





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Dardaa-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey inuu yiri: "Majiro wax ka culus miisaanka qofka mu'uminka ah maalinta qiyaamaha Akhlaaqda fiican, Illaahayna wuu u caroodaa qofka afka xun ee ma xishoodaha ah.
Abuu daawuud iyo tirmidi ayaa wariyeySuubanuhu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in camalka ugu culus miisaanka mu'uminka maalinta qiyaamaha uu yahay akhlaaqda wanaagsan, waana waji furnaanta, dhibka oo dadka laga daayo iyo wax fiican oo la bixiyo. Illaahay wuu u caroodaa waxa xun ee gafka ah, hadal iyo ficilba, ee qofka xun kaga dhawaaqo carabkiisa.
Jaabir Binu Cabullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey, wuxuuna gaarsiisay inay dhiigooda daadiyaan oo wixii Ilaahay ka xarimay xalaashadaan."
Waxa wariyay MuslimNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay dulmiga, dulmiga waxaa ka mida: dadka oo la dulmiyo, nafta oo la dulmiyo, Ilaahay xaqiisa oo la dulmiyo, Dulmigu waa in laga tago in la siiyo mid walba oo xaq leh xaqiisa, dulmigu waa mugdiyo ay galayaan dadka sameeya dulmiga maalinta qiyaame, iyagoo la kulmidoona dhibaato adag iyo halaag. Waxa kale oo uu reebey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee- bukhliga oo ah bakhaylnimada teeda ugu xun iyo ku dadaalideeda, waxaana ka mida ka gaabinta xuquuqda maalka saaran oo qofku ku bakhaylo iyo inuu aad ugu dadaalo aduunyo raadin. Dulmiga nuucaas ahi wuxuu halaagay ummaddihii inaga horeeyey, wuxuuna gaarsiiyey inay is laayaan oo ay xalaashadaan wixii Ilaahay ka xarimayn.
Salama Binu Alakwac Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Nin ayaa Bidixda ku cunay isagoo la jooga Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: "midigtaada ku cun", wuxuuse yiri: ma awoodo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " ha awoodin ", kibir baa u diiday, wuxuu yiri: mar danbe Gacantiisii Afkiisa uma qaadin, .
Waxa wariyay MuslimNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa arkay nin Bidixda wax ku cunaaya, wuxuuna amray inuu Midigtiisa ku cuno, Wuxuu ku jawaabay inuusan awoodin isagoo ay kibir iyo been ka tahay! Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku habaaray inuu kari waayo Midigta inuu wax ku cuno. Ilaahayna wuu aqbalay habaarkii Nabigiisa oo waa qalashay Midigtiisii, mana awoodin inuu Afkiisa gaarsiiyo intaa ka dib cunto iyo cabitaanba.
Abii Hureyra-Allaha karaali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin reer baadiye ah ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna ku yiri: itus camal aan sameeyo oo janada aan ku galo, wuxuu ku yiri -Rasuulku-: Ilaahay ayaad caabudin waxbana la wadaajin maysid cibaadadiisa, salaadaha faralka ahna waad oogin, sakada waajibka ahna waad bixin, ramadaankana waad soomin", wuxuu yiri-ninkii-:Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee intaa waxba ku darimaayo, markuu dhaqaaqay ayuu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- yiri: "qofka ku farxaya inuu arko nin Ehlu janaha ka mid ah ninkan ha eego."
Xadiis la isku waafaqayNin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- si uu ugu sheego camal uu janada ku galo. wuxuu ugu jawaabay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- janada oo la galo iyo naartoo laga bad-baado waxay ku xiran tahay arkaanta Islaamka oo la guto, taasoo ah Ilaahay keligi in la caabudo, oo aan cid kale loogu shariig yeelin. Waa inaad gudato salaadaha shanta ah ee Ilaahay adoomadiisa ku waajibiyey habeenkii iyo maalintii. Waa inaad bixisaa sakada xoolaha Ilaahay kugu waajibiyey, oo aad siiso kuwa xaqa u leh. Waa inaad ilaalisaa Bisha Ramadaan soonkeeda waqtigeedana soontaa. Ninkii ayaa yiri Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee camalkaa la faral yeelay ee aan kaa maqlay wax kale oo cibaado ah ku dari maayo, kana nusqaamin maayo. markuu ninkii dhaqaaqay ayuu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- yiri: qofka ay farxad galinayso inuu arko nin Ehlu janado ah ha arko ninkan reer baadiyaha ah.
