





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Anas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan la joognay Cumar, wuxuuna yiri: (waa naloo diiday kalifaada ).
Waxa wariyay AlbukhaariCumar Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u diiday dadka in la caadaysto wax dhib maahee aan dheef laheyn, hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee.
Cumar Binu Abii Salama Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Anoo ah Wiil yar oo ku nool Guriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayey Gacantaydu xeerada ku dhex wareegtay markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee igu yiri: yarow Bismi Allah dheh oo Midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga, intii ka danbaysay sidaas ayaan u cuni jiray cuntada.
Xadiis la isku waafaqayCumar Binu Abii Salama-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay inuu ahaa Wiilkii yar oo ay dhashay xaaskii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee Umu Salama Allaha ka raali ahaadee- waxaana Gacanta ku hayey oo tarbiyeynaayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo Nabiga wax la cunaya ayuu weelkii cuntada dhinacyada cunto ka qaatay, markaasuu Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu baray seddexdan aadaabta cuntada ku saabsan. Tan 1aad: waa erayga "Bismillaah" bilawga cuntada. Tan 2aad: Midigta oo lagu cuno. Tan 3aad: waa inuu cuntaa ka cuno dhinaca u dhaw isaga.
Ibnu Cumar Allaha ka wada raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "Hadii Qof idinka mida uu wax cunayo ha ku cuno Midigtiisa, haduu wax cabaayana ha ku cabo Midigtiisa, waayo Shaydaanku wuxuu ku cunaa Bidixdiisa wuxuuna ku cabaa Bidixdiisa".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu faray inuu Qofka Muslimka ahi wax ku cuno kuna cabo Gacantiisa Midig, wuuna reebay in wax lagu cuno laguna cabo Gacanta Bidix, waayo Shaydaankaa kuna cuna kuna caba Bidixda.
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: " Haduu ninku markuu soo gelayo Gurigiisa, ama uu cuntadiisa cunaayo, Shaydaanka wuxuu dhihin: halkan Hoy iyo Cashaba kuma lihin, haduu soo galo isagoon Ilaahay xusin markuu soo gelaayey, Shaydaanka ayaa oronaya: waxaad soo gaarteen Hoy, haduu Cuntada cuno isagoon Ilaahay Xusina Shaydaanku wuxuu oran: waxaad soo gaarteen Casho iyo Hoy.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in Ilaahay la xuso marka Guriga la gelayo iyo cuntada ka hor, marka Qofku Ilaahay xuso isagoo dhahaya (bismillaah) maarkuu gurigiisa gelayo iyo marka cuntadiisa uu bilaabayo, shaydaanka ayaa ku dhaha taageerayaal kiisa: hoyaatin iyo casho kuma lihidin Gurigaan ninkii iska lahaa idinka magan gelay dikriga Ilaahay. Hadiise ninku soo galo Gurigiisa oo uusan xusin Ilaahay markuu Guriga galayo iyo markuu cuntada cunaayo shaydaanka ayaa u sheegaya taageerayaalkiisa inay Guriga ku leeyihiin Hoyaatin iyo Cashaba.
Cubaada Binu Saamit Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay waxaan ka balaban qaadnay inaan maqalno oo adeecno, waqtiga adag iyo waqtiga fududba, iyo in nalaka sad roonaan karo, iyo inaan ku qabsan Madaxtinimada dadka haaya, iyo inaan meel kasta oo aanu joogno xaqa sheegno, oo aanaan xaqa u sheegi waayin cabsi aan ka qabno mid dagaala dagaalki.
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu balan kaga qaaday Asxaabtiisa inay u hogaansamaan Madaxda waqtiga fudud iyo waqtiga adagba, waqtiga barwaaqada iyo waqtiga baahida la qabo, amarkoodu ha ahaado waxaan jecelnahay ama wax aan dhib sanayno, xataa haday Madaxdu Bulshada ka badasadaan Xoolaha caamka ah, iyo shaqo isku magacaabida, iyo wixii la mida, waxaa waajib ah in lagu adeeco waxa wanaaga ah, iyo inaan laga hor iman Madaxda, waayo fitnada iyo ladagaalan koodu wuu ka waynaan fasahaadka ka dhalanaya dulmiga ay sameeyaan, iyo wixii ay balan qaadeen oo ahaa inay xaqa sheegaan goob walba, iyagoo Ilaahay u daacad ah oo aan ka baqayn cid canaanata.
Umu ٍSalama, Muuminiinta Hooyadood -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaa imaan doona kuwo Madaxa oo samayndoona waxaad ku raacsan tihiin iyo waxaad ku diidan tihiinba, َofkii ku raaca wixii saxa wuu is beri yeelay, َofkii ku diida wixii khalad ahna wuu badbaadey, laakiin khaladku waa َofkii xumaha ku raaca oo ku raali noqda, waxay yiraahdeen: ma la diriraynaa? wuxuu yiri: maya, inta ay tukanayaan".
