Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Rabigii ka wariyey inuu Adoonku markuu dambi falo ee uu dhoho: Allahayow ii dambi dhaaf, inuu Ilaahay dhahayo: Adoonkaygaa Dambi falay, oo ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kaasoo astura oo u dhaafa Dambiga, ama ku ciqaaba, waan kuu Dambi dhaafay. Hadana wuu ku noqday Adoonku oo wuu dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii Dambi dhaaf, Ilaahay ayaa dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga. Hadana wuu ku noqday adoonkaygu oo dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa wuxu dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga, ha sameeyo wuxuu doono kol haduu markuu Dambi falaba ka istaagayo, kana murugoonayo, go`aansanayo in aanu ku laaban doonin, laakiin naftiisu ka adkaanayso, Dambigiina ku dhacayo, intuu sidaa yahay oo Dambaabayo kana tawbo keenayo waan u Dambi dhaafi, tawbadaa baabi'isa wixii ka horeeyey.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay kuwa dadka ay Maamulaan iyo Eheladoodaba cadaalad iyo xaqa ku xukuma, waxay ku fariisanayaan Kuraas dhaa-dheer oo Nuur ka samaysan, oo iyaga lagu maamuusayo Maalinta Qiyaamaha. Minbaradaas waxay yaalaan Allaha Raxmaanka ah Midigtiisa, Isagoo labadiisa Gacmoodba-Isagaa nusqaan ka hufane- ay Midig yihiin.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey xaqiiqada Xanta la xarimay oo ah: in lagu sheego Qofka Muslimka ee maqan wax uu dhibsaonayo, waxaasi ha ahaadaan Sifooyinkiisa Ilaahay ku abuurkay ama kuwo dhaqankiisa ah sida: Cawar, Khaa'in, Beenaale, iyo wixii la mida, ee ereyo Cay ah, xataa haduu leeyahay Sifadaa lagu sheegay. Hadaanu lahayn waxaa lagu sheegayo taasi wayba ka sii dambi wayn tahay Xanta, oo waaba Beeabuur, dadka lugu been abuuranayo wax aanay ahayn.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dad si xaq daro ah ugu tagri falaan Xoolaha Muslimiinta, ku waasoo xaq daro ku qaadanaaya, waa arimaha Xoolaha guud ahaaneed sida aruurintooda, in laga kasbo meel aan banaanayn iyo in lagu bixiyo meel aan sax ahayn, taas waxaa soo galaya cunida Xoolaha Agoonta, Xoolaha Waqafka ah, iyo Amaanada oo la inkiro iyo in Xoolaha dad waynaha xaqdaro lagu qaato. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in abaal marintoodu Naar tahay Maalinta Qiyaame.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebey kana digay wax yaabaha u keena Muslimiinta kala fogaanta iyo cadaawada. Waxaana ka mid ah: (Malaha), waana tuhun ku dhaca Qalbiga daliilna aan lahayn, wuxuuna cadeeyey, inuu yahay war kan ugu beenta badan. (Ceebo raadintu): waa Qofka oo ku raadiya isha ama dhagta ceebaha dadka. Iyo (basaasida): waa baarida umuuraha dadka u qarsoon, inta badana waxaa laga sheegaa waa sharka. Iyo (Xasadka): waa Qofka oo uurka ka naca dadka kale inay nicmo helaan. Iyo (isu daba jeedin): waa dadka oo is naca oo midba mid ka jeensado, oo uusan salaamin oo siyaaran Walaalkiisa Muslimka ah. Iyo (isku carood): waa in la is karho oo la kala dido, sida in dad kale la dhibo iyo in si xun loo qaabilo. Ka dib wuxuu yiri hadal guud ee xaalka wadajirka Muslimiintu ku hagaagayo, wuxuu yiri: (ahaada Adoomo Ilaahay oo Walaalo ah). Walaaltinimadu waxay isku xidhaa xiriirka dadka ka dhexeeya, waxayna kordhisaa is jacaylka iyo isku duubnaanta dadka.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay wanaag kasta iyo wax tar kasta oo loo qabto dadka sida hadalka iyo adeega waa Sadaqo, ajar iyo xasanaad baa ku jira.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey in wanaaga la suubiyo oo aan la yaraysan wanaaga haba yaraadee, waxaana ka mida waji fornaanta iyo dhoolo cadaynta marka la kulmo, waxaa haboon in Qofka Muslinku ku dadaalo taas, waayo waxaa ku jira soo dhawayn Qofka Muslimka ah iyo in la farax geliyo.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in xooga dhabta ahi uusan ahayn kan jirka, ama qofka dadka xooga leh legda, , balse kan xooga badani waa midka Naftiisa ka adkaada ee qasba markuu aad u caroodo, waayo taasi waxay tusaysaa inuu awood u leeyahay inuu naftiisa hanan karo oo uu ka guulaysan karo shaydaanka.
Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ku yiri: gaadiidkaygii ayaa iga dhintaye, i fuuli gaadiid, oo i sii waxaan fuulo oo i gaarsiiya, wuuna ka cudur daartay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inaanu hayn shay uu fuuliyo, nin kale oo joogay ayaa yiri: Rasuulka Ilaahayow, anaa tusaya Qof fuuliya, markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u sheegay inuu ajarka la wadaagayo kan wax sadaqaystay waayo wuxuu tusay Qof u baahan.