuu ritigii ku arumay masjidka, ka dibna masjidka ayuu ku xirtay, ka dib dadkii wuxuu ku yiri: kiineeba ah Maxamed? Nabigun scw asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay, markaasaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii wuxuu Nabiga ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku ajiibay. Ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku waydiinayaa waana kugu adkaynayaa su'aasha ee ii dul qaado? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad rabto I waydii, wuxuu yiri: Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysay ayaan kugu dhaariyee, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka oo dhan? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan tukano shan salaadood habeenkii iyo Maalintii? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan bil ka soono sanadka? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku faray inaan sakada ka qaadno intayada qaniga ah una qaybino intayada saboolka ah? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: waan rumeeyey waxaad la timid, ana rasuul baan u ahay kuwa iga dambeeya , aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah.
Xadiis la isku waafaqayAnas Binu Maalik Allaha ka raali Noqde wuxuu sheegay iyado Asxaabtu la fadhiyaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee masaajidka, ayaa nin rati fuushan la soo galay oo ritigii arumay ka dibna xiray. Ka dibna wuu waydiiyey Asxaabta: kiineebaa ah Maxamed? Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay , waxaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxu ku yiri: waan ku maqlayaaye i waydii waan kuu jawaabine. Ninkii wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waan ku waydiin waana kugu adkayne ha igu xanaaqin. macnaha: ha ii caroon oo ha i dhibsan. Nabigu wuxuu ku yiri-: i waydii waxaad rabtid. wuxuu yiri: waxaan kugu dhaariyey Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysaye, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka? wuxuu ku yiri: Allahayow haa, isagoo adkaynaaya runtiisa. Ninkii ayaa yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaan tukano salaadaha shanta ah maalinta iyo habeenka? waana salaadaha faralka ah, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku amray inaan ka soono bishan sanadka? waa bisha Ramadaan, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaad ka qaado sadaqada kuwayaga qaniga ah oo aad u qaybisid kuwayaga saboolka ah? waana sakada, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Allahayow haa, Damaam wuu Islaamay, wuxuuna u sheegay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu ugu yeeri doono tolkii diinta islaamka, wuuna isa sheegay inuu yahay Damaam Binu Thaclabata, oo reer banii Sacad banii Bakar ah.
Shadaad Binu Aws Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee labo ayaan ka xifdiyey isagoo dhahaya: "Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo, hadii aad wax dilaysaan dilka wanaajiya, hadii aad gawracaysaan gawraca wanaajiya, Mididana afeeya, oo neefka u raaxeeya.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay nagu waajibiyey inaan shay walba u ixsaan falo, Ixsaankuna: waa in Ilaahay si joogto inoo ilaalinaayo, oo uu eegaayo caabududiisa, bixinta khayrka, dadka oo dhibka laga daayo, ixsaankaas waxaa soo galaya dilka iyo gawraca. Ixsaanka qisaastu waa: in loo dooro dariiqa ugu sahlan oo ugu fudud oo ugu dhaqso badan oo Nafta looga goyn karo kan la dilaayo. ixsaan falka gawracu waa marka la gawracyo: oo waa in loogu naxariisto Neefka in la afeeyo Midida, oo aan hortiisa lagu afayn isagoo eegaya, ama xoolo kale oo u jeeda aan la gawricin.