Waxa wariyay MuslimRasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ina maamuli doonaan Madax sameyndoona shaqo aanu naqaan waafaqsana Sharciga aanu naqaan, waxay kaloo sameyn doonaan shaqo aan ku diidayno waayo waxay khilaafsan tahay Sharciga. Qofkii qalbigiisa ka diida Munkarka ee aan awoodin inuu ka hadlo diidana, Danbiga iyo Nifaaqa beri ayuu ka noqday. Qofka awooda inuu Madaxda ku diido Gacan ahaan ama Carab ahaan ee Madaxda ku diida Xumaha wuu ka badbaaday Macsida iyo inuu ka qaybqaato Xumaha. Laakiin Qofka ka raali noqda ee ku raaca Xumaha wuu halaagsamin siday u halaagsameen. Ka dib waxay waydiiyeen Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay la dagaalamaan Madaxda xaalkuudu sidaa yahay?, wuuna u diiday Rasuulku arinkaa, wuxuuna ku yiri: maya, intay Salaada idinla oogayaan.
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii Adoonku jirado ama uu safro waxaa loo qoraa xasanaadkii uu qaban jiray markuu daganaa ee uu caafimaadka qabay".
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay fadliga Ilaahay iyo raxmadiisa, hadii Qofka Muslimka ahi caadaysto inuu sameeyo camal wanaagsan marka uu caafimaadka qabo ee Gurigiisa joogo ka dibna uu ku yimaado wax cudurdaar ah sida Jiro oo uu awoodi waayo inuu camalkii suubiyo ama uu kaga mashquulo safar ama wax kale, waxaa loo qoroyaa ajar kaamil ah sidii isagoo sameeyey camalka markuu Gurigiisa joogay oo uu caafimaadka qabay oo kale.
Tamiim Adaari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Diintu waa naseexo " waxaan ku niri: yey u tahay: wuxuu yiri: " Ilaahay, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, Madaxda Muslimiinta, iyo guud ahaan Muslimiinta oo dhan "
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay Diintu ku dhisan tahay ikhlaas iyo run, si loogu guto sidii Ilaahay u waajibiyey oo kaamila ee aan laga gaabin ama la qishin. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa lagu yiri: yey u tahay naseexo? wuxuuna yiri: Tan kowaad: Ilaahay ayey u tahay isagaa koreeya oo nusqaan ka hufane: waana in loo khaalis yeelo camalka oo aan loo shariig yeelin ", oo aanu rumayno Rabinimadiisa, Ilaahnimadiisa, Magacyadiisa, Sifaadkiisa, arinkiisa oo la weyneeyo iyo dadkoo la gaarsiiyo inay Ilaahay rumeeyaan. Tan labaad: kitaabkiisa Qur'aanka ah: ayey u tahay: waana inaan aamino inuu hadalkii Ilaahay yahay oo kii kutubtiisa u danbeeyey yahay, iyo inuu nasakhay dhamaan Shareecooyinkii isaga ka horeeyey, waa inaan weynayno oo si wanaagsan u akhrino oo ku camal falo Quraanka Muxkamkiisa, oo aanu u hogaansamo Mutashaabihiisa, oo aanu ka tagno kuwa Quraanka qaloociya oo bedela, waa inaan ku cibro qaadano waanadiisa, oo cilmigiisa faafino, dadkana ugu yeerno. Tan seddexaad: waxay u tahay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: taasoo ah in la rumeeyo inuu yahay kii u dambeeyey Rususha, oo aan rumayno wuxuu la yimid, oo aanu amarkiisa qaadano, wuxuu naga reebayna ka harno, oo aynaan Ilaahay ku caabudin wixii Nabigu la yimid maahee wax kale, oo Nabiga xaqiisa weynayno, oo Nabiga maamuusno, oo dacwadiisa fidino, oo Shareecadiisa faafino, oo tuhunka ka difaacno. Tan afraad: Madaxda Muslimiinta ayey u tahay: taasoo ah in xaqa loogu kaalmeeyo, oo aan lagu qabsan Madaxtinimada, waana in la maqlo oo lagu adeeco Sharciga Ilaahay. Tan shanaad: Muslimiintoo dhan ayey u tahay naseexo: waana in loo ixsaan falo oo khayrka loogu yeero, oo dhibka laga daayo, oo khayrka lala jeclaado, oo baarinimo iyo taqwo lagula dhaqmo.
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo ku dhahaya Gurigaygan dhexdiisa: "Allahayow Qofkii Madax u noqda Ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka Madax u noqda Ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso."
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu habaaray Qofkastoo Madax ka noqda arimaha Muslimiinta hayaraado arinkaasi ama ha weynaadee, Madaxtinimadaasi ha noqoto mid guud ama mid kooban ee gaara, Qofkaasoo Madaxtinimadiisa dadka ku dhibaateeya, oo aan u naxariisan, Ilaahay wuxuu ku abaal marin camalkii uu sameeyey noociisa, wuuna ku adkayn. Midkase u naxariista dadka oo u fududeeya arimahooda, Ilaahay ayaa u naxariista oo u fududeeya arinkiisa.