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu yiri: "Qofka gaadiidka saaran ayaa salaamaya kan lugaynaya, kan lugaynayana wuxuu salaamayaa kan fadhiya, dadka tirada yarina kuwa tirada badan bay salaamayaan." Bukhaari wuxuu leeyahay ruwaad kale: "kan yari kan wayn buu salaamayaa, kan socdaana kan fadhiya ayuu salaamayaa, dadka yarina kuwa badan bay salaamayaan"
Xadiis la isku waafaqayNabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-dadka wuxuu baray aadaabta dadku isu salaamaan, taasoo ah "Asalaamu calaykum wa raxmatu Alaah wa barakaatuh", Qofka yari wuxuu salaamayaa kan wayn, kan wax fuushana kan lugaynayana, kan lugaynayana kan fadhiya, kuwa tirada yarna kuwa tirada badan.
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey: Inuu nin weydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuu ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto َofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba."
Xadiis la isku waafaqayNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa la weydiiyey, Sifooyinka Islaamka kuwee ugu fadli badan? wuxuu sheegay labo sifo: Mida 1aad: in la badiyo quudinta Fuqarada, waxaana soo galaya Sadaqa, Hadiyada, Soorida, Casumida, waxayna sii fadli badan tahay quudintu waqtiyada ay jiraan Abaaraha iyo sicir bararku. mida 2aad: waa inaad Salaanto Qof walba oo Muslim ah kii aad taqaan iyo kii aadan aqoonba.
Anas Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Ducada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa ugu badnaa "Allahayow, Rabiyow, Adduunka nagu sii kheyr, Aakhirana nagu sii kheyr, nagana ilaali cadaabta Naarta-ee Aakhiro."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid badiya ducada ducooyinka kulmisa, waxaana ka mida: ''Allahayow, Rabiyow Adduunka nagu sii khayr, Aakhirana nagu sii khayr, cadaabta Nartana naga dheeree'', Ducadaasi waxay koobaysaa xasanada Adduunka ee ah risiq wanaagsan oo waasic ah, xaas wanaagsan, ubad indhuhu ku qabawsadaan, raaxo iyo cilmi wax tar leh, camal saalix ah, iyo wixii la mida ee wax yaabaha wanaagsan ee la jecel yahay ah ee mubaaxa ah, xasanada Aakhirana wuu kaga badbaadayaa ciqaabta Qabriga, iyo marka la taagan yahay Maxsharka, iyo inuu helo Raali ahaanta Ilaahay, kuna guulaysito nicmada joogtada ah, iyo Rabiga Raxiimka ah u dhawaantiisa.
Shadaad Binu Aws Allaha ka rali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Sayidka istiqfaartu waa inaad tiraahdo: Allahayow adigaa Rabigay ah Ilaah aan adiga ahayn ma jiro, adigaa i abuuray ana Adoonkaagii ayaan ahay waxaan ku taagnahay balantaada iyo balan qaadkaaga intaan awoodo, waxaan kaa magan galayaa waxaan sameeyey Shartooda, waan qirsanahay Nicmooyinka aad i siisay, waan kaaga towbadkeenay danbigayga ee ii dhaaf, adiga maahee cid kale danbiyada ma dhaaftee" wuxuu yiri: " Qofkii yiraahda Maalintii isagoo yaqiinsan, oo dhinta Maalintaas galabtii ka hor waa Ehlu Jano, Qofkii yiraahda Habeenkii isagoo yaqiinsan, oo dhinta Habeenkaas inta aan waagu baryin, waa Ehlu Jano".
