Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay adkaar aanu khasaarayn oo uusan ka qoomamayn qofka akhrista, balse uu ka halayo kalimadkaa ajar, oo qaarba qaar ka daba imaanayo, waxaana la akhristaa salaadaha faralka ah gadaashooda, waana sidan: ''subxaana Allaah'' 33 jeer, macnaheeduna waa Ilaahay ayaa ka nasahan oo ka reeban nusqaan walba. ''Alxamdu lillaah'' 33 jeer, macnaheedu waa Ilaahay wuxuu ku tilmaaman yahay kaamilnimo taam ah, iyadoo ay la jirto jeclaantiisa iyo waynayntiisu. ''Allaahu akbar''34 jeer, macnaheedu waa Ilaahay baa ka wayn oo ka cisi iyo sharaf badan wax walba.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey fadliga ay leedahay Salaada lagu tukado Masajidkiisa, iyo inay ka fadli badan tahay kun Salaadood oo Masaajida kale ee dhulka, ee aan ahayn Masajidka Xaramka Makkah, waayo Masaajidka Xaramka Makkah Salaada lagu tukadaa way ka fadli badan tahay tan lagu tukado Masjidka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaysan janada galeyn cidaan Mu'uminiinta ahayni, iimaankuna ma dhamaystirmo mana hagaagayo xaalka Muslimiintu ilaa ay is jeclaadaan. Ka dibna wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabaha ugu fiican ee is jacaylka keena, waana salaanta oo Muslimiinu lagu faafiyo, taasoo Ilaahay uu ka dhigay salaanta Adoomadiisa ay ku salaamaan.
Nabiga ayaa khudbeeyey maalintii carafa ee xajkii Alwadaac ee sanadkii tobnaad ee hijrada, waxaana magaca xajatu-Alwadaac loogu bixiyey, Nabigaa -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee dadka sagootiyey xajkaa dhexdiisa, Dadkana dhamaantood wuxuu faray inay Rabigood ka baqaan, una hogaansamaya waxa uu amray, kana fogaanaya waxa uu ka reebay. Salaadaha shanta ah ee Ilaahay habeenkii iyo maalintii ku waajibiyeyna tukadaan. Bisha ramadaana ay soomaan. Sakada xoolohoodana inaysan ku bakhaylin oo ay siiyaan kuwa xaqa u leh. Kuwa Ilaahay madaxda uga dhigay waa inay ku adeecaan wixii aan macsi Ilaahay ahayn Qofka sameeya wax yaabahaa la soo xusay abaal gudkiisu waa janada oo uu galo.
Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, anigu dambi walba waan sameeyey, mid yar iyo mid weynba midna maanan dhaafine dambi dhaaf ma leehay? Wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee miyaadan qirsanayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay? wuxuu ugu cel-celiyey seddex jeer. Wuxuu ugu jawaabay: haa waan qirayaa. Wuxuu u sheegay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee fadliga labada shahaado iyo in lagu dhaafo dambiyada, towbaduna ay masaxdo wixii ka horeeyey ee dambi ahaa.
Nabiga Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ka digay in cilmiga loo barto in lagu faano ama in culimada lagula tartamo, ama si uu u muujiyo inuu culumo yahay, iyo in lagula murmo wax ma Garadka, iyo in loo barto in la xurmeeyo ama mudnaanta la siiyo. Qofka sidaa sameeya, wuxuu mudanayaa Naarta, waayo cilmiga Ilaahay darti loo barto ayuu u bartay istustus iyo ikhlaas la'aan.
Nabigu scw wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay Islaamka tusaale ugu keenay dariiq toosan, ee fidsan oo wax qalqalooca aan lahayn, dariiqaa labadiisa dhinac labo darbi ayaa ah, kuwaasoo xuduudii Ilaahay dhigay ah, waxaa labadaa darbi dhexdooda ah albaabbo furan oo ah xaaraantii uu Ilaahay xarimay, albaabadaasi waxay leeyihiin daahyo qofka jidka marayaa uusan arkayn waxa ku jira, dariiqa bilawgiisa waxaa fadhiya mid u yeeraya dadka oo tilmaamaya oo farayana inay dariiqa ku socdaan oo aysan u leexan dhinacyada, kaasoo ah kitaabka Qur'aanka ah, waxaa jira mid kale oo ka dhawaaqin jidka korkiisa, midka dadka u yeeraya markastoo qofka jidka maraya uu damco inuu inyar ka furo daahyada wuu u diidayaa, wuxuuna oronayaa: war hooge ha furin! hadaad furto waad galin naftaadana kama hayn kartid galidee, kaasina waa waanada Ilaahay ku abuuray qalbiga qof kasta oo muslima.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Salaada oo lagu akhriyo seddex Aayadood ajarkeedu ka kheyr badan yahay in Qofku Gurigiisa ka helo seddex halaad oo riman oo waaweyn oo buur buuran.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka muujiya Qur'aanka akhrintiisa inuu la mid yahay Qofka muujiya Sadaqada bixinteeda, Qofka akhrinta Qur'aanka qarsadana uu la mid yahay Qofka Sadaqada bixinteeda qarsada.