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in istiqfaartu ay leedahay Ereyo, kuwa ugu fadliga badana ay yihiin inuu Adoonku dhoho: ''Allahayow, adaa Rabigay ah, Ilaah aan adiga ahayni majiro, waad i abuurtay ana Adoonkaagaan ahay, waxaanan ku jiraa balankaagii iyo balan qaadkaagii inta aan awoodo, waxaan kaa magan galayaa Sharka aan sameeyo dhibkiisa, waxaan kuu ogsoonahay oo qiraya Nicmooyinka aad i siisay, waxaan qirsanahay dambigayga, Allahayow ii dambi dhaaf, mid aan Adiga ahayn oo dambiga dhaafi karaa majiree'' Marka hore Adoonku wuxuu u qirayaa towxiidka, iyo in Ilaahay abuuray oo uu caabudayo isagoon cidna la wadaajin, oo Addoonku ku kusugan yahay wuxuu Ilaahay kula ballamay ee iimaan iyo u hoggaansan Ilaahay ah kolba inta Awooddiisu tahay, waayo Adoonku sikasta oo uu u cibaadaysto haddana lama iman karo dhamaan wixii Ilaahay faray ee cibaado ah, iyo inuu guto mahadnaqii looga baahnaa ee Nicmooyinka Ilaahay, Adoonku llaahay buu cuskadaa, Diintiisana qabsadaa, Isaguuna Adoonku ka hoos galaa Sharka ay Naftiisu samayso. Ilaahay ayuu u qirayaa Nicmada uu siiyey, wuxuu Naftiisa ula noqonayaa inuu qirto oo citiraafo gafkiisa iyo dambigiisa. Codsigaa uu Ilaahay u jeediyey ka dib, Adoonku wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu u dambi dhaafo, oo uu u asturo dambiyadiisii oo kaga Ndiifiyo dembiyada cafiskiisa, fadligiisa iyo naxariistiisa, waayo cid aan Ilaahay wayne kor ahaaye ahayn oo dambiyada Adoomada dhaafi karta majirto. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ka mid tahay wardiga Subaxa iyo Habeenka, Qofka akhriya bilawga Maalinta isagoo yaqiinsan macneheedana dhadhan sanaya rumaysana, inta u dhaxaysa Qorax soo baxa ilaa Sawaalka -oo ah markay bartamaha Samada u yara dhaafto wax yar Qoraxdu xagga Qorax dhaca-, waana waqtiga Maalinimada ah ee sidaa ku dhinta Janaduu gelayaa. Qofka Habeenka akhriyana, waana Qorax dhaca ilaa soo bixitaanka Fajarka, oo sidaa ku dhinta intaanu Waabariisan Janaduu gelayaa.
Cabdullaahi Binu Khubayb Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan soo baxnay habeen Roob da'ayo, oo Gudcur ah, anagoo Rasuulka Ilaahay raadinayna si uu noo tujiyo, wuxuu yiri: waan helnay, wuxuuna yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxaan iri: maxaan dhahaa? wuxuu yiri: dheh: {قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada Suuradood ee Micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس" Galabtii iyo Subixii sedeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba".
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.iWuxuu sheegay Saxaabiga weyn ee Cabdullaahi Binu Khubayb-Allaha ka raali ahaadee-: inay bexeen Habeen Roob badan oo Gudcur ah, iyagoo raadinaya Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, si uu u tujiyo, wayna heleen, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa ''dheh'' oo uu uga jeeday akhri, waxbana ma akhrin, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku celiyey hadalkiisa, wuxuuna dhahay Cabdullaahi: maxaan akhriyaa Rasuul Ilaahayow? Nabigu wuxuu yiri: akhri suuradaha: {Al-ikhlaas}, {Al-falaq}, {Anaas}, waqtiga Galabta iyo waqtiga Subaxa, seddex jeer-midiiba-, waxay kaa ilaalin wax walba, xumaan oo dhana way kaa ilaaline.